JAGADA: XOGHAYE (XAFIISKA KOMISHANKA EE HEER DEGMO)

  • Somaliland
  • Applications have closed

KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA - SOMALILAND

JAGADA: XOGHAYE (XAFIISKA KOMISHANKA EE HEER DEGMO)

Jagadan qofka loo rabo waa:
 In uu masuul ka noqdo maamulka xafiiska doorashada ee degmada
 In uu hubiyo in habraacyada maaliyadeed si wanaagsan loo raacay
 In uu diyaaro xisaabxidhka bil-laha ah isla markaana u gudbiyo xarunta dhexe xilliga loo
asteeyay
 In uu si dhaw ula shaqeeyo agaasimaha xisaabaadka ee KDQ si loo hubiyo waqtiga ugu fiican ee
la heli karo lacagaha doorashooyinka ee heer gobol.
 In uu masuul ka noqdo lacagaha yaryar (petty cash) ee xafiiska loo isticmaalo
 In uu dejiyo isla markaana hayo alaabta loo baahan yahay ee ah qalabyada, agabka la isticmaalo
iyo sahayda.
 In uu guto waajibaadka iyo masuuliyadaha uu farayo xeerka doorashooyinka (Xeer Lr. 20/2001)
 In uu guto wixii hawlo shaqo ee la xidhiidha shaqooyinka sare ee uu igmado guddoomiyaha
doorashada ee degmadu.
 In uu guto wixii hawlo shaqo ee ay u igmadaan guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

Shahaadada iyo Khibrada laga rabo:
 In uu haysto shahaado diblooma ah ama dhamaystay dugsiga sare
 In uu leeyahay khibrad shaqo
 In uu leeyahay khibrad maamul oo adag
 In uu awood u leeyahay in uu la tacaalo culeysyada waqti iyo shaqo
 In uu leeyahay khibrad aqooneed ku saabsan xidhiidhka iyo qorista warbiximaha (report writing)
 In uu aqoon fiican u leeyahay luqada Ingiriisiga
 Inuu aqoon fiican u leeyahay Kumbuyuutarka kuna shaqaynkaro dhamaan culuumta
kombuyuutarka ee shaqada la xidhiidha.
 In uu awood u leeyahay in uu qori karo hadal-qoraallada shirarka iyo kulamada.
 Waa in aanuu ahayn shaqaale dawladeed ama xubin firfircoon oo ka tirsan axsaabta siyaasadeed.

QAABKA LOO CODSANAYO:

Dhamman codsadayaasha shaqadan waa in aay codsiyadooda oo ka kooban:-
CV & Cover letter – ku soo diraan E-mail-kan (slnechumanr@gmail.com).
Qaybta subject – Emailka waa in codsade kasta ku soo qoraa – Shaqada iyo Gobolka/Degmada uu codsanaayo.
Wakhtiga ugu danbeeya ee la soo gudbin karo codsiyadu waa: 3da September 2020 – Dhamman codsiyada ka habsaama wakhtigaas lama aqbali doono.
KDQ wuxu la soo xidhiidhi doona oo kaliya codsadayaasha ku soo baxa – liistada gaaban (short list).
error: Content is protected !!