DAAWOOYINKA DABIICIGA AH EE GAASKA (GASTRITIS)
Talooyin Caafimaad
Gastritis waa xaalad hurisa xuubka caloosha (the mucosa), kaas oo keena calool xanuun, dheef-shiid xumo (dyspepsia), cufnaan caloosha ah iyo lallabo. Waxay keeni kartaa dhibaatooyin kale. Gastritis si lama filaan ah (acute) ayuu u iman karaa ama si tartiib tartiib ah. Daawooyinka iyo isbeddelada cuntada waxa ay yarayn karaan aashitada caloosha iyo calaamadaha gastritis.
Cudurkan waa midka ay Soomaalidu u taqaano gastirig, waxa uuna ku bilowdaa boogo yar-yar oo ku samaysma darbiyada caloosha iyo qeybta ugu horeysa ee duodenum (xiidmaha yar-yar). Waxaa inta badan la sheegaa in caabuqan ay keento bakteriyada loo yaqaano H. Pylori iyo aashitada caloosha oo baabi’isa lakabyada maqaarka ee ku yaalla caloosha.
Mar hadii la xaalufiyey ama ay bakteeriyadu baabi’isay lakabyada maqaarka ee caloosha waxaana markaas dhacaya in xuubka jilicsan ee caloosha uu ku yimaaddo dhaawac daran kadibna qofku uu dareemo damqasho mar walba oo ay aashitada calooshu taabato boogta samaysantay.
Bakteriyada loo yaqaano H. Pylori ayaa ah bakteeriyada ugu badan ee sababta xanuunkaan Gaaska ah. H. Pylori waa bakteeriyada ugu badan ee sababta xanuunkaan.
NOOCYADA UU U KALA BOXO GASTIRIG:
- Gaas Calooleed: waa boogo ku samaysma gudaha caloosha.
- Gaas Hunguriyeed: waa boogo ku samaysma hunguriga cuntadu soo marto.
- Gaas Min-dhicireed: waa boogo ku samaysma qaybta hore ee mindhiciraha yar yar.
MAXAA SABABA GASTIRIG?
Waxaa jira sababo badan oo keeni kara in darbiga caloosha, xiidmaha, iyo hunguriguba ay boogo yeeshaan balse kuwa ugu muhiimsan waxaa kamid ah;
- Bakteriyada Helicobacter Pylori: waa bakteeriya awood u leh in ay sababto infekshin iyo caabuq halis ah oo ku dhaca caloosha. Bakteeriyadan waxay si sahlan ku daloolisaa xuubka caloosha ayadoo adeegsanaysa dheecaano ay soo dayso.
- Isticmaalka badan ee kaniinada NSAIDS sida, Aspirin, Ibuprofen, iyo dawooyinka kale ee loo isticmaalo ka hortaga caabuqa boogaha jirka. Dadkeenu inta badan waxay aad u isticmaalaan kaniinada aan soo sheegnay siiba Aspirinka oo badanaa si joogtaa aan u isticmaalno.
- Sigaar Cabista:sigaar cabistu waxa ay kamid tahay sababaha keena in qofka uu ku dhaco gastirig.
- Kansarka caloosha
- Cunooyinka qaar:Qaar kamid ah cunooyinka sida qaadashada basbaas badan waxaa la’aamin sanyahay in ay sahli karto samaysanka boogahaan halista ah.
- Isticmaalka cabitaanada Alcohol-ka leh (Digniin: Fadlan Ka fogow cabitaanka Alcohol haddii aad leedahay gastritis).
- Stress ka.
- In gaajada laysku daayo.
- In aashatada calooshu aysan dheeli tirnayn.
- In la isticmaalo cuntooyinka xawaashka badan.
- Isticmaalka daawooyinka anti-inflammatory drugs sida Asprin-ka.
WAA MAXAY CALAAMADAHA GAAS CALOOLEEDKA?
