Xanuunka Sokorowga/Macaanka: Cuntooyinka U fiican Dadka qaba Macaanka

Xanuunka Sokorowga/Macaanka: Cuntooyinka U fiican Dadka qaba Macaanka

Xanuunka sokorowga: Iska ilaali cuntooyinka haddii aad qabto cudurka macaanka

Sonkorowga ama macaanka ma ka qaadi karaa qof kale?

Sonkorowga kama qaadi kartid ama qaadsiin kartid saaxiib, qaraabo ama deris.

Su’aalo iyo Jawaabo Caam ah

  • Maa maxay sababta la iigu sheegay sonkorow intii an joogay Maraykanka laakiin aan la iigu sheegin intii an joogay wadankaygii hooyo?

Waxa laga yaabaa inad cuni jirtay cunto ka duwan tan halkan markii ad joogtay wadankaagii hooyo.

Waxa laga yaabaa in aanad u firfircoonayn sidii ad ahayd markii ad joogtay wadankaagii hooyo. (Tusaale ahaan, waxa laga yaabaa inad wax badan socon jirtay markii ad joogtay wadankaagii hooyo.)

Waxa laga yaabaa in heerkaaga walaaca ama giigsanaantu u ka duwanaa kan hadda markii ad ad joogtay wadankaangii hooyo.

  • Sidee baan u noqon karaa qof firfircoon ama u sameyn karaa jimicsi marka ay tahay jiilaal ee qabow iyo baraf dibadda ka jiraan?

Ku lugee jaranjarada gudaha dhismaha ah abaarmano.

Ku lugee gudaha goobta dukaameysi.

Is qor xarun jimicsi sida YMCA/YWCA. Fasal la bilaw saaxiibo.

Ku biir fasal jimicsi oo ah internet-ka (yoga, boodbood) ad ku sameyn kartid gurigaaga.

Isku day inaad ku biirtid urur ama koox sida kubadda cagta.

La hadal barnaamijyada jimicsiga iyo goobaha isboortiga si ad u ogaatid inay wakhtiyobsiin karaan haweenka iyo hablaha si ay si u jimicsadaan iyaga oo gooni ka ah ragga.

Guudmarka Sonkorowga

Sonkorow/macaan waa cudur nolosha oo dhan haya qofka oo aan la daweyn karin, laakiin waa la xadeyn karaa. Marka aad sonkorow macnaheedu waxa weeye jirkaaga ayaa dhibaato ka haysaataa sidii uu u isticmaali lahaa tamarta ka timaada cuntooyinka aad cuntid. Tamartaasi waxay ka timaadaa dhamaan cuntooyinka ay ku jiraan karbohaydaraytka (daqiiqlayda iyo sonkoraha), borootiinta iyo dufanka. Ka dib marka aad cunto cuntid, waxa cuntada loo beddelaa gulukoos taasoo ay unugyadaadu u isticmaalaan shidaal ahaan.

Waxa muhiim ah in aad xusuusnaatid in karbohaydraytku ay saameynta ugu weyn ku leeyihiin heerarka gulukoosta. Marka aad qabtid sonkorow, jirkaaga waxa dhibaato ka haysataa sidii gulukoosta looga wareejin lahaa dhiiggaaga

  • lagu wareejin lahaa unugyadaada. Taasi waxay sababaysaa in heerka gulukoosta ku jirta dhiiggaaga

ay sare u kacdo.

Gulukoosta dhiiggaaga oo aad ka dhigtid heer caadi ah intii suurogal ah waxay kaa gargaari kartaa in aad dareentid wacnaan iyo inaad heshid tamar dheeraad ah. Xadeynta fiicani waxay kale oo ay kaa gargaari kartaa in aad ka baxsatid dhibaatooyin ku dhaca indhahaaga, wadnahaaga, kelyahaaga, dareemeyaasha iyo xididada dhiigga.

Sida Cudurka Sonkorowgu u Saameeyo Jirkaaga

Waxa jira dhawr nooc oo ah sonkorowga. Nooca 1, nooca 2 iyo sonkorowga uurka ayaa ah saddexda nooc ee ugu caamsan.

Nooca 1: Ganacaagu (pancreas) waxa u sameeyaa wax yar oo ah insulin ama maba sameeyo. Jidhkaagu wuxu u baahan yahay insulin si gulukoosta looga saaro dhiiggaaga oo loo geeyo unugyadaada si ay tamar uga helaan.

Nooca 2: Ganacaagu wali wuu sameeyaa xoogaa ah insulin, laakiin jirkaagu uma isticmaalo sidii la rabay. Waxa tan la yidhaahdaa iska-caabbinta insulinta.

Sonkorowga Uurka: Ganacaagu ma sameeyo insulinta dheeraadka ah ee loo baahan yahay xilliga uurka.

Marka insulintu aanay si sax ah u shaqeyn, gulukoosta ka imanaysa cuntada waxay ku dhex jiraysaa dhiiggaaga (halkii ay u wareegi lahay unugyadaada). Waxa laga yaabaa inad yeelatid astaamaha soo socda:

  • haraad soo kordhay
  • kaadi tiro badan
  • tamar intii hore ka yar
  • miisaan lumid aan sababtiisa la garanayn maqaar qallalan
  • aragga indhaha oo isku darsan
  • gaajo
  • cudurka khamiirka (yeast) oo tiro badan
  • nabaro aan bogsanayn.

Maxay yihiin cuntooyinka aan loo ogoleyn in qofka qabo sokorowga uu isticmaalo?

Cuntooyinka mar walba ay tahay in qofka uusan isticmaalin waxaa ka mid ah cuntooyinka gasacadeysan.

Waxaa dhacda in dadka qabo cudurka sokorta ay dhayalsadaan Malabka iyo Timirta, waana cuntooyin halis ah oo loo baahan yahay in qofka qaba xanuunkaas uusan isticmaalin.

Cuntooyinkan isticmaal haddii aad qabto cudurka sokowrga:

  • Qamadiga
  • Digirta
  • Salbuko
  • Saliid Macsarada
  • Saliid Seytuunka
  • Hilibka Cad
  • Biyaha Caadiga

Iska ilaali cuntooyinkan haddii aad qabto cudurka macaanka:

  • Cuntooyinka Gasacadeysan
  • Mooska
  • Canbaha
  • Babaayga
  • Isbaandheeska
  • Qaraha
  • Timirta
  • Malabka
  • Biyaha gasacadeysan ay warshadaha soo saaraan
error: Content is protected !!