Baahin Deeq Waxbarasho: Pharo Vocational Training center( Tirada ardayda laqaadanayaa waa 25 arday oo kaliya ) Hargeisa, Somaliland

Pharo Foundation

Baahin Deeq Waxbarasho: Pharo Vocational Training center( Tirada ardayda laqaadanayaa waa 25 arday oo kaliya ) Hargeisa, Somaliland

Baahin Deeq Waxbarasho: Pharo Vocational Training center( Tirada ardayda laqaadanayaa waa 25 arday oo kaliya ) Hargeisa, Somaliland.

Xarunta Tababarka farsamadda Gacanta ee Pharo Vocational Training center Hargaisa oo kaashanaysa wasaaradda waxbarshadda iyo sayniska waxay bixinaysaa deeq waxbarasho oo heerka koowaad ee ranjiga iyo qurxinta (Painting and decoration) ah, deeqadan waxbarasho waxa loogu talogalay dhalinyarta degan Hargeysa.
Hadaba ardayda la qaadanayaa waa inay buuxiyaanshuruudahan hoos ku xusan dhamaantood.

1. Waa Inuu dhammaystay ama dhexda kaga tagay waxbarashada dugsiga sare ama hoose dhexe.
2. Ama inuu leeyahay aqoon udhiganta dugsi hoose dhexe isla markaana heerkiisa akhris, faham iyo qoraal ee maadooyinka soomaaliga, englishka iyo xisaabtu aad u wanaagsan yahay.
3. Waa Inuu yahay muwaadin udhashay Somaliland deganna magalaada hargaysa.
4. Waa Inaanu wax shaqo ah hada gacanta ku hayn oo uu labada galinba iman karo xarunta tababarka.
5. Waa Inuu yahay qof xiisaynaya kana go,an tahay barashada xirfada ranjiyaynta iyo qurxintu ( painting and decoration) oo uu dhamaysanayo mudada uu tababarkani soconayo oo ah 8 bilood .
6. Waa Inuu Jecelyahay inuu heer fiican ka gaadho xirfada ranjiyaynta iyo qurxinta dhismayaasha ama guryaha (Painting and decoration).
7. Waa Inuunu lahayn wax balwada oo waxbarashada ka mashquulinaysa.
8. Waa Inay da,adiisu u dhexayso 18jir ilaa 35 jir.
9. Dhaaman codsadayasha deeqdan waxbarasho waxaa looga baahan yahay damiin balan qaadaya inuu dhamaysanayo muddada tobabarku soconayo oo lagala xisaabtamo.

Ardayga Waxaa looga baahan yahay:
1. Inuu haysto Shahaado Dugsi hoose dhexe ama dugsi sarreama waxbarasho udhiganta oo ah inuu aqoon uleeyahay maadooyinka soomaaliga, sixaabta, iyo Englishka
2. Laba sawir oo kura.  
3. Kaadhka dhalashada( Somaliland National ID)
4. Warqad codsi
Muddada iyo saacadaha waxbarashada
1. Waa 8 Bilood oo ay kujirto mudada shaqo carbintu
2. Saacadaha wax dhigashadu waa (8:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo)
3. Maalmaha 6 cisho Todobaadkii.

Tilmaanta Xarunta;-
Kusoo hagaaji arjigaaga codsiga xarunta Pharo vocational training center oo kutaala bariga hotelka dhoolayare ama xaruntii hore ee shirkadii daabacada ee ASAL JET ama siijeedka haldoor hospital kahor 20th August 2021. 

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

Telegram: https://t.me/qaran_jobs

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so  

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/QaranJobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

………………………………………………………………………………………

error: Content is protected !!