Astaamaha ugu muhiimsan ee dadka qaba gastiriga ay dareemaan waxaa kamid ah:
- Abataytka oo qofka ka xirma,
- Lallabo,
- Saxarada oo dhiig yeelata ama midabkeedu madaw noqdo,
- Miisaan ka qofka oo yaraada,
- Matag, iyo xabad xanuun, ama laab jeex
- Caloosha oo xanuun gubasho oo kale ah laga dareemo, xanuunku wuu kala duwanaan karaa isagoo dadka qaarkood ku noqda mid aad u daran, halka dadka qaarna uu u sahlanaado. Mararka qaarkood xanuunka ayaa laga yaabaa inuu hurdada kasoo kiciyo qofka taasoo ku xiran hadba xaalada uu bukaanku ku suganyahay.
DAWADA GAASKA
Waxyaabahan hoos ku xusan kuligood waa waxyaabo dabiici ah, qaarkoodna haddii uu Allah kuu qadaro waxa ay sabab u noqon karaan in ay kaa tirtiraan gaasterida, mana lahan waxyeelo marka la barbar dhigo daawooyinka kale, waa haddii aadan xasaasiyad ku qaadayn.
1- Camon Seeds:
- Waa miro yaryar oo midabka olivinta oo kale leh una eeg miraha xawaasha bariiska ama cuntada lagu darsado (Cumin Seeds) bay u eg yihiin balse way ka yaryar yihiin. Iga raali ahaada Af-Soomali ma ku aqaan. Waxaa ku jira mirahan yaryar maado aad u fiican waliba aad uugu fiican dheefshiidka. Waxaa ay miisaan u yeeshaa oo ay saxdaa dheecaanka caloosha. Waxaa kale oo ku jira antioxidants aad u sareeyo. Haddii antioxidants jirkaagu uu dheeli tiran yahay waxa ay u sahlaysaa difaaca jirka in uu sifiican u shaqeeyo iyo waliba in uu jirku si sahlan u qaato wixii dawo ah oo cudurkana la dagaalama. Waxaa kale oo ay u sahashaa qaadashada vitamins iyo minerals. Sidoo kale Fiber aad u sareeya ayaa ku jira oo u fiican caloosha iyo saxaradaba.
- SIDEEN U ISTICMAALAA?
- Soo qado qaado/malqaacada yare e shaaha mugeed ah, kadibna ku darso far iyo suul milix ah isna dhex gali. Kadibna cun, isku tun ama isku ridiq ama kaligoodba calali. Mudo isticmaal. InshaAllah waxaan rajaynayaa inaad calaamadaha gasterida oo dhan aad iloowdid.
2- Sanjabiisha Qoyan (Fresh Ginger):
- Zayjabiilku run ahaantii waxa uu kamid yahay waxyaabaha la’ isaga daweeyo. Waxa uuna kamid ayahay daawooyinka uugu faa´iidada badan waxyaabaha dabayciga ah. Waxaad calashanaysaa jeex yar oo sanjabiil ah inta aanad cuntada cunin ka hor ama cuntiiyinka culus oo dhan ka hor, waxaa kujira zanjabiilka maado la dagaalanta jeermiska taas oo markaa keenaysa in ay ka hor tagto gasterida.
3-Biyaha Qunbaha:
- Biyaha cunbuh waxaa loo arkaa in ay ka mid yihiin wax yaabaha daaweyn kara gasterida. Qunbuha waxa uu hodan ku yahay waxaa ka mid ah in uu caloosha dhaqdhaqaaqeeda uu saxo oo uu ka dhigo normal (mudo dheer iyo mudo gaaban). Isku day in aad isticmaasho biyahaas oo fresh ah oo aan waxba lagu darin. Waxaanad cabi kartaa markasta oo aad u baahatid khaasatan cuntada ka hor iyo kadib.
5-Dabacase (Carrot) iyo spinach juice:
- Waxaad isku daydaa inaad juice ka samaysatid carrot iyo spinach fresh ah. Waxaad isku dartaa 200 ml oo spinash juice ah iyo 300 ml carrot juice ah, maalin walbana cab juice kan. Waxaa labadan geedba ku jira maadooyin ka qayb qaadanaya yaraynta gaaska.
6-Baradho juice
- Isku day in aad ka tuujisid baradho fresh ah juice, isku day in aad ilaa koob haafkiis aad tuujisid, waxa ayna kaa caawinaysaa juice tani in ay gaaska kala yarayso. Waxaad cabaysaa intaanad cunin cuntada maalin walba.
7-Liindhanaan juice:
- Waxaa in badan la’ ogaaday in liindhanaanta huruuda ah ay caawiso gaaska, waxaa wanaagsan in aad liindhanaanta juice ka samaysato aadna cabtid cuntada kadib.
8- Licorite Tea:
- waa shaah u fiican gasterida oo laga sameeyey waxyaabahan hoos ku xusan:
- licorice,
- cinnamon,
- ginger,
- orange peel,
- cardamom,
- black pepper,
- roasted chicory,
- barley malt,
- cloves,
- vanilla extract,
- Orange extract.
- Karso biyo kadibna, kadibna koob ku shub oo ku dheh shub shaahan. 10 daqiiqo kadib shaandhee oo cab.
9-Kaabash, carrot, zanjabiil, tufaax iyo liig juice:
- Waxaad u baahan tahay kaabash, carrot, zanjabiil, tufaax iyo liig oo Kuligood fresh ah, sidoo kale, waxaad u baahan tahay juice machine oo nooca khudrada biyaha ka tuujiya ah. Dhamaan qukhradan ka tuuji biyaha, walibana zanjabiisha ku yaree, waa in aad maalin walba shankoob aad tuujisaa ood waliba shan jeer aad cabtaa maalintii mudo shan cisho ah InshaAllah waad ku fiicnaaneysaa.
SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA GAAS CALOOLEEDKA?
Waa in qofku uu Isbadal ku sameeyaa hab nololeedkiisa iyo dhaqamada noloshiisa, waxa ayna taasi ka caawin karta in uu yareeyo khatarta cudurkaan uu ku yeelan karo noloshiisa.
SAMEE QODOBADAN HOOS KU XUSAN SI AAD U YAREYSO BAKTEERIYADAN:
- Dhaq gacmahaaga mar walba oo aad wax cunaysid taasoo yaraynkarta faafitaanka bakteeriyada,
- Yaree isticmaalka kaniiniyada aspirin, ibuprofen iyo naproxen sodium, hadiise ay khasab tahay in aad qaadato aspirin sababo laxariira marxalad caafimaad oo kale, laxariir dhaqtarkaaga, waxa uu dhaqtarku kuu qori karaa kaniinyo kahortagi kara ama difaac u ah lakabyada caloosha
Joogtaynta nolol isku dheeli tiran oo uu qofku joogteeyo sida cunida cuno caafimaad qabta, qudaar, miro iyo cunooyinka dabiiciga ah ee uu fibar-ku ku badan yahay ayaa ka caawin kara yareynta saameynta bakteeriyadan.
Hadii uu qofku yahay mid cuna Tubaako ama caba Sigaar/Xashiisad waxaa qasab ku ah in uu joojiyo dhamaan dabeecadahaas ah qaadashada maandooriyaha, waxa ayna taasi ka caawin karta qofka in uu noqdo mid ka bad baada cudurkaan dadka badankiisu ay la’ il daran yihiin.
F.G: Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in dadka marka ay cunteeyaan seexda siiba cashada kadib ay u nugul yihiin in uu ku dhoco cudurkani halistiisa wata, hadaba ka fogoow in aad seexato cuntada kadib, isku day in aad cuntaysid ugu yaraan saacad ama laba saac kahor jiifkaaga.