Galmudug State Of Somalia
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Galmudug (7 Fursadood)
WASAARADDA ARRIMHA GUDAHA FEDERAALKA IYO DIB-U-HESHIISIINTA DAWLAD GOBOLEEDKA GALMUDUG
UJEEDO: SHAQOOYIN KA BANNAAN GUDDIGA MADXABANNAAN EE DOORASHOOYINKA GALMUDUG.
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Galmudug (GMDG) waa guddi dastuuri ah loo dhisay hirgelinta doorashooyinka hannaanka xisbiyada badan iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee heer dawlad goboleed.
Waajibaadka loo abuuray GMDG waxaa kamid ah:
Guddiga Dorashooyinka Galmudug waxa ay awood buuxda u leeyihiin:
- Maamulka, isku dubaridka, abaabulka, qabashada doorashooyinka golayaasha Deegaanka, golaha Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxweynaha ee Maamulka Dawlad Gobaleedka Galmudug iyo wixii kale ee uu sharcigu siinayo.
- Diyaarinta Qorshaha guud ee heerarka kala duwan ee Doorashooyinka Dawlada Gobaleedka Galmudug.
- Maamulida iyo qorsheynta miisaaniyada Doorashooyinka.
- Wacyi-gelinta dadweynaha ee arrimaha ku saabsan xaqa dastuuriga ah ee Qofka in la doorto ama uu wax doorto.
- Magaacibidda iyo shaqo ka eryida howl-wadeenada doorashada ee Degmooyinka iyo Gobalada.
- Xaqiijinta amniga goobaha doorashada iyo hawl-wadeenadaba.
- Cayimida waqtiga doorashada.
- Diiwaan gelinta Xisbiyadda siyaasada.
- Dhammaan hawlaha la xiriira doorashooyinka sida diiwaan-gelinta codbixiyaasha
- Dajinta xeerarka Nidaaminaya anshax-marinta iyo korjoog-teynta xisbiyada siyaasadeed
- Soo saarida habraacyada iyo xeerarka lagama maarmaanka ah sida kan codbixiye-yaasha, musharraxiinta, xarumaha codbixiye-yaasha iyo habraacyada cod-tirinta.
- Guddigu waxa uu u bandhigayaa dadweynaha magacyada musharraxiinta doorashada, warqadaha doorashada, natiijada kama danbeysta ah ee doorshada iyo arrin kasta oo muhim u ah in ay dadweynaha lala socodsiiyo.
- Xallinta khilaafyada ka yimaada doorashada.Guddigu waxa uu soo saarayaa qoraallo iyo wacyi galin dadweyne. İyo wixii kale ee sharcigau u ogol yahay
Jagooyinka bannaan
Xubnaha (7) Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Galmudug (GMDG)
Shuruudaha kamid noqoshada Guddiga GMDG
- In uu yahay Muwaadin Somaaliyed, reer Galmudug ah, da’diisuna ka weyn-tahay 25 sano
- In uu leeyahay aqoon heer Jaamacadeed
- In uu leeyahay khibrad shaqo ugu yaraan 5 sano ah
- In uusan/aysan xubin ka ahayn ururro Siyaasadeed iyo kuwo Bulsho
- In uusan/aysan kamid ahayn Shaqaalaha Dawladda Federalka ama Galmudug.
- In lagu yaqaanno anshax wanaagsan iyo dhaqan suuban bulshadadhexdeeda.
- In aysan Maxakamadi danbi ku xukumin 5tii sano ee ugu dambeysay
- In uu Maskaxiyan uu fiyow-yahay shaqadana gudan karo.
Habka loo soo codsanayo:
- Qofkasta oo danaynaya xubinnimada GMDG waa in uu usoo diraa nuqul CV giisa ah iyo warqad codsi oo lagu soo hagaajiyo emailto:hr.moifar.gms@gmail.com adigoo CC ama coppy siinaya emailka: dg@moifar.gm.so
- lamnana aqbalidoono codsi aan email kaas lagusoo hagaajin.
- Qabashada codsiyadu waxay ku egtahay maalinta 06/10/2022 saacadu markay tahay 5pm.
- Codsigii waqtigaas dib uga dhaco lama tixgalindoono.
- Wixii faahfaahin dheeraad ah oo aad u baahato la xiriir Agaasimaha Guudd ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Mudane: Omar Abdi Mohamed.
Email: dg@moifar.gm.so
Ama Mohamed Awil: awilbahat@gmail.com
………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
Telegram: https://t.me/qaran_jobs
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group 1: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Facebook Group 2: https://www.facebook.com/groups/qaranjobs
Facebook Group 3: https://www.facebook.com/groups/shaqo
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/qaran_jobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs
Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs
………………………………………………………………………………………
To apply for this job email your details to hr.moifar.gms@gmail.com
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs