Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Fursado Shaqo: Bareyaal/Macalimiin (13 Qof)
Shaqo Banaan: Bareyaal/Macalimiin (13 Qof)
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaa dib loo furey 16/8/2014. Jaamacaddu Waxay hadda bixisaa 13 kulliyadood, waxaana dhigata arday ka badan 9,000 arday. Waxayna ku shaqaysaa 5 xarumood oo ku kala yaal gobolada Benaadir, Galmudug iyo Puntland.
Jaamacaddu waxay hadda raadinaysaa aqoon-yahano buuxiyo 13 boos oo ka banaan kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, kuwaas oo ku kala yaal gobolada Benaadir, Galmudug iyo Puntland.
Aqoon-yahan kasta oo buuxiya shuruudaha hoos ku xusan waxaa u furan hal fursad uu ku dalban karo boosaska banaan.
Boosaska: Bareyaal Cusub
Nooca Shaqada: Bare Joogto ah (Full-Time lecturer)
Xarumaha Shaqada:
- Muqdisho: 8 Bare
- Galmudug: 1 Bare
- Puntland: 4 Bare
Kulliyadaha ay fursadaha ka jiraan:
- Kulliyadda Dhaqaalaha & Maamulka-Waaxda Economics: 1 Qof (Puntland)
- Kulliyadda Injineeriya-Waaxda Mechanical Engineering: 2 Qof (Muqdisho)
- Kulliyadda Beeraha-Waaxda Plant Protection: 2 Qof (Muqdisho)
- Kulliyadda Culuumta Sixada-Waaxda Nursing : 1 Qof (Muqdisho)
- Kulliyadda Culuumta Sixada-Waaxda Nursing : 1 Qof (Puntland)
- Kulliyadda Sayniska-Waaxda Computer Science: 1 Qof (Puntland)
- Kulliyadda Sayniska-Waaxda Computer Science: 1 Qof (Galmudug)
- Kulliyadda Luqadaha-Waaxda English: 3 Qof (Muqdisho)
- Kulliyadda Luqadaha- Waaxda English: 1 Qof (Puntland)
Mushaarka:
- Xuquuqda bareyaasha loo qaadanayo Xarunta dhexe ee Muqdisho waxaa lagu bixin doonaa nidaamka mushaar bixinta ee JUS.
- Bareyaasha loo qaadanayo faracyada Jaamacadda ee Galmudug & Puntland waxay heli doonaan Gunno deegaan, taas oo ka baxsan Mushaarka rasmiga ah.
Aqoonta, Xirfadda Iyo Dukumintiyada looga baahan yahay codsadaha:
- Waa inuu Ugu yaraan ka heystaa Shahaadada heerka 1aad iyo 2aad, takhasuska uu codsanaayo
- Waa in ugu yaraan celceliskiisu noqdaa darajada (B)
- Waa Inuu leeyahay ugu yaraan 3 Sano oo xirfad iyo khibrad wax dhigid ah, oo ku aadan Maadooyinka takhasuska uu codsanaayo.
Dhammaan Daneeyayaasha fursadahaan ka banaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Waxay gujin karaan linkiga hoose.
Fiiro Gaar ah:
- Codsade kasta wuxuu dalban karaa kaliya hal fursad.
- Fursadaan waxay ku ektahay 20-Febraayo-2024.
Qaabka Loo Codsanayo:
Codso adiga oo buuxinaya Foomkaan : Foomka Codsiga Shaqo
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs





