8 wax yaabood oo aad u baahantahay Si aad u gaarto Guusha Nolosha
Guusha marka hore ALLAH ayaa bixiya balse waxay u baahantahay in lala yimaado waxyaabaha sababi lahaaa in aad guul gaartid sidoo kale guusha waxay u baahantahay dhabar adeyg iyo samir badan waayo waxaa kusoo wajihi doona culees fara badan iyo caqabado guusha iskama timaado ee waxay ku timaadaa in uu alaah kula soo doono iyo in uu qofka noqda midka ka faaideysta.
Waxyaabaha aas aaska u ah waxaa ka mid ah.
1. In aad tahay qof diyaarsan.
Diyaarsanaanta waa aasaaska guusha qofka, waxaad arkaysaa qof ay soo martay fursad oo hadana ka faa’ideysan taasi micnaheeda ma uusan diyaarsaneen fursadaha qaarna halmar unbey kusoo maraan islamarkaana waa in aad ka faa’ideysataa sida ugu macquulsan ee suuragalka ah.
2.Sameey Waxaad Jeceshahay.
Qofka bani aadamka ahi ma wadi karo shaqo uusan ku qanacsaneen, waa in aad samaysaa waxa aad jeceshahay islamarkaana guul ka gaari kartid waayo markaas waxaad leedahay yool aad tiigsanayso.
3. Yeelo Yool.
Waa muhiim in aad yeelatid yool si aad u xaqiijiso waxa aad hiiigsanayso oo hormar ah waxayna kugu riixaysaaa yoolkaada in aad gaartid guusha aad hiigsanayso.
4. Kusoco Waddo Saxan.
Ma gaari kartid hadii aad kusocotid waddo qaldan taasi waxay keenaysaa in aad ka lunto hadafka aad laheed waxaa muhiim ah dadka waaya araga ah in aad ka qaadatid wixii fikrado oo dhaxal gal ah.
5. Ka fakar waxa aad ku dhaqaaqi doontid.
Qorshaha waxaa uu qeyb weyn ka yahay hormarka qofka. Qorsho la’aan waxba ma socoon karaan sidaa saxda ah marka waa in aad ka fakartaa waxa aad samayndoontid oo ku saabsan noloshaada, hadeey ahaan laheyd xirfad cusub oo aad barataa, iwm.
6. Diiradda Saar horumarkaaga.
Waxaa xaqiiqa ah in ay kusoo wajahayaan caqabado fara badan taasi waxay u baahantahay adkaysi iyo samir fara badan si aad u gaarto guusha noloshaada islamarkaana aad xal u keentid dhibaatooyinka kusoo wajahay rabina aad talo saaratid.
7.Cadeey Hiigsigaada.
Guusha waxa ay leedahay target marka qofka waa in ay u cadyahay waxa uu rabo in uu gaaro hadii aysan taasi jirin waxaa imaanaya in qofka noqdo hiigsi la’aan oo noqdo qof iska nool.
8.La soco dadka wanaagsan.
Dadka wanaagsan in aad la socotid ama aad saaxibo ka dhigatid waxay qeyb weyn ka tahay hormarka noloshaada halka aad saaxiibo ka dhigan lahayd dad aan mustaqabl nololeed rabin .
Fadlan la wadaag qormadaan qof aad la jeceshahay
Mahadsanid
Qaran Jobs