Bilan Techno and Electronics
Branch Manager, Sales person and General Accountant (3 Positions) – Hargeisa, Somaliland
Shaqooyinka;
Bilan Techno and Electronics, waa meherad iibisa agab kala duwan oo ay ka midka yihiin Computers, Printers, iyo agabka Electronics-ka.
Bilan Techno waxay bulshada usoo bandhigaysaa fursadaha shaqooyinkan;
- Branch Manager (Maamule Laan),
- Sales person (I.T.)- (iibiye agabka Computers-ka),
- General Accountant (Xisaabiye Guud)
Skills and Qualifications
Hadaba Shuruudaha looga baahanyahay tartamayaashu waa;
- Branch Manager (Maamule Laan);
- Waa inuu yeeshaa Khibrad shaqo iyo mid Maamul iskugu jirta oo gaaraysa ilaa 5 sanno,
- Waa inuu kasoo shaqeeyay qaybo ka mid ah agabka ay meheradu iibinayso ee kor kuxusan,
- Waa inuu yahay qof daggan, soo dhawayn leh, hab-dhaqan wanaagsanna ku suntan,
- Sales person (I.T.);
- Waa in uu leeyahay Khibrad shaqo oonan ka yarayn 2 Sanno, oo la xidhiidha iibinta agabka Kombuyuutarada iyo guud ahaanba I.T.-ga,
- Waa in uu yaqaanaa isticmaalka iyo xidh-xidhidda asaasiga ah ee Kombuyuutarada iyo Printerrada,
- Waa in uu leeyahay xirfadda iibka iyo soo dhawaynta macmiilka,
- Xisaabiye Guud;
- Waa in uu leeyahay khibrad 5 Sanno oo Xisaabiye-nimo,
- Waa in uu soo maamulay waax – xisaabeed,
- Waa in uu diyaarin karaa warbixinnada waaxda xisaabaadka (Financial Reports),
- Waa in uu yaqaanaa maaraynta keydka agabka meherada,
Qaabka Loo Codsanayo:
Haddaba hadii aad xiisaynayso shaqooyinkaa mid ka mid ah, waxaad codsigaaga shaqada (C.V), kusoo dirtaa email-kan; bilantechno@gmail.com inta ka horeysa 5-ta November, 2022.

QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
Telegram: https://t.me/qaran_jobs
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group 1: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Facebook Group 2: https://www.facebook.com/groups/qaranjobs
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/qaran_jobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs
Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs
To apply for this job email your details to bilantechno@gmail.com
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs