Accountant (3 Boos) – Muqdisho, Soomaaliya

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Accountant (3 Boos) – Muqdisho, Soomaaliya

Horudhac:

Waxbarashada Sare ee wadanka waxay soo bilaabatay xilligii daakhilayadii Talyaaniga, iyadoo u qaabeysan hab Dugsi Sare, oo ay la socdeen tababaro xirfadeed.

1950kii ayaa maamulkii xil-gaarsiinta ahaa (Transition-Afis),wuxuu furay Machadkii Siyaasadda iyo maamulka.

Balse, waxbarasho sare oo tayo leh, waxay si rasmi ah uga bilaabatay wadanka sanadkii 1954-kii, ka dib markii maamulkii xil-gaarsiinta ahaa uu furay machadka Sharciga, Dhaqaalaha, iyo Cilmiga Bulshada, machadkana wuxuu toos u hoos tagayay Jaamacadaha ROMA iyo Padova, kuwaas oo u qaabilsanaa haqabtirka dhammaan agabka tacliimeed, Barayaasha iyo maamulkaba.

Sanadkii 1964-kii machadkani wuxuu bixinayay labo sano oo daraasad ah, oo lagu qaadanayay gudaha dalka, halka dhammeystirka labada sano ee kale lagu qaadanayay wadanka talyaaniga.

1-dii Diseembar 1969-kii, waxaa machadkii loo badalay labo kulliyadood oo kala ahaa: Kulliyadda Sharciga iyo Kulliyadda Dhaqaalaha ee JUS.

1971-kii waxaa iyagana la furay kulliyadihii Beeraha iyo Kiimikada, waxaana ku xigay furitaankii Kulliyadda waxbarashada oo la furay 1972-kii.

1973-kii waxaa la furay kulliyaddaha Caafimaadka, Jiyoolijadda, Xanaaanada & Daawada Xoolaha iyo Injineeriyadda.

Ugu dambeyn Jaamacadda Ummadda, waxaa saameeyey burburkii wadanka ka dhacay 1991.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraca Muqdisho waxaaka banaan fursad Shaqo.

❖ Jagada Shaqada Banaan : Accountant
❖ Goobta Shaqada: Muqdisho  
❖ Tirada: 3 qof
❖ Nooca Shaqada: Shaqo Joogto ah (full time)
❖ Heerka Mushaarka : Grade A

Aqoonta Iyo xirfadda looga baahan yahay qofka:

1. Waa in Darajada heerka 1aad ama 2aad ee Jaamacadda kusameeyey takhasuska “Accounting ”.
2. Waa in ugu yaraan Celceliska dhibcihiisa noqdaa Darajada(B+).
3. Waa In uu yahay qof ugu yaraan 2 Sano ku soo shaqeeyeymaamulka Xisaabaadka.
4. Waa In uu aqoon iyo xirfad u leeyahay isticmaalkabarnaamijyada kumbiyuutarka.
5. Waa In uu si fiican u yaqaanaa, isla markaana uu kushaqayn karo barnaamjiyada “accounting packages”.

Qaabka Loo Codsanayo:

Dhammaan Daneeyayaasha waxay Sooyaalkooda nololeed, codsiga shaqo iyo Dukumintisyadooda waxbarasho ku soohagaajin karaan Emailka xafiiska Shaqada & ShaqaalahaJaamacadda Ummadda Soomaaliyeed hr@snu.edu.so.

F.G :  Araaji qabashada waxay ku ektahay 10– Nov-2022.

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

Telegram: https://t.me/qaran_jobs

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so

Facebook Group 1: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Facebook Group 2: https://www.facebook.com/groups/qaranjobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/qaran_jobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs

To apply for this job email your details to hr@snu.edu.so

error: Content is protected !!