7 Qodob Haku Darin Qorista Codsigaaga Shaqada

Ka Fogow 7-dan Qodob Oo Haku Darin Qorista Codsigaaga Shaqada.

La Talin Muhiim Ah

Ka tagida astaamaha xunxun waa muhiim marka la qorayo codsiga shaqada, haku darin caadooyinka aad rabto in aad iska wanaajiso kuna dar waxyaalaha muujinaya muhiimada aad leedahay waxa ay soo jiidanaysa looshaqeeyaha inuu ka dhex arko xirfadaha iyo khibraddii uu raadinayey. Adoo ka tagaya waxyaabaha looshaqeeyayaashu u baahnayn inay ogaadaan waxay kuu horseedi kartaa guul. Codsigaagu shaqadu waa inuu kuu soo bandhigaa sidii codsade lagu qanacsan yahay astaamihiisa. Maqaalkan, waxaan kaga hadli doonnaa qodobo ka reeban ku darista codsigaaga shaqo.

Qodobadani muhiim ma aha.

  1. Xogbadan
  2. Qoraal la fahmi karo
  3. Xogtaada gaar ka ah (Da’daada, Xaas/le, Furiin, Goobta dhalashada IWM)
  4. Ceebaynta goobtaadii shaqo ee hore/ Maamule
  5. Adeegsida luqadda suuqiga ah
  6. Arrimaha aad ku liidato (Weakness)
  7. Mushaharka

  1. XOGBADAN

Shay qiimihiisu waxa uu luma marka qadarkiisa ama qiimihiisa in kabadan lasiiyo. Shaqooyin badan ayaad soo qabatay, khibrado, xirfado iyo xeeladooyin badan ayaad soo baratay, in aad wada xustaa kuguma guuleynayso u gudubka wejiga labaad ee shaqo helidda (Waraysi shaqo). Waa muhiim in aad ka dheeraato ku daridda macluumaad badan oo aan loo baahnayn

Ku dar kaliya xogta lagaaga baahan yahay ama lagaa codsaday (Mid waxbarasho, khibrado, xirfado iyo tixraac)

  1. QORAAL LA FAHMI KARO

Codsiga shaqadu waa safiir kugu metelaya meel aanad joogin, Xisaabta waxaad ku darsataa safiirkaasi in uu kuugu doodo sida adiga oo afkaaga ku tusinaya baahida loo shaqeeyuhu u qabo in aad shaqadan buuxiso.

Xeeladda aad adeegsan karto waxa kamida LUQAD lafahmi karo, higaad iyo naxwe saxan.  Qodobka kale ee aan laga tagi karin waa AWOODDA XULASHADA EREYADA. Adeegso ereyba ereyga uu ka saameyn iyo miisaan culus yahay. Waxay keensanayaa in weedhaha ku qoran codsigaaga shaqo noqdaan mid la tixgeliyo ama jeclaysiinaysa loo shaqeeyuhu in uu gun iyo baar wada akhriyo xogta ku qoran codsigaaga shaqada.

  1. XOGTAADA GAARKA AH

Xogtaada gaar ka ah (Da’daada, Xaas/le, Furiin, Goobta dhalashada, taariikhda dhalashada, Sawir IWM) in aad ku dartaa muhiim ma aha. Kuma guuleysiin karto in aad ku darto xog aan loo shaqeeyuhu kaa codsan. Ilbaxnimona ma aha oo sida caalamiga ah habka CVga loo qoro waxa ay sameynaysaa horumar socda 10 sanno ka hor sidii loo qori jirey maanta loo ma qoro, Aaladihii la adeegsan jireyna maanta lama adeegsado markaa waa muhiim la jaanqaadidda habka caalamiga ah ee qorista codsiga shaqo.

  1. CEEBAYNTA GOOBTAADI SHAQO EE HORE/MAAMULE

Qofkii u xil qariya qof muslim ah, isagana Ilaahay

baa ceebihiisa astura If iyo Aakhiraba!

-Abuu Hureyra

Ceebaynta goobtaadii shaqo ee hore ama maamulehaagii waa ceeb adiga kugu taala. Waa astaan aan wanaag muujineyn, waa astaan soo bandhigaysa dabeecadahaaga, heerkaaga sir hayneed, shakhsiyaddaada. Taas bedelkeeda ku dar khibraddaha iyo xirfadaha aad ka korodhsatay goobtaadii shaqo ee hore, fikrado cusub oo aad soo kordhisey iyo isbedelka kusoo biirey muddadii aad la shaqeynaysay.

5.ADEEGSIGA LUQADDA SUUQIGA AH

Marka laga hadlayo isfahamka jiilasha kala danbeeyey, adeegsiga luqadda suuqiga ahi waxay ku dhexmilantay arimaha aasaasiga ah oo dhan xaga waxbarashada, shaqooyinka iyo baraha bulshadu ku kulanto. Looshaqeeyuhu badana ma fahmi karaan luqadda suuqiga ah markaa ka ilaali codsigaaga shaqo in ku darto

Naaneyso magac ama email  (naaneys@gmail.com)

Ereyo suuqiya oo aan la fahmi karin ujeeddada tartamuhu ka leeyahay

  1. Arrimaha aad ku liidato (Weakness)

Waxyaalaha aad ku liidato waxa kamid noqon kara Fagaare ka hadalka, Akhriska, Saaxiibtinnimada, Wadashaqeynta kooxeed IWM

Dhammaan arrimahaasi waa kuwo aad u bedeli karto wax aad ku wanaagsantahay haddii aad tababarto naftaada. Samee 21 cisho si ay caado kuugu noqoto, Maalin walba 2 bog ka akhri kitaabka qur’aanka ah ama buug kale muddadaa kadib waxa aad is arki adiga oo aan is ogayn oo akhris wada.

  1. Mushaharka

Marka la joogo qorista codsiga shaqo looma baahna ka hadalka mushaharkaagii hore ee aad qaadan jirtay, Ka aad ka rajeynayso shaqada aad u tartamayso intuba ma aha kuwo kumanaasib aha halkan. Wadaxaajoodka iyo wax iska weydiinta mushaharku waa marxaladda ugu danbeysa ee heshiis kala saxeexashada ka horeeya.  Waxba wakhti ha iskaga lumin qorista iyo ka fikirka mushahar hadda waxaad u baahntahay in aad ka soo gudubto labada weji ee 1aad CV-gaaga iyo 2aad ee waraysiga shaqo.

Isha: Somalijobs INC.

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

Telegram: https://t.me/qaran_jobs

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/QaranJobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

………………………………………………………………………………………

error: Content is protected !!