OGAYSIIS | Professional Diploma in Journalism | Hal Sano | Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

OGAYSIIS | Professional Diploma in Journalism | Hal Sano | Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Kulliyadda Cilmiga Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Somaaliyeed, qaybteeda Saxaafadda iyo Cilmiga Warbaahintu waxay ogaysiinaysaa dhammaan wariyeyaasha ka shaqeeya warbaahinta Soomaaliya in ay Jaamacaddu qaadanayso arday cusub oo kooban oo qaadan doona Professional Diploma in Journalism oo hal sano ah oo lacag la’aan ah.

Diiwangelintu waxay bilaabmaysaa Isniin, September 12, 2022, waxaanay xidhmaysaa Khamiis, September 22, 2022. Goobta diiwaangelintu waa Xarunta KM4 ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Shuruudaha:

1.     In uu haysto shahaadada dugsiga sare oo laga soo xaqiijiyay Wasaaradda Waxbarashada ee JFS.

2.     In uu waraaq codsi ah oo rasmi ah ka soo qorto xarunta warbaahineed ee uu la shaqeeyo.

3.     Codsi faahfaahsan oo ku saabsan sababaha uu u soo codsanaayo Jaamacadda.

4.     Laba sawir oo Taysaro ah.

5.     Gal ama File bir leh.

Sidoo kale, waxa la ogaysiinayaa dhammaan ardaydii dhammaysatay tababarkii hore ee socday muddada sannadka ah ee Professional Diploma I in Journalism, in Jaamacaddu ay u diyaarisay tababar kale oo socon doona muddo sannad ah oo ay qaadan doonaan Professional Diploma II in Journalism, casharraduna waxay bilaabmi doonaan Sabti, September 17, 2022. Haddaba, waxa laga codsanayaa ardaydii tababarkii hore dhammaysatay in ay si degdeg ah isu diiwaangeliyaan, iyaga oo keenaaya:

1.     Codsi faahfaahsan oo ku saabsan sababaha uu u soo codsaday Jaamacadda.
2.     Laba sawir oo Taysaro ah.
3.     Gal bir leh.

Wixii faahfaahin ah ee dheeraad ah la xidhiidh Journalism@snu.edu.so ama xarunta Kulliyadda Cilmiga Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!