Shanta (5) Caqabadood Ee Cv-Gaagu Aanu U Guuleysan Markasta Iyo Habka Aad U Xalin Karto

Shanta (5) Caqabadood Ee Cv-Gaagu Aanu U Guuleysan Markasta Iyo Habka Aad U Xalin Karto

Marar badan waxa aynu maqalnaa cabasho ku saabsan shaqo helidda iyo in caqabado badani ku geedaaman yihiin. Haddaba maanta waxa aynu isla eego doonaa qaar ka mida caqabadaha ugu waaweyn ee aan loo aqbalin warqad codsiyeedkaaga shaqo (CV gaaga) iyo Cover Letter kaaga si aad ugu gudubto wajiga labaad ee shaqo helidda kaas oo ah waraysi shaqo.

Qodobadaa waxa ka mid ah:

1. CUSBOONAYSIIN LA’AAN.

Waxa laga yaabaa inaad 1 sanno aad shaqooyin badan aad xareysay balse aanad ku guuleysan. Waxaan filayaa caqabada ku haysataa inay CV-gaaga tahay. Goormaa kuugu danbaysay inaad CV gaaga update gareyso? Malahayga maalintaad qoratay baa kuugu danbaysay. Waase khalad akhriste. CV-gaagu shaqo kasta haku qotomo oo ha noqdo mid shuruudaha shaqada ku xidhan buuxiye. Waxa laga yaaba inaad CV-gaaga marka u horeysa shaqo ku fadhiisiso laakiin ogow shaqooyinka kale ee aad xareynayso iyo CV-gaagu isma laha. Markaa waa inaad markasta cusboonaysiisaa CV-gaaga.

2. ISLAHAANSHO LA’AAN

Waxaan uga jeedaa xogta CV-gaaga ku qoran iyo khirbaddaada, aqoontaada iyo waayo-aragnimadaadu haddii aanay islahayn waxaad ku waayi kartaa shaqo aad ku habboonayd, cilmigeeda iyo aqoonteedaba aad lahayd. KA RUN SHEEG aqoontaada, khibraddaada iyo waayo-aragnimadaada waxa la gayaaba inaad shaqodaba ugu guulaysato’e

3. CV DHEER

Haddii CV-gaagu yahay 3 bog iyo wax ka badan, waxaad u baahantahay inaad soo koobto ama gaabiso. Shaqaale kala xuluhu waxa laga yaaba inuu tixgelin badan siiyo

CV-yada gaagaaban. 2 bog baa ku filan inaad naftaada ku iibgeyso adigoon aad u buunbuuninayn (Wax ula hadh waraysiga shaqada). Marwalba isku day inaad tixraacdo masuuliyadaha ku xusan shaqada ee lagaaga baahanyahay. Muhiim ma aha buunbuuninta waxaad 5 ama 10 sanno aad soo qabatay inaad ku feegartaa.

4. KHIBRAD LA’AAN

Khibrad la’aanta shaqo waxaad ku bedeli kartaa xirfadaha aad taqaano, khibrad wacanna aad u leedahay. Waxaad u adeegsan kartaa khibradda shaqo waxbarashadaadii, shaqooyinka tabarucaad ee aad bulshada u qabatay, Hal-abuur cusub oo aad la timid iyo waxyaalo kale oo la xidhiidha shaqada aad buuxinayso ama aad codsanayso

5. BOOB BOOD (BEDBEDELID) SHAQO

Shaqo yaraanta waxa dhici karta mararbadan inaad bood boodo ama aad bedbedesho ku shaqaynta takhasusaad (Fields) kala duwan. Tani waxay keeni kartaa dhibaato mustaqbalka, Waxay lumin kartaa xiisaha aad u qabto takhasusaadka aad baratay iyo faro ku haynta xirfadaha shaqo ee aad taqaan sida luqadaha oo kale. Ka fiirso bedelidda shaqooyinka qaar si aanay saamayn kuugu yeelan.

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

Telegram: https://t.me/qaran_jobs

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/QaranJobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

………………………………………………………………………………………

error: Content is protected !!