Xeerarka Shaqo Raadinta

Xeerarka Shaqo Raadinta

Raadinta shaqo waxa’ ay u egtahay mid aad uga duwan sidii ay ahayd dhowr sano ka hor mana ahan hawl sahlan.

Qodobadan hoos ku xusan waxa ay kaa caawin doonaan insha Allaah inaad khibrad u yeelato raadinta nuuca shaqo ee aad dooneyso.

1. Baro Naftaada

Ka hor inta aadan bilaabin raadinta shaqo waxaaa muhiim kuu ah inaad barato waxyaabaha aad awoodda u leedahay iyo waxyaabaha aad xiisayso. Sidaa awgeed waxaad xoogga saari karataa shaqada kulmisa waxa aad awoodda u leedahay sidoo kalena aad xiisaynayso. 

2. Diyaarso CV-gaaga 

CV-gaaga ha ahaado mid ka tarjumaya nuuca shaqo ee aad codsanaeyso, waafaqsana shuruucda looga baahanyahay shaqada.

3. Samee Baaritaan

Baaris fiican ku samee Hay’adda, Shirkadda ama xafiiska aad doonayso in aad ka shaqayso ka hor inta aanad shaqada codsan. Sidoo kale iska hubi booska aad ka shaqayn doonto in uu yahay deegaan kugu habboon.

Sidoo kalena waxay tani kaa caawin doontaa in aad u diyaar garowdo waraysiga shaqada (Interview) waxaanay tani kaa caawinaysaa in aad ka fikirto su’aalaha ay suurta-galka tahay in lagu weydiin iyo baahidda loo shaqeeyaha.

4. Sameynta Xiriiro

Helida fusadaha shaqo ee ka jira suuqa waxa ay kaaga baahantahay samaynta xiriiro, sidaa darteed inaad sameyso xiriiro waaa arrin muhiim u ah helidda shaqada aad ku hamineyso. Dhisida/Sameynta xiriiro cusub iyo adkaynta kuwii hore ee aad lahayd waxa ay kuu saamaxayaan in aad mar walba la socoto fursadaha suuqa ka jira.

5. Samir/Dulqaad

Helida shaqada aad raadineyso waxaa suurto gal ah inay kugu qaadato waqti dheer; sidaa daraadeed waa muhiim in aad lahaato samir. Sidoo kalena aad codsato shaqooyinka aad aragto, xataa hadii laguu soo jawaabi waayo. Haka cabsan in laguu soo jawaabi waayo, sidoo kalena haka werwerin in aad ku soo bixi weydo liisaska dadka shaqooyinka helay.

Ogow Samirka iyo Dadaalka ayaa ah albaabada kuu furaya gaarida guushaada.

6. Diyaar u Ahaw Waraysiga Shaqo

Hadii aad ku soo baxdo ama aad ku guuleysato boos shaqo kadibna laguugu yeero waraysi shaqo, isku day in aad qaadato waqti aad ku diyaar garowdo. Sidoo kalena aad baaris ku samayso Shirkadda, Hay’adda ama Xafiiska aad ku soo baxday liiska dadka u soo gudbay waraysiga shaqo.

Dib u eegis ku samee su’aalaha guud ee la’ isku weydiiyo waraysiga shaqo. Sidoo kalena ka feker sida ay xirfadaada iyo aqoontaadu ula jaan qaadayaan qodobadii loo baahnaa.

7. Filo Wanaag

Inta aad ku guda jiro raadinta shaqada waxaa laga yaabaa inaad heli weyso, waa muhiim ah in filashadaadu mar walba ay aad u sarrayso. Tani waxay kaa caawin doontaa in aad ahaato qof dhiirran, sidoo kalena aad diirrada saarto shaqooyinka kugu habboon.

error: Content is protected !!