Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Bare Jaamacadeed (1 Qof) takhasuska Accounting – Badhan – Puntland
Horudhac:
Waxbarashada Sare ee wadanka waxay soo bilaabatay xilligii daakhilayadii Talyaaniga, iyadoo u qaabeysan hab Dugsi Sare, oo ay la socdeen tababaro xirfadeed.
1950kii ayaa maamulkii xil-gaarsiinta ahaa (Transition-Afis),wuxuu furay Machadkii Siyaasadda iyo maamulka.
Balse, waxbarasho sare oo tayo leh, waxay si rasmi ah uga bilaabatay wadanka sanadkii 1954-kii, ka dib markii maamulkii xil-gaarsiinta ahaa uu furay machadka Sharciga, Dhaqaalaha, iyo Cilmiga Bulshada, machadkana wuxuu toos u hoos tagayay Jaamacadaha ROMA iyo Padova, kuwaas oo u qaabilsanaa haqabtirka dhammaan agabka tacliimeed, Barayaasha iyo maamulkaba.
Sanadkii 1964-kii machadkani wuxuu bixinayay labo sano oo daraasad ah, oo lagu qaadanayay gudaha dalka, halka dhammeystirka labada sano ee kale lagu qaadanayay wadanka talyaaniga.
1-dii Diseembar 1969-kii, waxaa machadkii loo badalay labo kulliyadood oo kala ahaa: Kulliyadda Sharciga iyo Kulliyadda Dhaqaalaha ee JUS.
1971-kii waxaa iyagana la furay kulliyadihii Beeraha iyo Kiimikada, waxaana ku xigay furitaankii Kulliyadda waxbarashada oo la furay 1972-kii.
1973-kii waxaa la furay kulliyaddaha Caafimaadka, Jiyoolijadda, Xanaaanada & Daawada Xoolaha iyo Injineeriyadda.
Ugu dambeyn Jaamacadda Ummadda, waxaa saameeyey burburkii wadanka ka dhacay 1991.
waxaana Golaha Sare ee JUS ay go’aamiyeen in jaamacadda dib loo furo 16/8/2014.
Jaamacadda Ummadda , Waxay hadda bixisaa 12 kulliyadood, waxaana dhigata arday ka badan 4,500 arday. Waxayna ku shaqaysaa 5 xarumood oo ku kala yaal gobolada Benaadir, Galmudug iyo Puntland.
Booska : Bare
Nooca Shaqada: Shaqo Joogto ah (Full-Time lecturer)
Xarunta Shaqada: Badhan- Puntland
Tirada Barayaasha: 1 qof
Mushaarka: xuquuqda baraha waxaa lagu bixin doonaa nidaamka mushaar bixinta ee JUS.
Aqoonta, xirfadda Iyo Dukumintisyada looga baahan yahay codsadaha:
- Waa inuu ka heystaa shahaadada heerka 1aad iyo 2aad, takhasuska Accounting
- Waa in ugu yaraan celceliskiisu noqdaa darajada (B+)
- Waa Inuu leeyahay ugu yaraan 3 Sano oo xirfad iyo khibrad wax dhigid ah, oo ku aadan maadooyinka kor ku xusan
- Waa in uu sameeyey cilmi baarisyo la xiriirta takhasuskiisa.
Dhammaan Daneeyayaasha booskan waxay
- Sooyaalkooda nololeed (Cv),
- Codsi shaqo(Application letter)
- Shahaadooyinka waxbarasho iyo
- Transcripts
ku soo hagaajin karaan Emailka xafiiska shaqada iyo shaqaalaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed hr@snu.edu.so.
F.G : Araaji qabashada waxay ku ektahay 1- Oct-2022.
………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
Telegram: https://t.me/qaran_jobs
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group 1: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Facebook Group 2: https://www.facebook.com/groups/qaranjobs
Facebook Group 3: https://www.facebook.com/groups/shaqo
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/qaran_jobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs
Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs
………………………………………………………………………………………
To apply for this job email your details to hr@snu.edu.so
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs