Deeq-Waxbarasho oo ay ka faa’ideysan doonaan 3000 oo gabdho Soomaaliyeed ah

Deeq-Waxbarasho oo ay ka faa’ideysan doonaan 3000 oo gabdho Soomaaliyeed ah

Wasaaradda Waxbarashada waxa ay halkan ku shaacineysaa mareegta laga codsan karo Deeq-Waxbarasho oo ay ka faa’ideysan doonaan 3,000 oo gabdho Soomaaliyeed ah.

SHURUUDAHA LAGA DOONAYO DADKA SOO CODSANAYO DEEQDA WAXBARASHADA GABDHAHA.
1. Deeqda waxbarasho waxay u furan tahay haweenka oo kaliya.
2. Codsaduhu waa inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed.
3. Codsaduhu waa inuu ugu yaraan haystaa shahaadada dugsiga sare.
4. Codsaduhu waa inuu leeyahay sooyaal wanaagsan oo waxbarasho oo leh dhibco aan ka yarayn 60/100. Sidoo kale waa inuu haystaa sooyaal anshax wanaag ah.
5. Codsaduhu waa in uu la yimaadaa dukuminti aqoonsigiisa ah.
6. Codsaduhu waa in uu heystaa Warqadda Dambi la’aanta ee CID.
7. Codsaduhu waa inuu qabo baahi dhaqaale, oo aanu waxbarashada iska bixin karin.

8. Codsaduhu waa in uusan ka diiwan gashaneyn wax Jaamacad ah isla markaasna uusan ka faa’iidaysanayn deeqo kale ama qorshaynayn inuu ka qaybqaato barnaamijyo kale oo deeq waxbarasho ah.

9. Codsaduhu waa inuu diyaar u yahay in uu dhammeysto waxbarashada oo aanu dhex uga tagin.
10. Bixinta xog been ah waxay horseedi doontaa tallaabo anshaxeed ku habboon.
Haddaba haddii aad buuxin karto shuruudaha kor ku xusan waxaad ka codsan kartaa deeqdan waxbarasho linkiga hoose.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah waxaad kala xiriiri kartaan

Xafiiska warbaahinta iyo xiriirka guud

Wasaaradda Waxbarashada

Abdiaziz Wali

Email: media@moe.gov.so

Faceboook.com/moechesomalia

Twitter.com/moechesomalai

CODSO

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

   

error: Content is protected !!