Sida Loo Qoro Resume (CV) – Tallaabo Tallaabo (2026, Af-Soomaali)

Sida Loo Qoro Resume (CV) – Tallaabo Tallaabo (2026, Af-Soomaali)

Resume (ama CV) waa dukumeenti muhim ah oo aad ku muujinayso waxbarashadaada, khibraddaada shaqo, xirfadahaaga, iyo sababta aad ugu qalanto shaqo aad dalbanayso. Sidoo kale, maanta shirkadaha iyo hay’adaha (NGO, UN, Dowladda, Private) waxay adeegsadaan nidaamyo elektaroonik ah sida Systems ATS (Automatic Tracking Systems) si ay u kala soocaan CV-yada, sidaa darteed waa muhiim in CV-gaagu noqdo mid nadiif ah, si cad loo akhriyi karo, loona fahmi karo.


Maxaa Ay Ka Kooban Tahay Resume (CV)?

Resume waa warqad kooban, badanaana waxay ku eg tahay hal ilaa labo bog — taasoo si degdeg ah u muujinaysa:

  • Macluumaadkaaga xiriirka

  • Soo koobid kooban (Objective ama Summary)

  • Khibraddaada shaqo

  • Waxbarashadaada

  • Xirfadahaaga

  • Qaybo dheeri ah haddii loo baahdo (shahaadooyin, luqado, tabaruc, iwm)


1. Qaabka Resume-ga (CV Style)

Waxaa jira 3 nooc oo resume ah oo caalami loo isticmaalo:

A. Chronological (Taariikhaysan)

  • Waxaad ku qortaa khibradahaaga shaqo iyadoo laga bilaabayo shaqada ugu dambeysay ilaa tan hore.

  • Ku habboon qof khibrad shaqo leh.

  • Waxa uu muujinayaa koror iyo horumar shaqo.


B. Functional (Xirfado Ku Saleysan)

  • Xirfadaha ayaa marka hore la soo bandhigaa, taariikhda shaqada dib ayaa loo dhigaa.

  • Ku habboon qof ku cusub suuqa shaqada ama doonaya inuu beddelo xirfadda.

  • Waxay xoogga saartaa awoodda iyo kartidaada.


C. Combination (Isku-dhaf)

  • Waxay isku daraa xirfadaha iyo taariikhda shaqo.

  • Ku habboon qof xirfado badan leh oo sidoo kale leh waayo-aragnimo shaqo.

Talo (2026): Had iyo jeer u dooro Chronological haddii aad leedahay khibrad shaqo oo joogto ah. Haddii aad bilow tahay ama soo gashay xirfad cusub, Functional ayaa ku habboon.

2. Macluumaadkaaga Xiriirka

Qaybtan waa tan ugu horreysa ee qofka shaqo-bixiyaha ah uu arko. Ku qor si cad:

MAGACAAGA OO BUUXA
Email: magacaga@example.com
Telefoon: +252 6XXXXXXXX
LinkedIn (haddii aad leedahay): linkedin.com/in/magacaga
Goobta aad joogto (magaalo, waddan)

Talooyin:

  • U isticmaal email rasmi ah, tusaale: magacaga@gmail.com

  • Ha ku darin xog aan shaqo-la xiriirin (sida da’, diinta, jinsiga, qabiilka, iwm).


3. Soo Koobid / Ujeeddo (Objective ama Summary)

Qeybtan waa 1–3 sadar oo kooban, waxayna sharxaysaa:

  • Waa kuma

  • Xirfadaha aad leedahay

  • Nooca shaqo ee aad raadineyso

  • Sidaad u caawin karto shirkadda ama hay’adda aad codsaneyso

Tusaale Objective (Bilow):

“Waxaan ahay arday dhameystay Maamulka Ganacsiga isla markaana leh xirfado isgaarsiin iyo adeeg macaamiil, waxaanan doonayaa shaqo iga caawinaysa horumarinta xirfadeyda.”

Tusaale Summary (Khibrad Leh):

“Waxaan ahay Project Officer leh 4 sano oo waayo-aragnimo NGO ah, khibrad u leh maaraynta xogta, la-socodka mashaariicda, iyo warbixin-qorista.”


4. Khibradda Shaqo (Work Experience)

Qaybtaan waa tan ugu muhiimsan. Waxaad ku qortaa shaqooyinkaaga ugu dambeeyay marka hore, sida:

JAGO – HAY’AD / SHIRKAD (BIL, SANAD – BIL, SANAD)
• Waajibaadkaaga shaqo
• Guulaha aad gaadhay / natiijooyinka

Tusaale:

Kormeeraha Mashaariicda NGO ABC (Jan 2022 Dec 2025)
Kormeeray 5 mashruuc oo ka socda 3 degmo.
Kordhiyay ka-qaybgalka bulshada 25%.
Diyaariyay warbixinno bille ah oo loogu gudbiyo deeq-bixiyeyaasha.

Talooyin:

  • Isticmaal ficillo cad (managed, coordinated, prepared, implemented, iwm).

  • Ku dar tirooyin haddii ay suuragal tahay (kordhinta %, tirada la maamulay, iwm).

  • Haddii aadan shaqo hore u helin, waxaad isticmaali kartaa Internships ama shaqo tabaruc ah si aad u muujiso waayo-aragnimo.


5. Waxbarashada (Education)

Qeybtan waxay muujinaysaa heerka waxbarashada aad gaadhay:

Jaamacadda Muqdisho Bachelor of Public Administration
2020 2024

Haddii aad waxbarasho sii wado:

Diploma IT Somali Technical Institute
2024 Hadda

6. Xirfadaha (Skills)

Qeybtan waxaa lagu qori karaa waxyaabaha aad si fiican u taqaano:

Xirfado Farsamo (Hard Skills)

  • MS Word, Excel, PowerPoint

  • Xirfadaha IT

  • La-socodka xogta (data entry, reporting)

Xirfado Dabeecadeed (Soft Skills)

  • Isgaarsiin

  • Wada shaqeyn

  • Xallinta dhibaatooyinka

  • Maamul waqti

Talo: Ku dar kaliya xirfadaha la xiriira shaqada aad rabto inaad codsato.

7. Qaybo Dheeraad ah (Optional Sections)

Haddii aad haysato, ku dar:

✔️ Shahaadooyin (certifications)
✔️ Abaalmarino
✔️ Tabaruc (volunteer)
✔️ Luqado (Somali, English, iwm)

Shahaado: IT Essentials 2025
Volunteer: Tabaruc Xafiis NGO XYZ (2023)
Luqado: Somali (Hooyo), English (Fiican)

 


8. Sida Loo Keydiyo & U DIRTO Resume-ga

Marka aad dhameysato, waa inaad:

📌 Hubisaa khaladaadka higgaadinta
📌 Ka dhigtaa 1–2 bog oo kooban
📌 Keydisaa sida PDF (taas oo format-keedu xasilloon yahay)
📌 Magaca faylka dhigtaa sidan:
👉 Magacaaga_CV_2026.pdf


📝 Tusaale Resume (CV)

CABDI AXMED CALI
Email: cabdixmed@gmail.com | Tel: +252 61XXXXXXX
LinkedIn: linkedin.com/in/cabdixmed

SUMMARY
Waxaan ahay maamule xafiis leh 3 sano oo waayo-aragnimo NGO ah, khibradna u leh diyaarinta warbixinnada iyo la-socodka mashaariicda.

WORK EXPERIENCE
Administrative OfficerNGO ABC (20222025)
Maamulay dukumiintiyada xafiiska.
Kordhiyay habsami u socodka shaqada 20%.
Diyaariyay warbixino bille ah.

EDUCATION
Jaamacadda MuqdishoBachelor of Business Admin (20202024)

SKILLS
MS Word | Excel | Isgaarsiin | Wada-shaqayn


🎯 Talooyin Muhiim ah (2026)

✔️ Had iyo jeer u habee CV-gaaga shaqada aad codsanayso — kuma wada qaadan karo hal CV shaqo walba.
✔️ Haddii aad ku cusub tahay suuqa shaqada, isticmaal Functional CV si aad xirfadahaaga u muujiso.
✔️ Ka fogow khaladaadka higgaadinta iyo hadal-macne aan cad ahayn.
✔️ Iska ilaali sawirro aan loo baahnayn CV-ga—haddii shaqo-bixiyuhu codsado, markaa ku dar.


Gunaanad:

Resume (CV) wanaagsan waa mid:

  • Cad & kooban

  • La fahmi karo

  • La jaanqaadaya ATS

  • Si gaar ah ugu habboon shaqada aad rabto

error: Content is protected !!