Matooriste (Plant Operator) – Carmo

Golis Telecom Somalia

Matooriste (Plant Operator) – Carmo

 

Magaca booska Matooriste (Plant Operator) Xarunta CARMO
La dhejiyay 04th /10/2020 Ugudanbayn 17th /10/2020
Tirada boosaska 1 (Hal boos)
Fiiro gaar ah: Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha xarunta Carmo. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto.

 

Shuruudaha

Shirkada Golis Telecom waxay raadinaysaa hal qof oo ah Matooriste Xarunta carmo. Qofka aanu raadinayno waa mid ku sifoobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad fiican.

Shuruudaha laga doonayo waa sidan:

  1. Waa inuu haystaa Shahaado dugsi Sare.
  2. Waa inuu aqoon fiican u leeyahay matoorada.
  3. Waa inuu aqoon u leeyahay korontada.
  4. Waa inuusan lahayn wax jirooyin ah ama dhaawac ka muuqda oo

Hadhaw caqabad ku noqda shaqadiisa.

  1. Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xiliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo kamid ah xarumaha.
  1. Waa in uu san haba yaraatee lahayn wax balwad ah.
  2. Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata.

 

                                                                     Waaxda Shaqada & Shaqaalaha

 

ISHA SHAQADA

error: Content is protected !!