Faai’dooyinka Caafimaad ee Laga Helo Cabitaanka Kaarootada & Koostada La Isku Shiiday & Xanuunnada Lagu Daaweeyo
Qaadashada cabitaanka dabiiciga ah waxaa laga helaa nafaqooyin kala duwan waxa uu baabi’iyaa haraadka/oonka, ma saaro culeys iyo kilyaha iyo beerka, sidaas darteed waa in aan ku dadaalno cabbitaannada dabiiciga ah oo aynu ka fogaanno kuwa warshadaysan.
Waxan qormadaan ku soo qaadanaynaa mid ka mid ah cabbitaannadaa dabiiciga ah kaas oo ka kooban kaarooto iyo koosto la’ isku shiiday.
Cabbitaankani waxaa ka buuxo macdano iyo nafaqooyin kala duwan, difaaca jirka ayuu awood siiyaa, sidoo kale waxa uu yareeyaa halista cudurka Kansarka, waxa uu jirka ka saaraa sunta.
Hab diyaarinta cabitaankan waa mid iska fudud, kaliya waxa aad u baahan tahay in aad isku shiidato kaarooto ah iyo dhowr xabbo oo caleenta koostada, ha miirin si aad uga hesho waxtarka ugu badan. Hal koob oo cabitaankaan ah ayaad cabbi kartaa cunada kadib.
Faa’iidooyinka cabitaanka kaarootada iyo koostada:
-
Ka hortagga dhiig yarida:
Isku-darkan waxa uu qani ku yahay fitamiin A iyo macdanta xadiidka (iron), labadaan maado waxay muhiim u yihiin samayska unugyada dhiigga cas iyo “haemoglobin-ta”
Haemoglobin waa borootiinta laga helo unugyada dhiigga cas ee jirkaaga u kala qaadda curiyaha hawada ah ee “oxygen” waxayna midabkeeda cas u gudbisaa dhiigga.
Cudurka dhiig yarida waxuu leeyahay noocyo kala duwan, laakiin kiisa ugu badan waxuu ka dhashaa yaraanshiyaha macdanta xadiidka. Cabitaankani waxa uu la dagaallamaa dhiig yarida.
-
Ka hortagga kansarka:
Cabitaanka Isku-darka ah ee ka kooban koostada iyo kaarootada waxaa ku badan maadooyinka “carotenoids” iyo “flavonoids” oo la dagaallama cudurka kansarka.
Kaarootadu waxa ay yareysaa halista noocyada kala duwan ee cudurka Kansarka ah sida ay sheegaan dadka ku shaqada leh arrimaha caafimaadka, sida kuwa ku dhaca sambabada, qanjirka xiniinyaha ee borosteytka, mindhirrada iyo caloosha.
Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay in maadada “carotenoids” ee laga helo kaarootada ay ka hortagto kansarka ku dhaca sambabada iyo naasaha.
-
Dib u dhigista gabowga unugyada jirka:
Kaarootada iyo koostada, labadaba waxaa ka buuxo maadooyinka sunsaarista iyo fitamiin C kuwaas oo cusboonaysiiya unugyada jirka caafimaadkoodana kor u qaada, islamarkaana ka ilaaliya dhaqso u duqoobista.
-
Kobcinta caafimaadka lafaha:
Cabitaankan dabiiciga ah waxa uu wanaajiyaa awoodda lafuhu ay ku nuugu karaan macdanta calcium oo ku jirta isku-darkaan. Kalshiyam waxa ay muhiim u tahay ilaalinta caafimaadka lafaha. Waxaa kaloo cabitaankan ku jira fitamiin K oo lafaha adkeeya kana hortaga cudurka lafo-beelka (osteoporosis) iyo xanuunnada ku dhaca kala goysyada aadamaha.
-
Awood-siinta difaaca jirka:
Koostada iyo Kaarootada sida aan kor ku soo xusnay waxaa ka buuxo fitamiin C iyo walxaha jirka sunta ka saaro ee loo yaqaanno “antioxidants”, sidaa darteed cabitaankani waxa uu xoojiyaa difaaca jirka wuxuuna ka hortagaa cudurrada raaga iyo xanuunada ka dhasha difaac yarida jirka sida hargabka iyo ifiliada.
-
Caafimaad qabka dheefshiidka:
Cabbitaankani waxa uu hagaajiyaa dheefshiidka, shaqada caloosha iyo mindhicirrada, waxa uu ka hortagaa calool fadhiga/istaagga, taasoo yaraysa halista cudurka baabasiirka. Koostadu waxa ay manaafiic u leedahay dadka qaba boogaha caloosha iyo gaaska.
-
Awood siinta aragga indhaha:
Fiitamiin A oo jirka ku yaraada waxay keentaa indho-beelka habeenkii, Cabbitaankaan waxaa ka buuxo fitamiin A oo kordhiya awoodda aragga ee indhaha, kana hortaga indho-beelka habeenkii iyo xanuunka loo yaqaanno “macular degeneration” oo ah cillad timaaada qofka marka uu duqoobo.
-
Dhiig karka:
Cabitaankan waxa uu qani ku yahay maadada lugu magacaabo potassium oo ka qayb qaadata kantaroolista cadaadiska dhiigga.