Codsiga Shaqada Jawaab Celin Ma Helo Ee Maxaan Sameeyaa?
Haddii aad codsi shaqo gudbisay oo aysan ku soo jawaabin, tani waa xaalad caadi ah laakiin laga yaabo inay niyad-jab kuu keento.
Haddii aadan buuxin shuruudihii lagaa rabey, CV-gaagu haddii aadan dib u cusboonaysiin, Haddii khaladaad badani ku jiraan, tusaale CV aad shirkad/hay’ad hore u dirtay aad isla shirkad kale u dirtay adiga oo aan dib u eegis ku sameyn, waxa ay kuu keeni kartaa in aad ku shaqo wayso oo aadan ku soo bixin shaqadaas wayoo waxaa laga yabaa in ay kuu qorantahay shirkad aadan waligaa usoo shaqayn.
Waxaa sidoo kale dhici karta in qodobo lagaa codsaday in aad ku darto aad iskaga tagtay.
In aad shaqo hesho 50% waa hadba sida aad ugu diyaar garowdo. Diyaar garowgaagu haddii uu wanaagsanaado waad guuleysan kartaa, haddii uu liitana waad guul-daraysanaysaa oo ku soo bixi maysid shaqada. Si fiican u diyaarso, Akhri waxaad qortay, wakhti sii, kaddib waad guuleysan insha Allaah.
Qodobadan hoose ayaad ku xalin kartaa haddii caqabadani ku haysato:
1. Xaqiiji Macluumaadka:
Hubi inaad si sax ah u gudbisay codsigaaga, oo ay ku jiraan CV-gaaga, warqadda daboolka, iyo dukumiintiyada kale ee loo baahan yahay. Mararka qaar qalad yar ayaa sababi kara in codsigaaga aan la helin.
2. Dadaal Samee
Adeegso xeerka 80/20. Shay haddaad wakhti geliso 20% waxa aad ka heli guul aad mahadiso oo ah 80% rejadaadii. 24 kaaga saac 30 – 1 saac ku bixi diyaarinta CV aad u diyaarsan kaasoo kugu metela meel aadan garashadaada, caqligaaga, xikmaddaada, aftahannimadaada iyo aqoontaadaba isku difaaci Karin,
CV-gaaga ka dhig mid kaa soo dhex saari kara dhowrka boqol oo shaqodoon ah ee booskan kugula tartamaya.
Akhri oo fahan oo si fiican u dhuux macnaha shaqada la xayeysiiyey. Waxa aad ogaanaysaa isla markaana aad fahmaysaa Shaqada banaan, Halka laga shaqeynayo, shirkadda ama hay’adda laga shaqeynayo, shuruudaha looga baahanyahay qofka shaqadan codsanaya ee xaga khibradaha, aqoonta, xirfaddaha iyo tixraacyada lagaa rabo.
3. Samee Baaris
Ku dadaal in aad sameyso baaris ku aadan xirfaddaha looga baahanyahay suuqa shaqada ee takhasuskaaga ah.
Taasi waxa ay kaa caawinaysaa in aad sameyso xirfad kororsi kaa saari karta marxaladda shaqo la’aanta ee aad ku sugantahay.
Haddii aad shaqo haysana aad ku heli karto dalacsiin shaqo (Job Promotion).
Baaris ku samee qaybta shaqo bixiyayaasha ee laga shaqeeyo takhasuskaaga si aad waxbadan uga ogaato baahida xirfadaha ay u baahanyihiin ee aad baran karto si aad u noqoto qof diyaarsan.
Hababka aad baarista u sameyn karto waxa ka mid ah:
- Booqo mareegta shirkadda/hay’adda/xafiiska ama ganacsiga
- Baro hadii ay suurta-gal kuu tahay cidda ka shaqeysa qaybta aad ka shaqeyn karto si aad uga kororsato waawo-aragnimo.
4. Dir Fariin
Fariin u dir looshaqeeyaha oo aad ku waydiinayso in la kala saaray booska shaqo ee aad u tartantay oo xayeysiisku dhammaaday laba ilaa saddex todobaad ka bacdi si aad warcelin uga hesho.
Haddii aad waraysi shaqo aad gashay balse aan wali laguusoo jawaabin muddo laba todobaad ah waxa aad fariin email ah u diri kartaa loo shaqeeyaha in ay warbixin kaasiiyaan halka ay marayso qiimeynta waraysigii shaqo ee ay sameeyeen.
5. Raadi Talobixin
Haddii ay suurtagal tahay, la tasho xirfadlayaal ama la-taliyayaal ku takhasusay shaqooyinka si aad u hesho talooyin ku saabsan sidii aad u hagaajin lahayd codsigaaga.
………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………