Collector (Lacag Aruuriye) – Xarunta Xarfo

Golis Telecom Somalia

Collector (Lacag Aruuriye) – Xarunta Xarfo

Magaca booska Lacag aruuriye (Collector) Xarunta Xarfo
La dhejiyay 2/10/2020 Ugudanbayn 15-10-2020
Tirada boosaska 1 (Hal boos)

 

Fiiro gaar ah: Dhammaan cidii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay
keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa
lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo
cadaymaha maamulka Golis XARFO. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo,
sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah(Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa
waraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto.
Shirkadda isgaarsiinta Golis waxay raadinaysaa Hal qof oo ah lacag aruuriye oo
looga baahan yahay xarunta Golis ee XARFO.

 

Shuruudaha laga doonayo waa sidan:
1. Waa inuu haystaa ugu yaraan shahaado jaamacadeed.
2. waa inuu ku fiican yahay maamulka iyo xisaabaadka.
3. Waa in uu si fiican u yaqaanaa adeegsiga computer-ka.
4. Waa in uusan haba yaraatee lahayn wax balwad ah.
5. Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata.
6. Waa inuu sumcad fiican ku leeyahay bulshada dhexdeeda.
7. Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xiliyo kala duwan iyo meelo kala
duwan oo ka mid ah xarumaha Golis.

ISHA SHAQADA

error: Content is protected !!