KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA - SOMALILAND
JAGADA: GUDDOOMIYE XIGEEN (XAFIISKA KOMISHANKA EE HEER GOBOL)
Jagadan qofka loo rabo waa:
In uu ka caawiyo guddoomiyaha hubinta in xafiiska doorashooyinku u shaqaynayo si habsami ah
isla markaana dhamaan hawlaha la gutay xilligii u asteysnaa.
In uu ka caawiyo guddoomiyaha fulinta hawl-maalmeedka shaqo ee xafiiska doorashooyinka
gobolka
In uu wadashaqeyn dhow la yeesho xafiisyada doorashooyinka heer degmo
In uu ka qeyb-qaato qiimeynta xaaladda goobaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta
In uu guto wixii hawlo shaqo ee la xidhiidha shaqooyinka sare ee uu igmado guddoomiyaha
doorashada ee gobolku.
In uu guto wixii hawlo shaqo ee ay u igmadaan guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranku.
Shahaadada iyo Khibrada laga rabo:
In uu haysto shahaado heerka koowaad ee jaamacadeed ama diblooma la xidhiidha maamulka iyo
maareynta ama wax u dhigma
In uu leeyahay ugu yaraan khibrad 2 sanno ah oo la xidhiidha maamulka iyo maareynta
In uu awood u leeyahay in uu la tacaalo culeysyada waqti iyo shaqo
In uu leeyahay khibrad aqooneed ku saabsan xidhiidhka iyo qorista warbiximaha (report writing)
In uu aqoon fiican u leeyahay luqada Ingiriisiga
Inuu aqoon fiican u leeyahay Kumbuyuutarka kuna shaqaynkaro dhamaan culuumta
kombuyuutarka ee shaqada la xidhiidha.
In uu awood u leeyahay in uu qori karo hadal-qoraallada shirarka iyo kulamada.
Waa in aanuu ahayn shaqaale dawladeed ama xubin firfircoon oo ka tirsan axsaabta siyaasadeed.
QAABKA LOO CODSANAYO:
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs