Faa’idooyiinka Iyo Waxtarka Uu Leeyahay Zabiibka/Sabiibka

Faa’idooyiinka Iyo Waxtarka Uu Leeyahay Zabiibka/Sabiibka

10 Cudur Oo Lagula Tacaalo Sabiibka Biyaha Lagu Radiyay

Faa’idooyiinka Iyo Waxtarka Uu Leeyahay Zabiibka

Waxtarka Sabiibka

Sabiibku waa miraha canabka oo la qallajiyay, wuxuu yeeshaa dhowr midab sida dahabi, cagaar iyo madaw.

Zabiibka waxaa kujira maadooyiin badan iyo vitamin (B), madooyiinka zabiibka ku jira ayaa waxaa ka mid ah macdanta birta ah oo ka hortag u ah dhiiga la’aanta ama (Anamia) , khubaro baaris ku sameeyay zabiibka ayaa sheegay in qofka dhiig yarida qaba uu badsado cunida ama isticmaalka zabiibka iyaga oo ku sababeeyay in zabiibka ay ku jirto macdanta magnesium-ka.

Sabiibku waxa uu kordhiyaa tamarta qofka, wuxuuna iftiimiyaa maqaarka iyo timaha.

Mid ka mid ah hababka ugu fiican ee sabiibka loo isticmaali karo waa in biyo lagu dhigo kadibna la cuno biyihiisana la cabbo. Sidoo kale waxaa lagu darsadaa cabitaannada dabiiciga ah iyo ansalaatada, caanaha ayaa lagu karkarsadaa, waxaa kaloo lagu darsadaa burka laga sameeyo rootiga iwm.

Sii akhri faa’iidooyinka caafimaad ee laga dhaxlo sabiibka biyaha lagu radiyay iyo cudurrada lagu daaweeyo:

·     Daaweynta dhiig yarida: 

Miraha sabiibka waxaa ku badan macdanta xadiidka sidaas darteed waxay caawiyaan daaweynta dhiig yarida, waxaa ku jira xadiid ku filan ka hortagga dhiig yarida.

·     Wanaajinta aragga indhaha: 

Mirahaan waxaa ku jiro walxaha sunsaarista jirka u qaabilsan ee loo yaqaano “Antioxidants”, kuwaas oo siyaabo kala duwan jirka u caawiya. Maadada “phenolic phytonutrients waxay ka takhalustaa xididada xorta ah (free radicals) ee khatarta ku ah aragga indhaha. Sabiibku wuxuu ka hortagaa caadka indhaha fuula iyo cilladda “macular degeneration”.

·     Xoojinta lafaha: 

Sabiibka waxaa ku badan macdanta kaalsiyam taas oo muhiim u ah lafaha, waxaa kaloo ku jira maaddo kale oo lagu yiraahdo “Boron”, oo muhiim uah korriimada lafaha iyo nuugista kaalsiyamta, wuxuuna ka hortag u yahay cudurka lafo burburka ee ku dhaca haweenka dhalmo-deyska ah. Waxay cunista sabiibku ay caawisaa kordhinta cufka lafaha iyo ka hortagga xubno xanuunka (arthritis) xanuunka loo yaqaano “Gout-ka” ee suulasha cagaha barariyo.

·     Yareynta aashitada caloosha: 

Maadooyinka potassium iyo magnesium waxay jirka ka caawiyaan inuu iska saaro sunta iyo dheecaannada halista leh, waxay isku dheelitiraan heerka pH-ta jirka taas oo yareysa sunta dhiigga. Miraha sabiibku waxa ay hoos u dhigaan aashitada badan ee caloosha ee keenta laab-jeexa iyo gaaska.

·     Wanaajinta dheefshiidka: 

Zabiibka waa miro qalalan oo macaan ayna jecel yihiin dadka waaweeyn iyo Caruurta yar yar, waxa uuna qani ku yahay maadada lugu magacaabo Fibre oo caloosha socodsiisa, sabiibka biyaha lagu dhigay wuxuu u shaqeeya sida dawooyinka caloosha socodsiiya, isagoo ka hortag u ah calool istaagga. Waxaa loo baahan 1-12 xabbo sabiib ah in biyo lagu rido oo habeen ku radsanaado kadibna la sabiibka iyo biyihiisa subaxdii aroorta hore caloosha oo maran.

