10 Jagooyin Banaan (Hablo Dawaarle ah) – Mogadishu, Somalia

Soma Eco Pads And Uniforms

10 Jagooyin Banaan (Hablo Dawaarle ah) – Mogadishu, Somalia

Job Description

SOMA ECO PADS AND UNIFORMS

Jagooyin Banaan Hablo Dawaarle ah

Soma Eco Pads and Uniforms oo ah warshad cusub ee tolliinka dharka habka casriga oo u koraysa si xawli ah waxa ay shaqaalaynaysaa hablo aqoon iyo waayo aragnimo u leh toliinka dharka, howl kar ah, diyaarna ah.

Jagooyinka banaan: Hablo Dawaarle ah (10 jago)

Waajibaadka iyo Masuuliyadda shaqo

  1. Tarjumidda, xardhida iyo jarjaridda naqshadaha dharka
  2. Toliinka dharka
  3. Isticmaalka harqaanka overlock
  4. Feeraynta dharka la tolay
  5. Dhamaystirka iyo baceynta dharka la tolay
  6. Wixii shaqo kale oo lagaaga baahdo

Skills and Qualifications

  • Aqrinta iyo qorista afka Soomaaliga/Ingriiska ilaa heer bilow ah
  • Xisaabta iyo Cabirka heer bilow ah
  • In ay leedahay ugu yaraan 1 sano oo waayo aragtinimo harqaan tollis
  • In ay u shaqayn karto si xawli ah oo sax ah
  • Waa in ay ahaataa mid u dabacsan isbedelka, sahalna ula qabsan karta
  • Waa in ay ahaataa qof iswadi karta hal abuurna leh
  • Waa in ay ah ahaataa qof hufan oo la xisaabtan leh
  • Waa in ay ahaataa Qof xogo badan leh
  • Waa in ay ahaataa Qof fikir leh
  • Waan in ay ahaataa qof ku shaqayn karta muddo la qabtay oo go’an iyo gaarista yoolka la higsanayo

How to apply

Haddii aad tahay qof kulansaday inta kor lagu soo sheegay fadlan noo soo dir CV Email:HR@somapads.com ama naga soo wac Telefoonk

+252612208279. Codsiga shaqada waxa uu xirmayaa 18 July 2022.

Dadka ay ka go’an tahay in shaqadaa buuxiyaan ayaa soo codsan karo

Hablaha ka soo jeeda barakacayaasha, qaxootiga iyo qaxootiga dalka dib ugu soo noqday ayaa aad loogu baraarujinayaa in ay soo codsadaan.

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

Telegram: https://t.me/qaran_jobs

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/QaranJobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs

………………………………………………………………………………………

To apply for this job email your details to HR@somapads.com

error: Content is protected !!