Sida loo dhaho lamaanahaaga Waan ku Jechalay

Sida loo dhaho lamaanahaaga Waan ku Jechalay

Waan ku jeclahay xabiibi, gacaliso, waa erayo qurux badan laakin ma ahan erayo kedis ah qaasatan erayo sarbeeb ah oo qalbiga toos u taabanayo.

lamaanahaaga in aad ku dhahdo waan ku jeclahay, xabiibi, xayaatii, macaane, macaanow waa wax aan laga maarmi karin oo lama huraan u ah nolosha.

Sidoo kale shukaansi aanan erayo macaan la socon waa sida shaah aan sokor lahayn. Qof walbaa wuu garanayaa sida uu u dhadhamayo shaax aan sokor lahayn, haddii aad ka badbadiso lamaanahaaga waan ku jeclahay misana aadan u dhihin qaabab kale, waxaa suurto gal ah in jaceylkaagu uu noqdo mid borring ah.

Haku bad-badin lamaanahaaga erayga waan ku jeclahay, Maxaa yeelay waa erayo fudud oo qof walbaa iska dhihi karo.

Waan ku jeclahay marka aad dhaheyso lamaanahaaga waxaa fiican in aad muujiso dareenka dhabta ah ee aad u qabto, adigoo isticmaalayo erayadaan soo socdo.

Sida loo dhahaa lamaanahaaga “waan ku jeclahay”.

Sida loo dhaho lamaanahaaga waan ku jeclahay waa wax aad u fudud, sidaa darteed adeegso erayadaan cajiibka ah misana qalbiga lamaanahaaga soo jiidanayo.

Hadddii aad isticmaasho erayadaan quruxda badan waxaad arki doontaa lamaanahaaga oo kugu waalanayo misana aanan marnaba kaa xiiso dhigeynin.

Kalgaceylkaagu waa ii darajo, jaceylkaagu waa ii dan, erayadaadu waa ii daawo, aragaagu waa ii dabiib.

Teeda kale xusuusnow: Dumarka qaar waa sida Farxiyo Fiska oo kale, ma jecelo in laga bad-badiyo erayga waan ku jeclahay. Maxaa yeelay waxaa dhici karta in ay kugu dhacdo wadada ku qul qul.

Waan ku jeclahay qaabka loo dhaho lamanaahaaga

Halkani waxaaan kuugu diyaarinay erayo iyo geeraaro caashaq oo isku dheeli tiran kuwaasoo aan ku kalsoonnahay in ay ku cajab gelin doonaan. Ku dheh lamaanahaaga waan ku jeclahay qaab nuuc ah oo sarbeeb ah.

Waxaa tahay dhameystirkeyga

Qof markuu si dhab ah qof kale u jecelyahay guud ahaan waa mid dhameystiran. Waa calaamad kamid ah calaamadaha lagu garto jaceylka dhabta ah.

Ma rumeyn karo inaa tahay qofteyda/qofkeyga

Waxaad isbarateen gabar/wiil, waxaad rabtaa inaad u sarbeebto inaad ka heshay. Maxaa yeelay qof aad hadda isbarateen ma dhihi kartid waan ku jeclahay balse waxaa dareen siin kartaa inaad ka heshay oo aad u riyaaqday.

Intaa kadib xiriirkiinu markuu sii qoto dheeraado oo aad is tiraahdo alleylahee waxaad u jeceshahay si dhab ah ku dheh erayadaan muuqaalka ah ee qalbiga dhalaalinayo.

“Waxaa tahay qof qurux badan, gudaha iyo banaankaba !!!” Waa lagaa waalaa maahan ee waa dhab ka hadal in ay noqoto.

Maxaa ula jeedaane? Markaad hadleyso, maba ku dhiiran karo inaan kaa dhex galo hadalka. Maxaa yeelay qalbigaaga quruxda badan ayaan u akhrisanayaa sida buug oo kale.

Dabcan quruxdu ma ahan oo kaliya suurada qurxoon iyo jirka macaan ee aad arkeyso balse qalbigu waa qeyb kamid ah quruxda aanan qofka arki karin.

Qofka markuu hadlo, waxa ka soo baxo erayo kuwaaso laga yaaboo inaad jecleysato. Taasi waxa ay ka turjumeysaa sida uu qofkaasi qalbigiisu u qurux badan yahay.

Had iyo jeer adigaan kuu joogaa

Lamaanahaaga ayaa kaaga baahday caawin, waxa ay kugu tiri/kugu yiri: Waad ku mahadsantahay inaad i caawiso. Ha ku dhihin adigaa mudan ee ku dheh: Had iyo jeer adigaan kuu joogaa.

Qofku wuxuu markaasi dareemayaa inaa tahay qof dhib iyo dheef la qeybsado, waxaana laga yaabaa inaad halkaas sadar  qalbigiisa meel fiican kaga degto.

Noloshu waa maalmo wato farxad iyo murugo. Qof walbaa wuxuu rajeeyaa inuu nolosha la wadaago qof markuu faraxsanyahay farxadda la qeybsado, markuu murugeysanyahayna murugada la wadaago.

Adiga ayaa i leh

Guurka ka hor ama guurka kadib, had iyo jeer waxaa jiro cabsi ah „Armuu nolosha kugu cidleeyaa ama ay kugu cidleysaa. Sidaa darteed u balan qaad lamaanahaaga inaad  weligaa la joogi doonto si ay cabsidaas uga harto.

Wadnaheyga ayaa kuu garaacmo

Marka uu kugu cusub yahay jaceylka misana aad qof si dhab ah u jeclaato waxaa caado ah garaaca wadnahaaga markaad aragto qofkii aad jecleyd. Markuu lamaanahaaga kaa daremo neeftuur ama xoogaa yara cabsi ah, ku dheh erayadaas.

Waan jeclahay qaabka aad ii farxadgeliso

Ogsoonow: Jaceyl bilaa farxad ah ma’ ahan jaceyl. Waxaa dhamo adigoo single iska ahaado oo aan sameyn jaceyl. Lamaanaha qaar waxa ay ku fikiraan siduu qofba qofka kale u farxadgelin lahaa una soo jiidan lahaa qalbigiisa.

Tusaale markuu lamaanahaaga ku dhaho erayo ku farxadgelinayo ama uu keeno hadiyado qalbigaaga soo jiidanayo, adeegso erayo ka turjumayo farxadaada.

Ha u dhihin toos waan ku jeclahay! Hana iloobin inaad uga mahadceliso, maxaa yeelay mahadcelintu waxa ay qofka ku dhiiro gelisaa sii wadida wanaagiisa.

Waxaa tahay saaxibka nafteyda

Ku dheh: Weligeey ma geeraarin laakin maanta waan geeraarayaa. Qof naftiisa kaa jecel, nuurkiisu aad tahay, nabar looma geystee, naftaada loo hibeeyaa, waana loo nuglaadaa. Dareensii inaad naftaada u hibeysay oo aysan jirin saaxib kale oo ay naftaadu leedahay.

Waxaa tahay malab ku jiro shaaxeyga

Yaah Yaah? Markii lagu yiraahdo, u raaci erayadaan: Soodkaaga macaan, sunniyahaaga kala rogan, saadirkii ku uumaa, qurux kugu saleeyee, asal dhalad inaa tahay, maantaan qirayaa.

Si aad ah ayey Dumarka uga helaan in loo geeraaro iyo in ay maqlaan erayo cusub gaar ahaan kuwo layaab leh. Sidaa darteed ka yaabso oo hala qabsato in aad la kaftanto.

Dadka is jecel waa isku riyo waana isku rajo, waxa ayna wadaagaan raaxda iyo rafaadka, dadka isku jecel sida dhabta ah way isku dhaartaan way is-dhiirigaliyaan wa is-dhegeystaan weyna isdhowraan, wad kala dhaqaajiyo mooyee wax kale ma kala dhantaalo, waanku jeclahay dhegta waa u hadal qalbigana waa u dhaar oo kalsoonideeda dhawaaqaas miyuu fududyahay, jawaabtu waa maya. 

Jaceykja dhabta ah waa dilaa hadii uu waayo daawadiisa sababi kara geeri ama inuu qofku ka hoos maro dhulka, kana haajiro dunidan martida lugu yahay ee uu Allaah ugu tala galay in la joogo maalmaha kooban, waa xanuun iyo ciqaab naf marka gabar aad ka dooratay dunida oo idil ay kula fahmi weyso wax ka qabashada baahida ku heysa ee ah JACEYLKA.

Dhamaad

Waxaan rajeyn inaad ka heshay qormadan! Haddii aad jeceshahay waxaad nala wadaagi kartaa aragtidaaada iyo su’aalahaaga. Waxaana sidoo kale la wadaagi kartaa asxaabtaada.

Waad ku mahadsantahay booqashadaada, akhriskaaga iyo taageeradaada! Faafi Farxadda, farxadda waa la faafiyaa.

error: Content is protected !!