Fursad Waxbarasho: Dugsiga Sare ee Farsamada Gacanta Hargeysa (90 Fursadood) – Hargeisa, Somaliland

Government of Somaliland – MoES

Fursad Waxbarasho: Dugsiga Sare ee Farsamada Gacanta Hargeysa (90 Fursadood) – Hargeisa, Somaliland

Fursad Waxbarasho
Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL waxay ku war-gelinaysaa ardeyda reer somaliland fursad waxbarasho oo la xidhiidha barashada farsamada Gacanta taas oo uu bixinayo dugsiga farsamada gacanta ee Hargeisa Model Centre.
Sidaa darteed, wasaarada waxbarashada iyo saynisku waxay ku wargalinaysaa bulshada in ay bixinayso fursad deeq waxbarasho oo tababarka farsamada gacanta ah, kaas oo lagu bixin doono dugsiga Farsamada Gacanta Hargeisa.
Waxbarashadan oo ah mid toos ah, taas oo qaadan doonta muddo afar sanno ah oo ka kooban afar heer. Heer walba oo ka mid ahi wuxuu bixi doonaa muddo hal sanno ah, kaas oo ka bixi doona dugsiga iyo suuqa shaqada, iyada oo la isticmaalayo hababka casriga ah ee waxbarashada farsamada gacanta (context adopted dual VET and action-oriented competency-based approach).
Xirfadaha la baranayo:
1. Beeraha (Agriculture – Plant and Animal Production); 30 arday
2. Makaanikada baabuurta (Automotive – Car Mechanics); 30 arday
3. Dhismaha (Construction – Architecture and Interior design); 30 arday
Shuruudaha Tababarka
Tababarkan waxa xaq u leh oo kaliya dhalinyarada reer Somaliland ee buuxiyay shuruudahan hoos kuqoran;
1. Waa in uu yahay muwaaddin u dhashay Somaliland, kaas oo da’diisu u dhaxayso 14 ilaa 22 sanno jir.
2. Waa in uu sitaa shahaadada dugsiga hoose/dhexe taas oo ka soo baxday xafiiska imtixaanaadka qaranka JSL
3. Waa in aanu waxbarasho kale amma shaqo ku jirin, kana go’an tahay dhammaystirka tababarkan
4. Waa in uu buuxiyo codsiga tababarka soona gudbiyo koobiga shahaadadiisa.
5. Laba sawir oo kur ah.
6. Waxa la siinayaa tixgalin gaara dadka barakacayaasha iyo qorxoontiga ah ee buuxiyay shuruudaha kor ku xusan.
Waxa si wayn loogu dhiirigalinayaa fursadan waxbarasho gabadhaha. Sidaa darteed waxa lagu dhiirigelinayaa habluhu in ay soo codsadaan tababarkan kala duwan, iyaga oo loogu talo galay qoondo dhan boqolkiiba 35% halka boqolkiiba toban (10%) loogu talo galay barakacayaasha iyo qoxoontiga xirfad walba.
Haddaba, isqoristu waxay ka socotaa dugsiga Farsamada Gacanta Hargeisa ee ku yaala agagaarka warshada biibsiga (Pepsi). Dugsigu waxa uu dhanka waqooyi ka xigaa wasaarada gaadiidka gaar ahaan xafiiska liisamada.
Codsadayaasha tabobarkan waxa laga rabaa in ay soo gudbiyaan;
1. Codsi si dhamnaystiran loo buuxiyey, kaas oo aad ka heli doonto dugsiga Farsamada Gacanta Hargeisa.

2. Koobiga shahaadooyinka (Shahaadada Dugsiga Hoose/Dhexe).

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

Telegram: https://t.me/qaran_jobs

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so  

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/QaranJobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

………………………………………………………………………………………

error: Content is protected !!