7 Arimood Oo Kor U Qaadi Kara Caafimaad kaaga Bisha Ramadaan

7 Arimood Oo Kor U Qaadi Kara Caafimaad kaaga Bisha Ramadaan

7 arimood oo kor u qaadi kara caafimaadkaaga inta lagu jiro bisha Ramadaan

Dadka sooma qaarkood ayaa ka sheegta dhibaatooyin ay kala kulmaan cunada lugu afuro inta lagu jiro bisha Ramadaan. Waxaan halkaan idin kula wadaagaynaa 7 arimood oo kor u qaadi kara caafimaadkaaga inta lagu jiro Ramadaanka.

1. Raac fariinta nabigeena (N.N.K.H.)

Sadex meelood meel cuntada ayaa leh, sadex meelood meel cabitaan/sharaab ayaa leh, shex meelood meel hawada/neefsashada ayaa leh

2. Cun Saxuurta

Inaad saxuurato waa sunno waana kuu barako, caafimaadkaaga iyo inaad awood u yeelato soonka ayey muhiim u tahay.

3. Iska yaree dufanka

Cuntada dufanka leh ayaa waxa ay qeyb weyn ka tahay cuntada ay Soomaalida isticmaalaan afurka iyo cashada ama suuxrta, waxaa muhiim ah caafimaad ahaan in aadan badsan dufanka.

4. Qaado Khudaarta

Dad badan ayaa iska hilmaama muhiimada ay leedahay qaadashada qudaarta.

Tusaale Karootada waxa ay faa’iido wayn u leedahay araga indhaha, dad badan ayaana iska hilmaama, waa in aad badsataa qudaarta sida karootada.

5. Soco samee afurka ka dib

Si aad hawo caafimaad leh u qaadato, samee soco afurka ka dib ama la imow xuska Alle si aad u dhalaaliso raashinka ku jira calooshaada.

6. Tuko salaadda Taraawiixda

Tukashada Taraawiixdu waa cibaado waana kuu caafimaad.

7. Waxyar seexo Gelin danbe (Qayluushi)

Waxaa la sheegaa in 15 daqiiqo keliya oo hurdo ah ay qofka ka dhigi karto mid firfircoon. Hurdadan waxa ay faa’iido u tahay in aad habeenkii soo jeedo oo aad cibaadado badan la imaato inta dadka ay hurdayaan.

error: Content is protected !!