Sidee loo qoraa warqad codsi shaqo?
Sida Loo Qoro Warqad Codsi Shaqo (Cover Letter)
Warqadda codsiga shaqada waa dukumenti muhiim ah oo aad ku muujinayso xirfadahaaga, khibradaada, iyo sababta aad u rabto shaqada aad dalbaneyso. Waa inay noqotaa mid sax ah, gaaban, oo si cad u qeexeysa sababta aad ugu habboon tahay booskaas.
Qaybaha Warqadda Codsiga Shaqada
-
Cinwaanka iyo Taariikhda
- Ku qor magacaaga, ciwaankaaga, email-kaaga, iyo lambarkaaga telefoon.
- Ku dar taariikhda aad qorayso warqadda.
- Qor magaca, jagooyinka, iyo shirkadda aad u dirayso warqadda codsiga.
-
Salaanta Hore (Greeting)
- Haddii aad taqaano qofka shaqaaleysiinaya, ku bilow magaca (Tusaale: Mudane/Marwo [Magaca]).
- Haddii aad garan weydo, isticmaali “Ku Socota Waaxda Shaqaaleynta” (To the Hiring Manager).
-
Hordhaca (Introduction)
- Sheeg shaqada aad dalbaneyso iyo halka aad ka heshay xayeysiiskeeda.
- Si kooban u sharax sababta aad u xiiseynayso shaqada iyo waxa kaa dhigay musharrax ku habboon.
-
Qaybta Dhexda (Body Paragraphs)
- Faahfaahi xirfadahaaga iyo khibradahaaga la xiriira shaqada aad codsaneyso.
- Isticmaal tusaalooyin cad si aad u muujiso guulahaaga iyo waxqabadkaaga.
- Xidhiidh sii u samee inta u dhaxaysa khibradaada iyo shuruudaha shaqada la xayeysiiyay.
-
Gabagabo (Conclusion)
- Ku soo gunaanad codsigaaga adigoo muujinaya xiisahaaga inaad la kulanto ama aad wadahadal dheeraad ah sameyso.
- U mahadceli qofka akhrinaya warqadda codsigaaga.
-
Saxiixa (Signature)
- Ku dhammee magacaaga, haddii aad daabacayso, saxiix korkaaga ku dar.
- Haddii aad email ahaan u direyso, magacaga iyo xiriir macluumaadkaaga dhig hoosta.
Tusaale Warqad Codsi Shaqo
Magacaaga
Cinwaankaaga
Email: [email@example.com]
Telefoon: [+252 6XX XXX XXX]
Taariikh: [DD/MM/YYYY]
Ku socota: Waaxda Shaqaaleynta
[Magaca Shirkadda/Hey’adda]
Cinwaanka Shirkadda
Mawduuca: Codsiga Shaqada [Magaca Shaqada]
Mudane/Marwo [Magaca Haddii La Ogyahay],
Aniga oo ah [Magacaaga], waxaan si xushmad leh codsi ugu soo gudbinayaa shaqada [magaca shaqada] oo aad xayeysiiseen. Waxaan ka helay fursaddan boggiina shaqooyinka [ama ilo kale]. Waxaan hayaa khibrad [tirada sano] oo la xiriirta [xirfadaha shaqada] taasoo iga dhigtay musharrax ku habboon.
Intii aan ka shaqeynayay [magaca hay’adda/shirkadda], waxaan [xuso hal ama labo guul muhiim ah oo shaqada la xiriirta]. Waxaan leeyahay xirfado ay ka mid yihiin [tusaale: maamul, xalinta dhibaatooyinka, la shaqeynta kooxaha, iwm.] taasoo i awood siineysa inaan wax badan kusoo kordhiyo [shirkadda/hey’adda].
Waan jeclaan lahaa fursad aan kaga hadlo sida aan wax ugu biirin karo [shirkadda/hey’adda]. Fadlan ila soo xiriir waqtiga aad ku habboon tahay si aan ugala hadalno fursaddan. Mahadsanidiin waqtiga aad u hurtay akhrinta codsigeyga.
Soo dhawayn wacan,
[Magacaaga]

………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………