·     Xoojinta difaaca jirka:

Mirahaan waxaa ku jira dhammaan nafaqooyinka muhiimka ah sida fitamiin C iyo fitamiin B oo caawiya dhisidda heerka difaaca.

·     Sare u qaadista hamiga kacsiga: 

Waxaa la aaminsan yahay in sabiibku uu siyaadiyo rabitaanka galmada iyo xawaaraha shahwada. Meelo badanoo caalamka ka mid ahna waxaa la isku karkariyaa miraha sabiib, caano iyo sacfaraan si loogula tacaalo hammi yarida.

·     Kordhinta miisaanka qofka: 

Sabiibka wuxuu uroon yahay dadka caatada ah ee doonaya inay miisaankooda si dabiici ah kor ugu qaadaan, waxaa ku jira barootiin iyo fitamiinno caawiya koriimada murqaha. Noocyada sonkorta dabiiciga ah sida “frugtose” iyo “glucose” ee ku jira sabiibka waxaa laga helaa tamar badan. Sabiibka biyaha lagu radiyay wuxuu ka hortagaa tabar yarida wuxuuna kordhiyaa miisaanka.

·     Ka hortagga urka xun ee afka:

Miraha sabiibku waxay la dagaallamaan bakteeriyada afka, waxayna ilaaliyaan nadaafadii afka., sidaas darteed baabi’iyaan urta afka.

SHAN FAAIIDO SABIIBKU KAGA FIICAN YAHAY CUNTOOYINKA KALE

  1. Dhiig la’aanta

Zabiibka wuxuu ka hortagaa dhiig la’aanta sababtoo ah waxaa ku jirta maadooyinka iron, copper, potassium, magnesium iyo vitamins oo muhiim u ah dhiiga gaar ahaan dadka dhiig la’aanta qaba

  1. Finanka

Cunista zabiibka si maalinle ah waxay kaa dhigaysaa mid da’diisa ka yar muuqaal ahaan, wuxuu liishe ka dhigaa maqaarka wuxuuna meesha ka saara finanka iyo haaraha wajiga

  1. Gaaska iyo saxarada

Zabiibka wuxuu jilciyaa saxadada wuxuuna dajiyaa gaaska sababtoo ah waxaa ku jirta Potassium, Iron, Vitamin C iyo Folate oo muhiim u ah dheefshiidka iyo saxarada

  1. Stress-ka iyo walwalka

Zabiibka wuxuu dajiyaa neerfaha wuxuuna yareeya walwalka iyo stress-ka sababtoo ah waxaa ku jirta maadooyinka Thiamin, B6 iyo B12 oo muhiim u ah neerfaha iyo maskaxda

  1. Foosha

Zabiibka waa mid ka.mid ah waxyaabaha fududeeya foosha waxaana ku jira maadooyin muhim u ah dhiiga sida Iron sidoo kalw.zabiinka hooyada auurka leh inta ay cunayso waxaa adag in dhiigeeda hoos u dhaco wuxuu sidoo kale hooyada ka ilaaliyaa dilanka iyo dhiciska.

Zabiibka ayaa daawo iyo ka hortag u ah  Cuduradaan hoos ku xusan:

  • Cudurka Sokorowga
  • kansarka ku dhaca mandhacirka.
  • Cudurka dhiig yarida ama Anamia
  • Cudurka Alzheimers .
  • Cudurada caluusha ku dhaca
  • Cudurka qandhada
  • Cudurka ilka xanuunka
  • Cudurka bakteeriyada ilkaha gasha
  • Cudurka ilka bololka
  • Cudurada ku dhaca maskaxda
  • Hilmaamka badan
  • Xifdi la’aanta
  • Nooga badan ama daalka badan
  • Caajiska ziyaadada ah.

Zabiibka ayaa waxa uu kamidyahay nicmooyiinka uu Allaah ku maneystay Adoomadiisa, waxaa uuna dawo uga dhigay cuduro badan oo aysan aqoon u lahayn dad badan, Alxamdulillaah, Allaah ayaa ku Mahadsan.

error: Content is protected !!