Sidee Lacag Looga Sameeyo Online 2024
Haddii aad rabto in aad lacag ka sameyso internet-ka ama Online-ka, waxaa jira dhowr siyaabood oo aad ku gaari karto hadafkaas. Qormadan hoose waxaan ku soo koobnay talooyin ku saabsan sida loo bilaabo iyo waxa aad u baahan tahay inaad ka fikirto ugu horeyn:
1. Bilaaw Blog
Hadii aad tahay qof ku fiican wax qoridda ama qoraalka jecel, waxa aad hibadaadaas qoritaan-ka ah ku heli kartaa lacago badan oo aad ku maareyn karto noloshaada.
Waxa aad samaysaneysaa Website adigoo ku qoraya maqaalo xiiso badan, marka la barto website kaaga, waxa aad codsi u dirsaneysaa Google Adsense, marka lugu soo aqbalo waxaa website kaaga lagu soo fasaxayaa xayisiis (ads), waxaa halkaas kaaga bilaaban doona in aad lacag maangal ah ka sameyso bil kasta akhristeyaasha maqaaladaada saaran website-kaaga.
- Talooyin: Ku qor maqaallo xiiso leh oo dadka soo jiidanaya oo aan ahayn been..
- Sida loo Bilaabo: Ugu horreyn, dooro niche gaar ah, hel adeegga hosting (sida sostec), dhis bog WordPress ah, kadibna bilow qorista iyo suuqgeynta blog-kaaga.
2. Samee YouTube Channel
Youtube-ka waxa aad ka samayn kartaa lacag fiican. Youtube-ka waa aaladda ugu weyn ee aduunka lagu soo gudbiyo muuqaalada, waxa aadna ku soo gudbin kartaa mowduucyo kala duwan sida, aqoon, sheekooyin, taariikho, iwm.
- Talooyin: Sameyso kanaal ku saabsan mowduucyada aad xiiseyneyso, samee muuqaallo tayo sare leh, oo ku raaxeyso dakhli kaaga yimaada daawashada muuqaaladaada.
3. Bilaaw Ecommerce Store
Ganacsiga E-commerce-ga ah waxa uu la mid yahay ganacsiyada maxalliga ah, kaliya waxa uu kaga duwan yahay waa habka uu u dhacayo, kaas oo gabi ahaantii ah mid online ah.
- Sida loo Bilaabo:
Dooro nooca ama alaabo gaar ah oo aad iibinayso, dhis dukaankaaga online-ka ah, oo suuqgeyn ku samee baraha bulshada.
4. Ka Qayb Qaado Barnaamijyada Affiliate Marketing
Waa maxay Affiliate:
Waxa aad xayisiineysaa badeecooyin (products), hadii uu qof iibsado badeecadaas aad xayeysiisay ama xayisiintaada u ka dhex iibsado, waxa aad helaysaa lacag (commission). Lacagtaas waxaa ku siinayo shirkadda iska leh badeecadaas.
- Talooyin: Soo bandhig alaabo ama adeegyo adoo isticmaalaya xiriiriyayaal affiliate ah, lacag ka hel iibka ama tixraaca.
5. Samee Koorsooyin Online Ah
Hadii aad tahay qof wax bartay yaqaana maadooyin ama koorsooyin sida Biology, Chemstery, Physics, Math iyo kuwo kale oo heer jaamacadeed lehna kuliyado kala duwan, waxaa kuu wanaagsan in aad aqoontaadaas ka sameyso lacago aad ku nooloon karto adiga oo duubaya ama muuqaalo ka sameynaya kis lacag ahna saaranaya una baahinaya bulshada u baahan inay ka faa’iideystaan.
- Talooyin: Haddii aad leedahay xirfad gaar ah, ka samee koorsooyin online ah oo aad ku iibso mareegaha sida Udemy ama Teachable, mareeg aad adigu leedahay ama Telegram-ka.
- Sida loo Bilaabo: Qor koorsooyinkaaga, si fiican u duub casharro tayo leh, suuqgeyna ku samee koorsooyinkaaga si aad u hesho dadka daneynaya in ay ka faa’iideystaan.
6. Bilaaw Shaqooyinka Freelance
WAA MAXEY FREELANCING ?
Freelancing-ka waa in aad si madax banaan u shaqeysato intii aad u shaqeyn lahayd qof ama shirkad. Cilmi-baaris ay sameeyeen shirkadaha caanka ku ah Freelancing, waxa ay sheegeen in 57 Million oo American-ah ay qabteen shaqadan sanadkii 2019.
- Talooyin: Ka shaqee meelaha sida Upwork ama Fiverr adoo bixinaya adeegyo xirfadeed sida qorista, naqshadeynta, ama turjumaada luuqadaha, iwm.
- Sida loo Bilaabo: Abuur profile xirfadeed, samee portfolio muuqda, oo codso shaqooyin ku haboon.
7. Qor Buugaagta ama E-book-ga
Haddii aad leedahay sheeko ama aqoon, qor buug ama ebook oo ku iibi online-ka adoo adeegsanaya Amazon Kindle Direct Publishing ama website-yo kale.
8. Samee Xayeysiis Online ah
Haddii aad leedahay xirfado xayeysiin, samee xayeysiisyo loogu talagalay shirkado ama ganacsiyo, adoo adeegsanaya Google Ads,Facebook Ads ama Instagram Ads.
9. Talooyin Guud
- Kordhi Aqoon: Ka baro xirfado cusub oo ku saabsan sida loo sameeyo lacag online, sida SEO, suuqgeynta digital-ka, iyo xog-ururinta.
- La Xiriir Bulshada: Ku biir kooxo iyo forums ku saabsan lacag ka helista internet-ka si aad u hesho talooyin iyo taageero.
Marka la soo koobo, si aad u guuleysato lacag ka sameynta online-ka, waxaad u baahan tahay inaad si joogto ah u shaqeyso, aad leedahay qorshe cad, oo aad fahanto suuqa iyo baahida ka jirta.
Fadlan Baro Xirfad aad ku maareyso noloshaada iyo tan ahalkaaga. Talo saaro Allaah waad gaareysaa hadafkaaga markaa.
………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………