Deeq Waxbarasho

Deeq Waxbarasho

Ujeeddo: Faafin Deeq Waxbarasho

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddahaiyo Tacliinta Sare. Waxa ay halkan kusoo bandhigaysaa deeq waxbarasho oo ah heerka labaad ee Jaamacadda (Master’s Degree), kana timid Dalka Hangeri (Hungary) Kuwaas oo kala ah:

  1. Takhasuska Injineeriyada Cilmiga Deegaanka “Master in Environmental Engineering”.
  2. Takhasuska Injineeriyada Cilmiga Waxsoosaarka “Master in Crop Production Engineering”.
  3. Takhasuska Injineeriyada Cilmiga Qudaarta iyo Mirooleyda. “Master in Horticultural Engineering”.

Shuruudda Codsadaha:-

  1. Shahaado Dugsiga Sare ee Dowladda taas oo ka tasdiiqsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
  2. Shahaado Jaamacadeed oo ka tasdiiqsan Wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha Dibadda.
  3. Shahaado Luqadda Ingiriisiga ah.
  4. Baasaboor ay muddada dhicitaankiisa kaharsantahay ugu yaraan 2sanno.
  5. Warqadda Tazkiyada ee Jaamacadda “Letter of recommendation”
  6. Warqadda Caafimaadka.
  7. Warqadda dembi la’aanta.
  8. Waa in qofka dalbanaayo da’diisu ay ka yartahay 30 sanno.

Ardayga ku guuleysta waxa uu helayaa Deeq waxabarsho oo dhammaystiran sida:

  1. Waxbarashada
  2. Hoyga/Guriga
  3. Kharashaadka nolosha (Pocket Money)
  4. Caymiska Caafimaadka, “Health insurance”.

FG. Kaalinta Wasaaradda ee deeqdani waa shaacinta oo kaliya.

Codsi qabashada waxa ay ku egtahay 29/02/2024.

Qaabka Loo Codsanayo:

Codsiga Deeqda waxbarasho iyo Shahaadooyinkaaga waxa aad ku dirsan kartaa cinwaankan, REU-Scholarship@fao.org

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah fadlan kala xiriir

Xafiiska warbaahinta iyo xiriirka Dadweynaha

Wasaaradda Waxbarashada

Email: media@moe.gov.so

error: Content is protected !!