Calaamadaha Hargabka Iyo Qaabka Looga Hortegi Karo

CALAAMADAHA HARGABKA IYO QAABKA LOOGA HORTEGI KARO

Cudurkan waxa uu kamid yahay cudurada faafa isla mar ahaantaana lugu kala qaado hawada, waxaana lugu kala qaadi karaa qufaca iyo hindhisada, waxa uuna waxyeello u geystaa habdhiska neef-mareenka.

Hargabka caadi ahaan waxa ay saameeyntiisu ku kooban tahay neef mareenka (sanka & cunaha), hargabku waxa uu saameeyn ku yeelan karaa sambabada wuxuuna keeni karaa dhimasho, gaar ahaan dadka waayeelka ah, carruurta yar-yar iyo kuwa nidaamka difaaca jirkoodu uu liito.

WAA MAXAY ASTAANTA HARGABKA?

Calaamadaha hargabka sida caadiga ah waxay badanaa soo baxaan hal ilaa saddex maalmood ka dib marka uu kugu dhoco fayraska hargabka keena. Calaamadaha waa ay kala duwanaan kara qof ilaa qof, Astaamaha waxaa kamid ah:

  • Diif ama sanka oo xirma
  • Cune xanuun
  • Qufac
  • Jir xanuun yar ama madax xanuun fudud
  • Hidhisyo
  • qandho-hooseeya
  • Guud ahaan waxa aad dareemaysaa caafimaad darro
  • Cabur
  • Iyo dhuun xanuun

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA HARGABKA?

Qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo hargabka waa in aad ku dadaashaa nadaafad wanaag aadna gacmahaaga si joogta ah u nadiifiso.

Dadka intooda badan waxay ka soo kabtaan hargab caadi ah usbuuc ama 10 maalmood gudahood. Calaamaduhu waxay ku sii jiri karaan dadka sigaarka cabba. Guud ahaan, uma baahnid daryeel caafimaad hargabka caadiga ah. Si kastaba ha ahaatee, haddii astaamuhu aanay ka soo rayn ama haddii ay ka sii daraan, u tag dhakhtarkaaga.

Marka aad cabursan tahay amaba qufacayso waxaa wanaagsan in aad wadato wax kaa duwa wasakhda, isla markaana iska fogay marada aad isticmaasho. Ka fogow dadka qaba calaamadaha iyo kuwa ay ka muuqato astaanta hargabka.

Waqtiga uu hargabka ka socdo magaalka isku day in aad ka fogaato goobaha ay dadka ku badan yihiin.

Ha la wadaagin koobabka wax lagu cabbo ama weelka wax lagu cuno xubnaha kale ee qoyska. Isticmaal koob ama weel kuu gaar ah ama la tuuri karo marka adiga ama qof kale oo buka uu isticmaalo. Ku calaamadee koobka ama weelka magaca qofka isticmaalaya.

Isticmaal tiish/safaleeti/nabkiin marka aad hindhisaso ama aad qufaceyso, iskana tuur marka aad isticmaasho, ka dibna si fiican u dhaq gacmahaaga. Haddi aadan l, hindhiso ama ku qufac laabta xusulkaaga ka dibna dhaq gacmahaaga.

Waxaa la sheegaa in dadka intooda badan ay kaga soo kabtaan hargab caadi ahaan usbuuc ama 10 maalin gudahood. Calaamaduhu waxay ku sii jiri karaan dadka sigaarka cabba. Si kastaba ha ahaatee, haddii astaamuhu aanay ka soo rayn ama haddii ay ka sii daraan fadlan la xiriir dhakhtarkaaga.

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

Telegram: https://t.me/qaran_jobs

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/QaranJobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs

………………………………………………………………………………………

error: Content is protected !!