Sidee Ayaan Isugu Xiri Karaa Shaqada La Baahiyo Iyo CV-gayga?
Marka ay shaqo ka banaanaato shirkad, hay’ad, maamul, dowlad ama xafiisyo kale waxaa la soo bandhigaa ama la baahiyaa fursadaas shaqo oo ay ku tixan yihiin booska banaanaaday, goobta laga shaqeynayo, wakhtiga la shaqeynayo, shuruudaha khibradeed ee la isaga baahanyahay, heerka waxbarasho, xirfadeed iyo tixraac ee laga rabo qofka doonaya inuu booskaas buuxiyo.
Haddaba, qormadaan waxaan ku soo gudbin donna habka aad isugu xiri karto shaqada la baahiyey iyo CVgaaga. Akhriste, Haddii aad dooneyso in aad Hal (1) CV ku xareysato 10 SHAQO waxaa iska cad in aad ugu talogashay in aadan kusoo bixin ama aadan helin shaqadaas. Sababtana meel fog haka eegin, Shaqo kasta oo la baahiyaa waxa ay leedahay shuruudo iyo waajibaad laga rabo qofka soo codsanaya. Ogow in shaqooyinkan laga soo xayeysiiyey xafiisyo kala duwan tusaale ahaan shirkad, hay’ad ama xafiis dawladeed oo ay kala duwan yihiin nidaamyada ay u shaqeeyaan.
Qodobadaa waxa ka mid ah;
- Booqo oo ka akhri warbixinta shaqada goobaha lagu xayeysiiyo shaqooyinka. Tusaale QaranJobs.com
- Ku dhufo oo dhexgal shaqada aad daneynayso si aad u codsato
- Marka ugu horeysa si guud isha u mari oo wax ka ogow, ‘’ Yaa shaqada xayeysiinaya e.g SaveThechildren/Dahabshiil, Goobta laga shaqeynayo, Wakhtiga shaqada gelin miyaa mise laba gelin, Ma rasmibaa (Permanent) mise ku meelgaar (Temporary).
- U soo gudub qaybta xigta si aad wax uga ogaato shuruudaha laga rabo qofka buuxinaya shaqadan. Tusaale: Khibradda la rabo, heerka waxbarashada, xirfadaha, shahaadooyin, tixraacyo i.w.m.
- Waxaa kuu harsan qayb kale oo muhiim. Haddaba shaqadan intaas sare marka aad sifiican u fahamtay halkee ayaad ku hagaajinaysaa waraaqaha lagaa codsaday. Saddex hab midkood ayaad u codsan kartaa shaqooyinka lagu baahiyo QaranJobs.com
– In lagu yiraa xafiiska keen CV-gaaga iyo shahaadooyinkaaga (Waa haddii shahaadooyin lagaa codsado in aad keento)
– In lagu yiraa email ku soo dir CV-gaaga iyo warqadda codsiga shaqada ee lagaa rabo.
– In lagu yiraa mareegtayada (Website) kayaga soo dhexgal, Username iyo password ku yeelo kaddib si u fudud u soo codso shaqadaas.
- Marka aad intaas si fiican u fahamto waad bilaabi kartaa qoridda CV-gaaga adiga oo maskaxda ku haynaya shuruudaha, waajibaadka iyo qodobada lagaa rabo oo dhan. Ku fadhiisi arrimahaas aynu ka soo hadalnay.
- Si fiican uga taxadar in aad CV hore u diyaarsanaa bedbedesho oo aad sidaas ku dirto. Waayo haddii khalad lagu arko waxaa dhici karta in aadan ku soo bixin shaqadaas. Tusaale, ‘’Adiga oo xareynaya shaqo Finance Officer ah oo uu baahiyey IBS Bank ayaa lagu arkay CV-gaaga in aad hore ugu dirtay hay’ad kale markaas waxaa laguu arkayaa in aadan diyaarsanayn waxaana la’ isweydiin karaa su’aal ah “Qofka CV waqti uu si degan ugu diyaarsado waayey sidee ayuu uga soo bixi karaa shaqada aynu u dirsanayno?” Taasina waa mid si fudud kaaga reebi karta tartanka.
………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
Telegram: https://t.me/qaran_jobs
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/QaranJobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs
………………………………………………………………………………………