Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
Fursad Jagooyin Banaan: Xubinimo Guddiga Qaran ee Tacliiinta Sare
Ujeeddo: Fursad Jagooyin Bannaan
Dhisidda iyo hawlgelinta guddi tacliin sare oo tayo leh, ayaa lafdhabar u ah baahinta, horumarinta, tayaynta iyo maamul-wanaajinta hay’adaha tacliinta sare ee dalka. Haddaba, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ka duulaysa baahida loo qabo dhaqangelinta xeer lagu maamulo, laguna horumariyo hay’adaha tacliinta sare ee dalka, ayaa gudbisay hindise-sharciyeedka tacliinta sare oo soo maray dhammaan habraacyada ansixinta sharciyada dalka; kaas oo ay ansaxiyeen Golaha Wasiirada, labada Aqal ee Barlamaanka, ugu danbayntiina uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Laguna soo saaray Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, 4tii Diseember, 2024.
Iyadoo la fulinayo Sharciga Tacliinta Sare, Lr 30 oo faraya dhisidda Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare, ayaa waxa ay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, u soo bandhigaysaa aqoonyahannada Soomaaliyeed ee danaynaya kamid-noqoshada guddigan, fursad ay ku soo dalban karaan xubinnimada;
Aqoonyahannada soo dalbanaya xubinnimada guddiga, waxaa laga doonayaa in ay buuxiyaan shuruudaha kamid-noqoshada xubinnimada Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare, sida ku cad Qodobkiisa 12aad, Faqrada 1aad.
Shuruudaha Xubinimada Guddiga Qaran ee Tacliiinta Sare:
Codsaduhu waa in uu;
- Soomaali yahay
- Haysto shahaadada darajada saddexaad ee heer jaamacadeed (doctorate) ee jaamacad ay wasaaraddu aqoonsan tahay.
- Leeyahay ugu yaraan khibrad toban (10) sanno oo ah horumarinta tacliinta sare, cilmibaarista ama maamulka iyo hoggaaminta.
- Noqdaa qof ku sifoobay karti, akhlaaq iyo dhaqan suubban, daacadnimo iyo daahfurnaan iyo u adeegidda danta guud ee bulshada.
- Leeyahay xirfadaha hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go’aan qaadashada.
- Lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.
- Horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
- Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.
- Leeyahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.
- Leeyahay xirfadaha qoraalka iyo soo bandhiggidda.
- Aqoon fiican u leeyahay luuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga ama Ingriiska.
Waajibaadka Guddiga:
- Dejinta siyaadaha qaran ee Tacliinta Sare, oo la jaanqaadi kara ujeeddooyinka guud ee qorshaha qaranka.
- Ka talabixinta horumarinta Tacliinta Sare iyo ku xirideeda baahida suuqa.
- Dejinta halbeegyada qaran ee ogolaanshaha baraamijta kala duwan ee hay’adaha Tacliinta Sare.
- Korjoogtaynta siyaasadaha dowladda, ee ku aadan Tacliinta Sare.
- Qiimaynta shaqa gudashada hay’adaha Tacliinta Sare ee dalka.
- Fududaynta iskuxirka Hay’adaha Tacliinta Sare ee dalka, dhanka siyaasadaha iyo qorshayaasha fog.
- Dejinta xeerarka qaran ee khuseeya Tacliinta Sare.
- Korjoogtaynta xiriirka dibadda ee hay’adaha Tacliinta Sare, iyada oo lagu salaynayo istiratiijiyadaha iyo siyaasaadka qaran.
- Dejinta qorshayaasha fog ee iskaashiga hay’adaha Tacliinta Sare iyo kuwa caalamiga ah.
- Soo gudbinta warbixinta guud ee xaaladda waxbarashada Sare iyo baahiyaha hadba taagan.
Guddigan waxaa lagu soo xulan doonaa hannaan waafaqsan Sharciga Tacliinta Sare, Qodobka 12aad, Faqradihiisa 2aad, 3aad, 4aad iyo 5aad.
Dhammaan codsiyada waxaa lagu soo hagaajinayaa Guddi-hawleedka u xilsaaran arrinkan
Qabashada codsiyadu waxa ay ku eg yihiin 30ka Janaayo 2025.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala soo xiriir jobapplication@moe.gov.so
Dukumentiyada Muhiimka u ah Xaraysashada Codsiga
- Taariikh Nololeed (CV)
- Shahaado iyo Warqada Dhibcaha (Certificate & Transcript)
- Cilmibaaristii u dambaysay ee aad samaysay
- Warqadda Codsiga Shaqada
- Sawir Teesaro
- Baasaboor ama Aqoonsi kale oo Dowladeed
………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
To apply for this job email your details to jobapplication@moe.gov.so