Dowladda Hoose ee Degmada Jariiban
BAAHIN QANDARAAS – DOWLADA HOOSE EE DEGMADA JARIIBAN
XAFIISKA MADAXA IIBKA DEGMADA
REF:XIDJ/040/2021 20/09/2021
Ujeedo: Baahin Qandaraas
Dowlada hoose ee degmada Jariiban waxay ay ka heshay mashruuca maalgalinta Qaramada Midoobay ee JPLG, waxayna doonayaan inay u isticmaalaan mashaariicda hoos kuqoran.
- Procurement and installation of solar street lights in Jariiban.
- Extension of two class rooms for Garacad School
- Rehabilitation of Balibusle fencing wall
- Rehabilitation and extension of Salax MCH
Sidaas darted waxay dowlada hoose ee Degmada Jariiban naadinaysaa shirkado qandaraaslayaal oo ku haboon in ay qabtaan qandaraasyada kor ku xusan.
Qoraalka qandaraasyada waxaa laga helayaa xafiiska waaxda iibka (Procurement office) ee Degmada Jariiban laga bilaabo Taariikh 20/09/2021 illaa iyo 04/10/2021. Tartamuhu waa inuu warqadihiisa oo dhamaystiran kusoo xareeyaa xafiiska waaxda iibka Dowlada Hoose ee Degmada Jariiban asaga oo kusoo xiraya buqshad afka ka xiran.
Qiimaha waraaqaha qandaraasku waa $20 (labaatan dollar kaliya) qandaraaskiiba, tartamaha waxaa lasiinayaa warqadda lacag bixinta (Receipt) taas oo laga doonayo inuu kusoo xiro qandaraaska marka uu soo xaraynayo. Qandaraaska waxaa lagu furayaa hoolka Dowlada Hoose ee Degmada Jariiban taariikhdu markay tahay 05/10/2021, saacaduna tahay 10:30am subaxnimo.
Sharuudaha qandaraaslaha laga doonayo:
1. Qandaraasluhu waa inuu tagaa goobta shaqada laga fulinayo isagoo soo saxiisaya waraaqaha sahanka qoobta.
2. Qandaraasluhu waa inuu wataa warqada lacag bixinta waraaqaha qandaraaska ee $20 ah.
3. Qandaraasluhu waa in uu haystaa warqada Registration ka degmada oo laga qaadanayo xafiiska duqa degmada.
4. Qandaraasluhu waa in uu document ga kusoo daraa diiwaangalinta iyo cadeymaha muujinaya in uu ka diiwaan gashanyahay kana canshuuranyahay.
a. Wasaarada Howlaha Guud.
b. Gudiga Qandaraas bixinta
c. Wasaarada Ganacsiga iyo
d. Waxqada cadaynta canshuur bixinta ee wasaarada maaliyada Shahaadada (tax clearance).
5. Qandaraasluhu waa inuu kusoo daraa shahaadooyinka shaqo dhamaystireed ee laxiriira qandaraaska sadexdii sanoo u danbeesay.
6. Qandaraasluhu waa in uu kusoo daraa documents kiisa
a. Shahaadooyinka engineeradiisa iyo CV gooda
b. Company profile.
7. Qandaraasluhu waa inuu si haboon umuujiyaa lacagta uu qandaraaska kusoo codsaday iyadoo tiro iyo qoraalba ah.
Wixii faahfaahin ah kala xiriir numberka waaxda iibka Degmada Jariiban: +252907757778
………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
Telegram: https://t.me/qaran_jobs
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/QaranJobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs
………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs
