Fursado Shaqo: Bareyaal (3000 Boos) oo isugu jira barayaasha dugsiyada xannaanada, asaasiga, iyo kuwa sare

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare

Fursado Shaqo: Bareyaal (3000 Boos) oo isugu jira barayaasha dugsiyada xannaanada, asaasiga, iyo kuwa sare

FURSAD SHAQO BARE DUGSIYADA DALKA

 

Hordhac:

Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare waxaa farxad u ah in ay mar kale si daahfuran u soo bandhigto fursad shaqo 3000 bare ah oo isugu jira barayaasha dugsiyada xannaanada, asaasiga, iyo kuwa sare. Barayaashan la qaadan doono waxa ay marka hore mari doonaan tababar cufan oo deg-deg ah, kadibna ka shaqo geli gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka. Bare kasta waxa uu dooran doonnaa halka uu ka shaqeyn doono iyo heerka dugsiga uu dhigi doono, iyadoo ay dowlad goboleed walba ka howl geli doonaan tiro jaan go’an.

Bare walba marka uu buuxinayo dalabka codsiga oo ah online waxa uu codsan doonnaa degmada uu ka shaqeyn doono, haddii uu kala saaridda hore ku soo gudbana waxa ay howlihiisa ( tababarka, nidaaminta, shaqada iwm) oo dhan ka socon doonaan dowlad goboleedka uu doortay.

SHURUUDAHA LOOGA BAAHAN YAHAY CODSADAHA/MUSHARAXA SHAQADA 

B. Shuruudo Guud:

Shuruudaha guud ee codsadaha looga baahanyahay waxaa ka mid ah in uu:

  1. Heysto shahaaddada darajada koowaad ee heer jaamacadeed oo ay wasaaraddu aqoonsan tahay.

  2. Ka gudbo imtixaanka qaadashada macallimiinta oo ah qoraal iyo af .

  3. San lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.

  4. Leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimi karta gudashada xilkiisa.

  5. San horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.

  6. Da’diisu u dhaxayso 22-60 jir.

  7. Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.

  8. Diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo goobta lagu qoro.

 

T. Baraha Dugsiyada H/Dhexe

  1. Baraha codsanaya dugsiyada hoose/dhexe waa inuu dhigi karaa ugu yaraan afar ka mid ah maadooyinka lagu dhigo dugsiyada hoose iyo dhexe.

J. Baraha dugsiyada sare

  1. Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu haysto shahaadada kulliyada waxbarashada

  2. Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu dhigi karaa, ugu yaraan, laba (major/minor) ka mid ah maaddooyinka dugsiyada sare lagu dhigo

X. Dugsiyada Xanaanada

  1. Baraha codsanaya dugsiyada xannaanada waa in uu dhigi karo dhammaan maaddooyinka dugsiyada xannaanada lagu dhigo.

  2. Waa inuu fahamsan yahay baahiyaha carruurta yaryar.

Codsiga:

Codsiga shaqada waa qaab online ah, iyadoo la buuxinayo dhammaan xogaha codsiga ku jira lana soo raacinayo dokumentiyada hoos ku xusan:

Lifaaqyada Muhiim ka ah

  1. Nuqul shahaaddada iyo xogta dhibcaha (transcript) heerka 1aad ee jaamacadda

  2. Nuqul taariikh nololeedka (CV) oo ku qoran Af Soomaali.

  3. Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay.

Fiiro Gaar ah:

  1. Gabdhaha waxaa lagu dhiirrigelinayaa in ay fursadahan ka faa’iideystaan, Codsiyadoodana qadarin gaar ah la siin doono. 

  2. Codsade walba waxa uu soo gudbin karaa, oo keliya, hal dalab, isaga oo ku caddeynaya halka degmo ee uu ka shaqeynayo.

Taariikhda codsigu ku egyahay waa July 15, 2024. Saacadda 10:00 PM

𝐒𝐇𝐔𝐑𝐔𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐋𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐁𝐀𝐀𝐇𝐀𝐍 𝐘𝐀𝐇𝐀𝐘 𝐂𝐎𝐃𝐒𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀/𝐌𝐔𝐒𝐇𝐀𝐑𝐀𝐗𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐀𝐃𝐀.
𝐁. 𝐒𝐡𝐮𝐫𝐮𝐮𝐝𝐨 𝐆𝐮𝐮𝐝:
Shuruudaha guud ee codsadaha looga baahanyahay waxaa ka mid ah in uu:
1. Heysto shahaaddada darajada koowaad ee heer jaamacadeed oo ay wasaaraddu aqoonsan tahay.
2. Ka gudbo imtixaanka qaadashada macallimiinta oo ah qoraal iyo af.
3. San lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcaddiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.
4. Leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayowyahay cudurrada la is qaadsiiyo, aanu lahayn iin wax u dhimi karta gudashada xilkiisa.
5. San horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
6. Da’diisu u dhaxayso 22-60 jir.
7. Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.
8. Diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo goobta lagu qoro.
𝐓. 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐇/𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞
Baraha codsanaya dugsiyada hoose/dhexe waa inuu dhigi karaa ugu yaraan afar ka mid ah maadooyinka lagu dhigo dugsiyada hoose iyo dhexe.
𝐉. 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞
Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu haysto shahaadada kulliyada waxbarashada
Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu dhigi karaa, ugu yaraan, laba (major/minor) ka mid ah maaddooyinka dugsiyada sare lagu dhigo
𝐗. 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚
Baraha codsanaya dugsiyada xannaanada waa in uu dhigi karo dhammaan maaddooyinka dugsiyada xannaanada lagu dhigo.
Waa inuu fahamsan yahay baahiyaha carruurta yaryar.
𝐂𝐨𝐝𝐬𝐢𝐠𝐚:
Codsiga shaqada waa qaab online ah, iyadoo la buuxinayo dhammaan xogaha codsiga ku jira lana soo raacinayo dokumentiyada hoos ku xusan:
𝐋𝐢𝐟𝐚𝐚𝐪𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐤𝐚 𝐚𝐡:
1. Nuqul shahaaddada iyo xogta dhibcaha (transcript) heerka 1aad ee jaamacadda.
2.Nuqul taariikh nololeedka (CV) oo ku qoran Af Soomaali.
3. Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay.
𝐅𝐢𝐢𝐫𝐨 𝐆𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡:
Gabdhaha waxaa lagu dhiirrigelinayaa in ay fursadahan ka faa’iideystaan, Codsiyadoodana qadarin gaar ah la siin doono.
Codsade walba waxa uu soo gudbin karaa, oo keliya, hal dalab, isaga oo ku caddeynaya halka degmo ee uu ka shaqeynayo.
𝐓𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚 𝐜𝐨𝐝𝐬𝐢𝐠𝐮 𝐤𝐮 𝐞𝐠𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐚 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟏𝟓, 𝟐𝟎𝟐𝟒. 𝐒𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟏𝟎:𝟎𝟎 𝐏𝐌

To apply for this job please visit codsigamacallinimada.emis.gov.so.

error: Content is protected !!