Faaiidooyinka Toonta (Tuunta) Laga Helo Marka La Cuno Aroortii Caloosha Oo Maran

Faaiidooyinka Toonta (Tuunta) Laga Helo Marka La Cuno Aroortii Caloosha Oo Maran

Waxaa dhici karta in dad badani ay aaminsan yihiin in cunista Toonta marka ay calooshu marantahay ay dhibaato keeni karto, waxaa fahamkaas si adag uga hor imanaya natiijada daraasad ay samaysay Bold Sky taas oo sheegaysa in qaadashada toonta xilliga aroortii ah ay dawo u tahay dhibaatooyin caafimaad oo tiro badan, gaar ahaan marka waqtigan oo kale la joogteeyo cunista toonta ay jirka siiso awood xooggan oo uu kaga hortegi karo weerar kasta ee cudur oo jirka soo gala.

Sida ku cad warbixin lagu baahiyey shabakadda Bold Sky ee ka faaloota arrimaha caafimaadka, cunista Toonta/Tuunta subaxdii inta aan la quraacan waxa ay si weyn u caawisaa:

  • In dhiig-karka aadka u sarreeya ay dejiso,
  • In wareegga dhiiggu uu firfircoonaado,
  • Ka shaqeynta wanaajinta shaqo gudashada beerka iyo kaadi-haysta.

Faa’idooyinka kale ee toonta xilliga la cuno laga helo waxaa ka mid ah:

  • Joojinta shubanka,
  • Wanaajinta doonista cuntada (Amateedka)/ Amateed furid,
  • Xoojinta hawlaha dheefshiidka,
  • Xoojinta habdhiska neerfaha iyo in ay qofka nafsiyan u daweyso, tusaale ahaan in ay yarayso dareenka sakatiga iyo cabsida nafsiga ah.

Toontu waxaa ku jira curiyeyaal awood badan oo jirka ka ilaalinaya sumowga ka dhasha cuntada.

Digniin: Haddii uu qofku leeyahay nabar-calooleed (Gaasteri Nabar ku noqday) waxaa waajib ah in aanu toonta cunin xilliga ay calooshiisu maran taay/faaruqa tahay/baahanyahay, haddii uusan dhakhtarkiisu sidaas kula talin.

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

Telegram: https://t.me/qaran_jobs

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/qaran_jobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs

………………………………………………………………………………………

error: Content is protected !!