Qiso Cajiib Ah | Wiil Dhalinyaro Ah Oo Aad U Qurux Badan Oo La Kulmay Arrin Uusan Fileyn
Qiso Cajiib Ah Oo Dhexmartay Gabar Qurux Badan Iyo Wiil Dhalinyaro ah
Qiso Cajiib Ah
Waxaa jiray wiil dhalinyaro ah oo aad u qurux badan oo iibiya Marwaxadaha, waxa uu la dhex wareegi jiray guryaha magaalada isaga oo tusinayana dadka dagan xaafadaha si ay uga gataan.
Maalin maalmaha kamid ah waxa uu aaday guri qasri ah oo dagantahay gabar kaligeed, gabadhii markii ay aragtay wiilkan quruxda badan ee iibinaya marwaxadaha waxa ay ka gadatay hal xabo kadib mid labaad waxa ayna ku dhahday: “Kaalay guriga soo gal si aan u kala xushto ama u kala doorto marwaxadahan”, wiilkii guriga ayuu galay kadib gabadhii ayaa albaabka qunful ku dhajisay, waxa ayna ku tiri wiilkii: “laba kala dooro, inaad ijamaacdo iyo inaan qaylo si ay ii maqlaan dariska kadibna aan ku dhoho ”wiilkaan waxa uu guriga iigu yimid in uu ifara xumeeyo”, wiilkii waxaa ku timid arrin uu san filanayn, waxa uu isku dayay inuu waaniyo gabadha balse waa diiday, Allaah ayaa ayaa ku hanuuniyey xeelad uu kaga badbaado zinada, waxaa uu ku dhahay gabadhii: “Hagaag, waan aqbalay ee waxaad itustaa suuliga ama musqusha si aan si nadiifiyo oo aan u qubeysto”, gabadhii ayaa faraxday waxa ayna tustay suuligii guriga kadib waa uu galay albaabka ayuu soo xirtay, waxa uu aaday godka lugu saxaroodo ee musqusha, xoogaa saxaro ah ayaa kazoo darsaday kadibna ku malaasay wajigiisa iyo korkiisa kale, waxa uuna ku yiri gabadhii diyaar ma tahay? gabadha si aad ah ayay isu soo qurxisay waxa ayna ku jawaabtay: “Haa waan diyaarsanahay”, wiilkii markii uu suuliga kazoo baxay waxa ay aragtay isaga oo saxaro kusoo qubeystay, waa ay ku qaylisay waxa ayna ku tiri iiga bax gurigeyga si degdeg ah, wiilkii waxa ay u ahayd fursad dahabi ah waa uu baxay waxa uu si degdeg ah ku aaday gurigiisa waana uu isnadiifiyey kadib waxa uu isku shubay dhalo Miski ah, marka uu dhex marayo suuqa, waxaa halkaas ku faafayey carafta Miskiga, dadkuna waxa ay dhahayeen “Meeshaan waxaa maray wiiklkii hebel ahaa”.
Caraftii Miskiga ma suulin ilaa uu ka geeriyoodo, Allaah ayaa wiilkaas ku karaameeyey maxaa yeelay waxa uu naftiisa u diiday xumaanta.
………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
Telegram: https://t.me/qaran_jobs
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/QaranJobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs
Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs
………………………………………………………………………………………