Golis Telecom Somalia
Matooriste (Plant Operator) – Bacaadweyn
| Magaca booska | Matooriste (Plant Operator) | Xarunta | BACAADWAYN | ||
| La dhejiyay | 04th /10/2020 | Ugudanbayn | 17th /10/2020 | ||
| Tirada boosaska | 1 (Hal boos) | ||||
| Fiiro gaar ah: | Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha xarunta Bacaadwayn. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataa waraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto. | ||||
Shuruudaha
Shirkada Golis Telecom waxay raadinaysaa hal qof oo ah Matooriste Xarunta Bacaadwayn. Qofka aanu raadinayno waa mid ku sifoobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad fiican.
Shuruudaha laga doonayo waa sidan:
- Waa inuu haystaa Shahaado dugsi Sare.
- Waa inuu aqoon fiican u leeyahay matoorada.
- Waa inuu aqoon u leeyahay korontada.
- Waa inuusan lahayn wax jirooyin ah ama dhaawac ka muuqda oo
Hadhaw caqabad ku noqda shaqadiisa.
- Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xiliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo kamid ah xarumaha.
- Waa in uu san haba yaraatee lahayn wax balwad ah.
- Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata.
Waaxda Shaqada & Shaqaalaha
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs