15 Khalad oo CV-ga Ku Jira oo Kaa Hor Istaagi Kara In Shaqo Lagaa Soo Jawaabo (2025 CV Guide)
Hordhac
Shaqo-doonka Soomaaliya — gaar ahaan kuwa soo dira CV-yo badan — mararka qaar waxay is weydiiyaan:
“Maxaa keenaya in aan shaqo badan codsado laakiin aan marna laga soo jawaabin?”
Badanaa sababtu ma aha in aadan xirfad lahayn…
Waa in CV-gaaga uu ku jiro khaladaad yaryar oo HR-ku si degdeg ah ku tirtiro.
Shaqaalaha HR-ka, NGO-yada, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay waxay helaan boqolaal CV maalintii. CV-ga khalad leh badanaa xitaa lama furfuro.
Maqaalkan waxa uu ku bixinayaa khaladaadka CV-yada ugu badan ee ay HR-yadu ka digaan iyo sida saxda ah ee loo hagaajin karo.
🟥 15-ka Khalad ee CV-ga Sababa In Aan Lagaa Soo Jawaabin
1️⃣ CV aad u dheer ama aan habaysanayn
CV laba bog ka badan (entry-level) ama mid qasan HR-ku ma akhrinayo.
HR-yadu waxay CV kasta ku fiiriyaan 6–10 ilbiriqsi.
✔️ Sidee loo saxaa?
-
1–2 bog ugu badnaan
-
Qaybaha ha ahaadaan nidaamsan: Summary → Skills → Work Experience → Education → Certificates
2️⃣ Waxaad soo qortaa Taariikh Shaqo oo aan la xiriirin booska
Qaar badan CV-yadooda waxay ku daraan shaqo aan xiriir lahayn (tusaale: “driver” halka boosku yahay “finance assistant”).
✔️ Sidee loo saxaa?
Soo bandhig khibradda ugu khuseysa shaqada aad codsanayso.
3️⃣ Summary ama Profile aan caddeyn
Qofka summary-ga qaldan qoray wuxuu ka dhigan yahay qof aan caddayn waxa uu rabo.
✔️ Tusaale xun:
“Hardworking Somali seeking opportunity.”
✔️ Tusaale sax ah:
“Finance Assistant with 2+ years NGO experience, strong Excel skills, and donor reporting exposure.”
4️⃣ CV oo buuxa Qoraal badan oo aan muuqaal lahayn
HR-yadu waxay jecel yihiin bullet points, nadiif, iyo spacing fiican.
✔️ Sidee loo hagaajiyaa?
-
Adeegso bullet points
-
Avoid paragraphs dheer
-
Ku dar bold meelaha muhiimka ah
5️⃣ Khaladaad qoraal (spelling & grammar)
Hal qalad oo grammar ah ayaa ku filan in CV-ga laga tago.
✔️ Xal:
CV-ga mar kasta dib u akhri, ama qof kale kaaga eego.
6️⃣ Skills badan oo aan run ahayn ama aan lagaa arki karin
Waxaad ku qortaa skills badan oo aan la hubin—HR waxay arrintaa aad ugu digtoonaadaan.
✔️ Xal:
Ku qor skills aad si dhab ah u taqaan.
7️⃣ CV aan lahayn achievements—kaliya duties
HR-yadu waxay jecel yihiin natiijooyin.
✔️ Tusaalo sax ah:
“Improved data accuracy by 20% through consistent monitoring.”
8️⃣ Email aan professional ahayn
Tusaale email xun:
qoslaaye2017@gmail.com
✔️ Xal:
Isticmaal
firstname.lastname@gmail.com
9️⃣ Phone number khaldan ama aan shaqayn
Qaar badan waxay qoraan lambaro aan shaqayn ama aan lahayn WhatsApp.
✔️ Xal:
Hubi in lambarka sax yahay oo WhatsApp uu ku jiro.
🔟 CV aan lahayn dates cad (bil & sanad)
HR-yadu waxay rabaan in ay arkaan taariikhaha shaqada si cad.
1️⃣1️⃣ In aad ku qorto Mushahar aad rabto
Tani si toos ah ayaa CV-ga looga xiraa.
1️⃣2️⃣ In aad ku darto macluumaad aad u badan (Age, Tribe, Religion)
Shaqooyinka maanta Kuma weydiiyaan macluumaad aan xirfad ku xirnayn.
1️⃣3️⃣ No references ama “Available on Request”
Badanaa HR-yadu waxay rabaan references cad.
✔️ Xal:
Ku dar 2 reference + phone
1️⃣4️⃣ In aad CV-ga ku darto sawir aan professional ahayn
Sawir selfie ah, sawir aroos, ama sawir social media—HR negative ayey u tahay.
✔️ Xal:
Sawir neutral ah, background light, dhar xirfadeed.
1️⃣5️⃣ In aad hal CV u dirto shaqo kasta
Tani waa qaladka ugu weyn.
✔️ Xal:
CV kasta u samee customization booska aad codsanayso.
🟦 Maxaa Dhaca Marka Aad Khaladkan Samayso?
-
HR ma akhrinayo CV-gaaga
-
Waxa lagu tuurayaa 10–15 ilbiriqsi gudahood
-
Waxa lagaa hormarinayaa qof summary fiican leh
-
Waxa aad lumiyaan fursado badan
🟩 Sidee U Sameyn Kartaa CV Sax Ah?
👉 Akhri hage-keena: Sida Loo Sameeyo CV Professional
👉 Raac format-ka 2025
👉 Ku dar skills si cad
👉 Ka saar wax aan muhiim ahayn
🔗 Shaqooyinka Ugu Dambeeya Soomaaliya
Si aad CV-gaaga ugu dirto fursadaha maanta →
https://qaranjobs.com/
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs
