
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka (MoFHRD)
Baahinta Codsiyada: Xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ)
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
GUDDIGA KMG AH EE XULISTA (GKX)
Ogeysiis Dadweyne
Baahinta Codsiyada:
Xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ)
Tixraac: TSP/NIHRC/PN/CFA/2025/001
Nooca: 1.0 – April 2025
Waqtiga kama dambaysta dirista codsiyada: 25 Maajo 2025, 11:59 fiidnimo (Waqtiga Muqdisho)
Cinwaanka Email-ka lagu soo gudbinayo: tsp.secretariat@mfhrd.gov.so
Bayaanka Xog-ilaalinta
Guddiga KMG ah ee Xulista (GKX) waxa uu si buuxda uga go’an ilaalinta xogtaada shaqsiga ah iyo tan xasaasiga. Dhammaan macluumaadka aad soo gudbiso iyada oo si taxaddar leh loo ilaalinayo waxaa loo adeegsanayaa oo keliya qiimaynta codsiyada, ilaalinta ka-qaybgal loo dhanyahay, iyo u hoggaansanaanta shuruudaha sharciga ah. Xogtan waxaa heli kara oo kaliya xubnaha Guddiga KMG ah ee Xulista, kuwaas oo dhammaantood ay xaddidayso waajibaad sharciyeed oo dhanka ilaalinta sirta ah.
Iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka isla xisaabtanka qaran, xogtii loo baahdo waxaa sidoo kale eegi kara hay’adaha madax-bannaan ee korjoogteeya ama bahwadaag sifo sharci ah loogu fasaxay, si loo hubiyo xaqsoornimada iyo daahfurnaanta hannaanka xulista. Xogtaada looma shaacin doono dadweynaha ama cid aan sharcigu u oggolayn, haddii aanad si cad oggolaansho ugu bixin ama aysan jirin sabab sharci ah oo lagu saleynayo.
Dhammaan diiwaannada codsiyada waxaa si ammaan ah u kaydinaya Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka (MoFHRD), iyadoo la waafajinayo siyaasadaha ilaalinta xogta qaranka iyo heerarka caalamiga ah. Wixii su’aalo ah ee ku saabsan sida xogtaada loo maareynayo, fadlan kala xiriir Xoghaynta Guddiga KMG ah ee Xulista: tsp.secretariat@mfhrd.gov.so
- Gogoldhig
Iyadoo la raacayo Qodobka 7aad ee Xeer Lr. 16 ee 27 Juun 2016 oo lagu aas-aasayo Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ee Soomaaliya, Guddiga KMG ah ee Xulista oo isla sharcigaas loogu igmaday soo xulista xubnaha GMXIQ, waxa uu si rasmi ah u soo saarayaa Ogeysiiskan Dadweyne ee Baahinta Codsiyada looga dalbanayo Murrashaxiinta buuxin kara shuruudaha xubinnimada GMXIQ.
Ogeysiiskan oo si ballaaran loogu baahiayay baraha warbaahinno kala duwan iyo mareegaha rasmiga ah ee dowladda, taas oo qeyb ka ah xaqiijinta hannaan furan, hufan, oo tartan ku saleysan. Mudada dalabka codsiyaduna waxay furnaan doontaa muddo soddon (30) maalmood ah laga bilaabo taariikhda la shaaciyay.
Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) waa hay’ad qaran oo madaxbannaan, lehna waajibaad dastuuri iyo mid sharciyad oo ay ku horumarinayso, ilaalinayso, kuna xaqiijinayso in xuquuqul insaanka laga ixtiraamo dhammaan gayiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddigan waxaa lagu aas-aasay Xeer Lr. 16 ee 27 Juun 2016, wuxuuna u shaqeeyaa si madaxbannaan, isagoo matalaya hab-maamul dhismeed muhiim ah oo horseeda xaqiijinta iyo ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadaha, si waafaqsan waajibaadka Soomaaliya ee shuruucda gudaha iyo heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, oo ay ka mid yihiin Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, heshiisyada xuquuqul insaanka QM kuwooda ugu muhiimsan, iyo Mabaa’diida Paris ee la xiriira Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee heer Qaran.
Ujeeddada Ogeysiiskan Baahinta Codsiyada waa in la soo xulo oo la magacaabo muwaadiniin Soomaaliyeed oo karti, madax-bannaani, iyo anshax sare leh, oo ay si qoto dheer uga go’an tahay mabadi’ida daacadnimada, takoor la’aanta, isla xisaabtanka, iyo dhexdhexaadnimada. Xubnaha la magacaabi doono waxay door hoggaamineed oo muhiim ah ka qaadan doonaan fulinta waajibaadka Guddiga, oo ay ka mid yihiin baarista xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka, la-talinta hay’adaha dowladda, kor u qaadista wacyigelinta xuquuqul insaanka, iyo ka-qaybgalka hannaanada qaran iyo caalami ee lagu horumarinayo laguna ilaalinayo xuquuqul insaanka.
Geeddi-socodka xulista waxaa loo fulin doonaa si waafaqsan heerarka ugu sarreeya ee daahfurnaanta, caddaaladda, iyo ka-qaybgalka, iyadoo la xaqiijinayo in fursadaha ay u siman yihiin dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u qalma. Waxaa si gaar ah loogu dhiirrigelinayaa haweenka, dadka naafada ah, iyo xubnaha ka tirsan beelaha laga tirada badan yahay ama la hayb-sooco in ay soo codsadaan.
Iyadoo laga tixraacayo baaqan dadweyne, Guddiga KMG ah ee Xulista waxa uu qirayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta karaamada aadanaha, sinnaanta, iyo caddaaladda, iyadoo xaqiijinaysa in GMXIQ lagu aasaaso hoggaamiyaal leh aragti fog oo ku suntan aqoontii, madaxbannaanidii, iyo dadaalkii ay uga qaybqaadan lahaayeen si mug leh horumarinta xuquuqul insaanka dhammaan dadka Soomaliya ku nool.
Aas-aaska hay’ad qaran oo nuucaan oo kale u xilsaaran xuquuqul insaanka (NHRI) waa mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee Qorshaha Kala-guurka ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya (2025–2026), kaas oo ujeeddadiisu tahay in laga guuro habraacyada kormeerka dibadda ah, loona gudbo hay’ado qaranku leeyahay oo dhiiragelinaya isla xisaabtanka, sinnaanta, iyo ilaalinta sharciga. GMXIQ waxa uu noqon doonaa hay’adda ugu sarreysa ee ka shaqeysa horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya, taas oo ka tarjumaysa ballanqaadyada dastuuriga ah iyo waajibaadka caalamiga ah ee ay saxiixday Soomaaliya.
- Guudmarka GMXIQ
Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa hay’ad qaran oo madax-bannaan oo leh sharciyad dastuuri iyo mid sharciyeed, waxaana lagu dhisay iyadoo lagu saleynayo Qodobbada 41aad iyo 111B ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Federaalka iyo Xeer Lr. 16 ee 27 Juun 2016. Guddigani waa hay’ad madax-bannaan oo u xilsaaran ilaalinta xuquuqul insaanka, lehna shakhsiyad sharciyeed oo dhammaystiran, taas oo u oggolaanaysa in ay gasho heshiisyo sharciyeed, hantina iibsato ama iibiso, isla markaana ka howlgalayso guud ahaan dalka Soomaaliya, iyadoo xarunteeduna tahay magaalada Muqdisho.
2.1. Waajibaadka iyo Hawlaha Guddiga
Guddiga NIHRC waxa uu leeyahay masuuliyadda ugu weyn ee ku saabsan horumarinta, ilaalinta, la socodka, iyo xaqiijinta xuquuqul insaanka iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee ka jira guud ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shaqada guddiga waxa lagu hoggaamiyaa iyadoo si buuxda loo waafajinayo Dastuurka Federaalka, Shareecada Islaamka, xeerarka qaran, iyo waajibaadyada caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee Soomaaliya ka saaran ilaalinta xuquuqul insaanka. Mabda’a shaqada guddiga waxa saldhig u ah madax-bannaani, daacadnimo, sinnaan, hufnaan, iyo isla xisaabtan, iyadoo sidoo kale lagu salaynayo Mabaa’diida Paris.
Waajibaadka iyo hawlaha Guddiga NIHRC waxaa ka mid ah:
- Horumarinta iyo dhiirrigelinta dhaqanka ku dhisan aqoonta iyo ixtiraamka qiyamka xuquuqul insaanka, iyadoo la waafajinayo Shareecada Islaamka, Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Federaalka, iyo heshiisyada xuquuqul insaanka ee Soomaaliya saxiixday.
- Xaqiijinta in dhammaan nidaamyada dowladda, oo ay ka mid yihiin hay’adaha siyaasadeed iyo sharci dejinta, ay la jaanqaadaan mabaadi’da xuquuqul insaanka ee ku xusan Dastuurka Federaalka iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay Soomaaliya oggolaatay.
- Booqashooyin ku samaynta xabsiyada iyo xarumaha lagu hayo maxaabiista la xukumay, kuwa lagu hayo xabsiyada intaan la xukumin, iyo xarumaha kale ee xarig sharci-darro ah lagu tuhunsan yahay, si loo qiimeeyo xaaladaha maxaabiista loogana soo jeediyo talooyin lagu wanaajinayo duruufahooda.
- Qaabilaadda cabashooyinka la xiriira xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo samaynta baadhitaanno arrimahaas ku saabsan, ha ahaato xadgudub ay geysteen hay’adaha dowladda (oo ay ku jiraan laamaha fulinta) ama kuwa gaar ah, si loogu soo saaro xalal iyo talooyin lagaga jawaabayo xadgudubyada la xaqiijiyay.
- Baarista xadgudubyada xuquuqul insaanka ee lagula kaco dadka nugul, oo ay ka mid yihiin haweenka, dadka naafada ah, dadka waayeelka ah, iyo carruurta, gaar ahaan kuwa si qasab ah loogu biiriyay ama xiriirka leh kooxaha hubeysan.
- Daraasado guud iyo la socodka xadgudubyada xuquuqul insaanka ee nidaamsan ama si baahsan loo geystay.
- Diyaarinta iyo gudbinta warbixino la xiriira arrimaha xuquuqul insaanka ee loo gudbiyo Baarlamaanka, hay’adaha xuquuqul insaanka ee heer gobol iyo heer caalami, iyo hay’adaha kale ee khuseeya, oo ay ku jiraan talooyin la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka haddii loo baahdo.
- Dhiirrigelinta iyo ku boorinta hay’adaha dowladda iyo ganacsatada gaarka ah in ay ixtiraamaan, ilaaliyaan, oo hirgeliyaan mabaadi’da aasaasiga ah ee xuquuqul insaanka.
2.2 Awoodaha Guddiga
Sida lagu qeexay Qodobka 6aad ee Xeer Lr. 16 ee 27 Juun 2016, Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (NIHRC) waxa uu leeyahay awoodaha soo socda:
- Dejinta xeer-hoosaadka, hab-raaca guddiga, iyo xeerka anshaxa ee hagaya waajibaadka iyo dhaqanka xubnaha guddiga.
- Yeeridda ama u yeerista qof ama hay’ad kasta oo guddigu u arko in loo baahan yahay si ay gacan uga geystaan gudashada waajibaadkiisa iyo hawlaha saaran.
- Dhegeysiga, xalinta, iyo ka shaqeynta cabashooyinka iyo arrimaha la xiriira xuquuqul insaanka iyadoo la adeegsanayo habab kala duwan oo u dhigma sida waanwaanta, dhexdhexaadinta, iyo wadahadalka.
- Codsashada iyo helitaanka xog kasta oo muhiim u ah gudashada waajibaadka guddiga, oo ay ku jiraan warbixino, qoraallo, dukumiintiyo, iyo agab kale oo la xiriira, oo laga heli karo shakhsiyaad, hay’ado, ama xafiisyada dowladda. Haddii helitaanka xogtaasi la xaddido, guddigu wuxuu xaq u leeyahay in uu maxkamad ka dalbado oggolaansho si uu u galo dhismayaal, hanti, ama goob kasta oo xogtaasi lagu hayo, si uu u helo caddaymo ama u sameeyo baaritaanno, iyadoo la ilaalinayo amniga xogta iyo hantida la xiriirta.
- La-talinta ama wada-shaqeynta shakhsiyaad ama hay’ado haysta aqoon iyo khibrad xirfadeed oo khuseysa hawlaha iyo waajibaadka guddiga.
- Wareysiga shakhsiyaadka ama kooxaha haysta macluumaad muhiim ah oo la xiriira arrimaha uu guddigu gacanta ku hayo.
- Samaynta baaritaanno lagu eegayo hay’adaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo qiimeeyo sida ay ugu hoggaansan yihiin mabaadi’da dastuuriga ah ee ku saabsan ka-qaybgalka loo siman yahay, caddaaladda, sinaanta, iyo takoorka la’aanta ee helitaanka adeegyada iyo fursadaha.
- Dalbashada warbixino laga helo hay’adaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ku saabsan sida ay u hirgeliyaan sinnaanta iyo mabaa’di’da takoorka ka maran, oo ay ku jirto sida mabaa’di’daasi uga muuqdaan hab-raacyadooda iyo adeeg bixintooda.
- U yeerista shakhsiyaad ama hay’ado si ay xog uga bixiyaan arrimaha la xiriira baaritaannada guddiga.
- Fulinta kormeer iyo baaritaanno goob-joog ah, oo ay ku jirto helitaanka sharciyeed ee dhismayaal iyo dukumiintiyo muhiim ah.
- Raadinta talooyinka khubarada iyo wada-shaqeyn lala yeesho la-hawlgalayaal qaran iyo kuwa caalamiga ah si loo xaqiijiyo in guddigu u guto waajibaadkiis si hufan oo waxtar leh.
2.3 Qaab-dhismeedka Guddiga
Sida lagu xusay Qodobka 7aad ee Xeer Lr. 16 ee 27 Juun 2016, Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka waxa uu ka kooban yahay sagaal (9) xubnood oo lagu soo xulo si furan, tartan ku saleysan, oo hufan. Qaab-dhismeedka xubnaha Guddiga waxa uu ka tarjumayaa ballanqaadyada sinnaanta, ka qayb-galka dadka naafada ah, iyo matalaadda bulshada, iyadoo sharcigu dhigayo in ugu yaraan saddex (3) ka mid ah xubnaha Guddiga ay noqdaan haween, islamarkaana ugu yaraan hal (1) xubin uu ka mid ahaado dadka naafada ah.
Hannaanka hoggaamineed ee Guddiga NIHRC waxa uu ka kooban yahay jagooyinka hoos ku xusan, kuwaas oo si rasmi ah ay xubnaha Guddigu isku doortaan kulankooda ugu horreeya:
- Guddoomiye: Hoggaamiya Guddiga, wuxuu iskugu yeera oo guddoomiya kulamada, hagaya oo kormeeraya qorsheyaasha istiraatiijiga ah iyo hawlaha fulinta, xoojiya xiriirka wax-ku-oolka ah ee lala leeyahay dowladda iyo daneeyayaasha caalamiga ah, guddoomiya guddiyada go’aan-qaadista ee xadgudubyada xuquuqul insaanka (haddii la dhiso), metela Guddiga si rasmi ah, isla markaana gutaa waajibaadka kale ee uu sharcigu u xilsaaro ama lagu qeexo xeer-hoosaadka Guddiga.
- Guddoomiye Ku-xigeen: Taageera Guddoomiyaha, isla markaana qaata dhammaan waajibaadka Guddoomiyaha marka uu maqan yahay ama uusan awoodin gudashada xilkiisa, sidoo kalena fuliyaa hawlaha uu Guddoomiyuhu u igmado.
- Xoghayaha: Maamula oo ilaaliya dhammaan diiwaannada iyo dukumiintiyada Guddiga, diyaariya oo gaarsiiyo casuumaadaha kulamada iyo qoraallada rasmiga ah ee Guddiga iyadoo la raacayo tilmaamaha Guddoomiyaha, sidoo kalena gudbiya go’aannada Guddiga ee la xiriira hay’adaha iyo daneeyayaasha kale.
Si waafaqsan Qodobka 7 (3) ee Xeer Lr. 16, haddii Guddoomiyaha la doortay uu noqdo nin, Guddoomiye Ku-xigeenka waa in ay noqotaa haweeney, haddii Guddoomiyuhu yahay haweeneyna, Guddoomiye Ku-xigeenka waa in uu noqdaa nin.
Iyadoo la adeegsanayo qaab-dhismeedkan loo dhisay si loo xaqiijiyo ka mid noqoshada iyo caddaaladda, Guddiga GMXI waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa nidaamka dowladnimada ee Soomaaliya, isagoo ah ilaaliye xuquuqul insaanka, xoojinaya sharciga, dhiirrigelinaya caddaaladda bulshada, iyo difaacaya sharafta, xuquuqaha, iyo xorriyadaha qof walba.
- Xilalka Bannaan iyo Muddada Xilhaynta
3.1. Xilalka Bannaan
Guddiga Kumeelgaarka ah ee Xulista (GKX), si waafaqsan awoodda uu siinayo Xeer Lr. 16 ee 27 Juun 2016 ee lagu aas-aasay Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (NIHRC), waxa uu si rasmi ah ugu baaqayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u qalma in ay codsadaan sagaalka xubinnamada (9) xubin ee GMXIQ.
Xubnaha Guddiga waxa lagu xuli doonaa hab furan, daahfuran, oo tartan ku saleysan, si loo xaqiijiyo in hoggaanka Guddigu uu ka tarjumo mabaa’di’da madax-bannaanida, daacadnimada, kartida, iyo ka-mid noqoshada, sida uu dhigay sharciga aasaaska u ah guddigan.
3.2. Muddada Xilhaynta
Sida ku cad Qodobka 7 (4) ee Xeer Lr. 16 ee 27 Juun 2016, xubnaha Guddiga waxa la magacaabi doonaa muddo afar (4) sano ah, iyadoo hal mar oo kaliya dib loogu cusboonaysiin karo xilka. Qodobkan mudada xil-haynta ah waxa uu xoojinayaa madax-bannaanida iyo joogtaynta shaqada Guddiga, isla markaana waxa uu ka hortagayaa faragelin siyaasadeed oo aan munaasib ahayn.
- Shuruudaha U-qalmitaanka
Iyadoo la raacayo Qodobka 8aad ee Xeer Lr. 16 ee 27 Juun 2016 ee lagu aas-aasay Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (NIHRC), Guddiga Kumeelgaarka ah ee Xulista waxa uu si rasmi ah u martiqaadayaa shakhsiyaadka buuxinaya shuruudaha u-qalmitaanka ee hoos ku xusan in ay codsadaan xilalka Guddiga.
Shuruudahani waxa ay ujeedadoodu tahay in la hubiyo in xubnaha la magacaabi doono ay leeyihiin aqoonta, anshaxa, iyo kartida ay ugu baahan yihiin gudashada waajibaadkooda si madax-bannaan, hufan, oo waafaqsan mabaadi’da xuquuqul insaanka iyo nidaamka sharciga ee Soomaaliya.
4.1. Shuruudaha Xubinnamada Guddiga
Si qof loogu magacaabo xubin ka mid ah Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (NIHRC), codsadaha waa in uu buuxiyaa shuruudaha hoos ku xusan:
- Waa in uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo da’diisu tahay ugu yaraan 35 sano.
- Waa in uu haysto shahaado jaamacadeed heerka labaaad (Master’s ama ka sarreeya) oo la aqoonsan yahay, lana xiriirta qeybaha culuumta soo socda:
- Shareecada Islaamka iyo Fiqhiga,
- Maamulka Dadweynaha iyo Maareynta,
- Dhaqaalaha iyo Maaliyadda,
- Dibloomaasiyadda iyo Xiriirka Caalamiga ah,
- Cilmiga Jinsiga iyo Horumarinta Bulshada,
- Xuquuqul Insaanka ama cilmi kale oo la xiriira,
- Ama waxbarasho kale oo khuseeya oo ay weheliso khibrad xirfadeed oo la caddeeyay oo ku saabsan dhinacyadan.
- Waa in uu leeyahay ugu yaraan 10 sano oo khibrad hoggaamineed iyo waayo-aragnimo la xaqiijiyay oo ku saabsan xuquuqul insaanka, maamul wanaagga, dib-u-habaynta garsoorka, dhismaha nabadda, horumarinta bulshada, ama adeegyada kale ee la xiriira waajibaadka guud.
- Waa in uu buuxiyo heerarka asluubta xirfadeed, dabeecad wanaagga, isla markaana uu ka maran yahay musuqmaasuq, sida uu dhigayo qaanuunka dalka ee khuseeya.
4.2. Shuruudaha Kaa Reebaya Xubinnimada Guddiga
Sida lagu caddeeyay Qodobka 8(2) ee Xeer Lr. 16 ee 27 Juun 2016, isla markaana waafaqsan Mabaa’diida Paris iyo Qodobbada Guud ee GANHRI ee ilaalinta madax-bannaanida iyo anshaxa hay’adaha qaranka ee xuquuqul insaanka, shakhsiyaadka hoos ku xusan lama oggola in ay u tartamaan ama loo magacaabo xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka:
- Qof aan ahayn muwaadin Soomaaliyeed.
- Qof hadda ka tirsan:
- Ciidamada milateriga, booliiska, ama sirdoonka heer kasta oo ay yihiin,
- Baarlamaanka Federaalka, Baarlamaannada Dowlad-Goboleedyada, ama golayaasha deegaanka ee Soomaaliya,
- Hay’adaha dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada, maamullada gobollada, ama degmooyinka, haddii uu hayo xil siyaasadeed, maamul, ama farsamo oo leh awood go’aan qaadasho oo muhiim ah — oo ay ka mid yihiin hoggaanka hay’adeed, maaraynta miisaaniyadda, hoggaanka siyaasadda, ama kormeerka barnaamijyada.
- Qof laga eryay xil qaran sababo la xiriira xadgudub anshaxeed oo culus ama dembi xirfadeed oo daran.
- Qof si rasmi ah loogu helay in uu ku xadgudbay Dastuurka, ama hadda wajahaya baaritaan ciqaabeed ama dacwad dambiyeed oo lagu soo oogay dambiyada ciqaabta ee lagu tilmaamay xeerarka Soomaaliyeed.
- Qof aan buuxin heerarka anshaxa xirfadeed, oo ay ka mid yihiin in lagu helay musuqmaasuq ama si xun ugu takri-falay xafiiskii uu hayay.
4.3. U Heellanaanta Mabaa’di’da Anshaxa
Dhammaan codsadayaasha waa in ay muujiyaan:
- U heellanaan shakhsiyadeed iyo xirfadeed oo xooggan oo ku saleysan mabaadi’da xuquuqul insaanka, oo ay ka mid yihiin dhowrista karaamada aadanaha, sinnaanta, takoor la’aanta, iyo ilaalinta sharciga.
- Waayo-aragnimo la taaban karo oo ay ku soo shaqeeyeen ama u doodista dadka nugul ee Soomaaliya.
- Karti dhexdhexaadnimo iyo madax-bannaani, iyadoo laga fogaanayo saameyn siyaasadeed, faragelin dowladeed, ama dano gaar ah oo shakhsiyaad ama kooxo ay leeyihiin.
- Faham cad oo ku saabsan waajibaadka Soomaaliya ee ku aaddan xuquuqul insaanka, sida ay dhigayaan sharciyada gudaha, kuwa goboleed, iyo kuwa caalamiga ah, iyo sidoo kale aqoon ku filan oo la xiriirta dastuurka, xeerarka dalka, iyo duruufaha bulshada.
- Dadaal iyo rabitaan ay ku ilaalinayaan dhexdhexaadnimada, madaxbannaanida dhaqaale, iyo sumcadda GMXIQ, sida uu dhigayo sharciga aasaaska u ah guddigan.
- Xirfado sare oo la xiriira falanqeynta iyo balaaqada, iyo kartida in ay gaari karaan go’aammo caddaalad ah oo ku saleysan caddaymo.
- Kartida ka shaqeynta jawi kooxeed oo kala duwan, cadaadisna leh, oo u baahan wada-shaqeyn sare.
- In ay si fiican ugu yaqaan (qoraal iyo hadalba) luuqadda Af-Soomaaliga, sidoo kalena uu yaqaan luuqadaha Carabiga ama Ingiriiska, hadii uu labadooda yaqaanana ay tahay
4.4. Dhiirrigelinta Ka-qaybgalka Loo Siman Yahay
Iyadoo la raacayo mabaa’di’da sinnaanta, takoorka la’aanta, iyo ka-qaybgalka loo siman yahay, Guddiga KMG ah ee Xulista waxa uu si gaar ah ugu dhiirrigelinayaa codsiyada ka imaanaya:
- Haweenka
- Dadka naafada ah
- Xubnaha ka tirsan beelaha laga tirada badan yahay iyo bulshada la hayb-sooco
Dhiirrigelintan waxa ay ka tarjumaysaa ballanqaadka matalaadda iyo kala-duwanaanta ee ku xusan Qodobka 11(4) ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah iyo Qodobka 7aad ee Xeer Lr. 16, si loo hubiyo in GMXIQ uu ka turjumayo bulsho-weynta Soomaaliyeed qaybaheeda kala geddisan.
- Geeddi-socodka Codsiga
Guddiga KMG ah ee Xulista waxa uu si rasmi ah ugu baaqayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee buuxin kara shuruudaha lagu xusay ogeysiiskan in ay soo gudbiyaan codsiyadooda si loo tixgeliyo u tartamidda xilka xubinnimada Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka. Habraaca xulista waxaa lagu fulin doonaa hannaan furan, hufan, caddaalad ah, oo tartan ku saleysan, sida uu dhigayo Qodobka 16 ee Xeer Lr. 16.
5.1. Dukumiintiyada Lagama Maarmaanka u ah Codsiga
Qof kasta oo daneynaya in uu codsado waa in uu soo gudbiyaa dukumiintiyada hoos ku xusan:
- Foomka Codsiga oo si dhammaystiran loo soo buuxiyay
Dhamaan codsadayaasha waa in ay si buuxda u dhammaystiraan Foomka Codsiga ee rasmi ah, kaas oo ku lifaaqan ogeysiiskan. Haddii aad tahay qof naafo ah oo u baahan taageero si aad u buuxiso ama u soo gudbiso codsigaaga, ama aad u baahan tahay qaabab kale oo fududeyn ah (sida tilmaamo cod ah, daabacad far waaweyn leh, ama hagitaan toos ah), fadlan la xiriir Xoghaynta Guddiga KMG ah sida ugu dhaqsaha badan si loo diyaariyo hab-raacyo fududeynaya codsigaaga.
- Lifaaqyada Foomka Codsiga
Waa in aad ku soo dartaa dhammaan dukumiintiyada taageeraya codsigaaga, sida ku cad Qaybta G ee Foomka Codsiga. Codsiyada aan wadan dukumiintiyada lagama maarmaanka ah waxa loo tixgelin karaa kuwo aan dhammaystirnayn oo la diidi karo. Haddii aad la kulanto caqabado la xiriira diyaarinta dukumiintiyada sabab la xiriirta naafonimo, fadlan ogeysii Xafiiska Qarsoodiga sida ugu dhakhsaha badan.
5.2. Habka Gudbinta Codsiga
Foomka Codsiga ee la dhammaystiray iyo lifaaqyadiisa waa in lagu soo diraa:
tsp.secretariat@mfhrd.gov.so
Fiiro gaar ah: Fadlan ciwaanka email-kaaga ka soo dhig markaad soo diraysid codsigaaga: “Application Form for Commissioner Positions at NIHRC”.
Waxaa si weyn laguugu dhiirrigelinayaa in aad kaydsato caddaynta dirista codsigaaga.
5.3. Waqtiga Kama Dambaysta ee Soo Gudbinta Codsiyada
Waqtiga kama dambaysta ah ee la soo gudbin karo codsiyada waa 25 Maajo 2025, saacaddu markay tahay 11:59 fiidnimo (Waqtiga Muqdisho).
Codsiyada la keeno xilliga ka dambeeya ama codsiyada aan dhammaystirnayn lama tixgelin doono.
Haddii aad tahay qof naafonimo leh oo u baahan taageero si aad u buuxiso ama u soo gudbiso codsigaaga, ama aad u baahan tahay qaabab kale oo fududeyn ah (sida tilmaamo cod ah, daabacad far waaweyn leh, ama hagitaan toos ah), fadlan la xiriir Xoghaynta Guddiga KMG ah ee Xulista sida ugu dhaqsaha badan, kuna soo dir email-kan: tsp.secretariat@mfhrd.gov.so
Tallaabooyinka fududeynta codsiga waxa la bixin doonaa si loo xaqiijiyo fursad loo siman yahay iyo ka-qaybgal buuxa oo loo heli karo dhammaan codsadayaasha.
5.4. Arrimaha Muhiimka ah ee Laga Fiirsanayo
- Dhammaan codsiyada waxa lagu maareyn doonaa si adag oo sir ah.
- Soo gudbin codsi ma dammaanad qaadeyso in lagu xusho ama u gudubto liiska hore (shortlist).
- Codsadayaasha ku soo baxa liiska hore ee la xulay waa lala xiriiri doonaa si loogu wargeliyo marxaladaha xiga ee habraaca xulista.
- Habraaca Xulista
Xulista iyo magacaabista xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka waxaa loo mari doonaa hab furan, hufan, tartan ku saleysan, oo waafaqsan Qodobada Xeer Lr. 16 ee 27 Juun 2016. Geeddi-socodkani waxa uu ku saleynaan doonaa mabaa’di’da kartida, daacadnimada, madax-bannaanida, iyo ka-qaybgalka loo siman yahay.
Ujeeddada habraaca xulista waxa weeye in la hubiyo in la magacaabo shakhsiyaadka ugu kartida iyo anshaxa wanaagsan, oo leh waayo-aragnimo qoto dheer, si loo ilaaliyo sumcadda, waxtarka, iyo madax-bannaanida GMXIQ.
6.1. Hubinta iyo Diyaarinta Liiska Hore (Shortlisting)
- Marka la gaaro wakhtiga kama dambaysta ah ee gudbinta codsiyada, Guddiga KMG ah ee Xulistu wuxuu samayn doonaa dib-u-eegis hordhac ah oo dhammaan codsiyada la soo gudbiyay ah, isagoo hubinaya codsadayaasha soo buuxiyay shuruudaha xubinnamada, dhamaystirnaanta dokumentiyada loo baahan yahay, iyo sida loo raacay dhammaan tilmaamaha lagu caddeeyay ogeysiiska.
- Keliya codsiyada buuxiya shuruudaha lagu xusay ogeysiiskan, lana socdaan dhammaan dukumiintiyada taageeraya, ayaa u gudbi doona wejiga xiga ee habraaca xulista.
- Liiska codsadayaasha la soo xulay waxa lagu saleyn doonaa waxbarashada, waayo-aragnimada, u heellanaanta xuquuqul insaanka, iyo sida ay u waafaqsan yihiin waajibaadka iyo qiyamka GMXIQ.
6.2. Qiimeynta Qoraalka ah
Dhamaan murrashaxiinta si sax ah u soo buuxiya shuruudaha waxaa laga qaadi doonaa qiimeyn qoraal ah oo halbeegsan, taas oo ay diyaariyeen khubaro madax-bannaan. Qiimeyntani waxa ujeeddadeedu tahay in lagu xaqiijiyo in si dhex-dhexaad ah loo qiimeeyo xirfadaha iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah xubinnimada GMXIQ.
Qiimeynta qoraalka ah waxaa lagu eegi doonaa arrimaha soo socda:
- Aqoonta qaab-dhismeedyada dastuuriga ah, sharciyada, iyo hay’adaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan waajibaadyada iyo heshiisyada xuquuqul insaanka ee heer caalami oo ay Soomaaliya saxiixday.
- Fahamka heshiisyada, qawaaniinta, iyo hababka muhiimka ah ee xuquuqul insaanka ee heer gobol iyo heer caalami.
- Xirfadda falanqeynta iyo xallinta mushkiladaha, gaar ahaan awoodda lagu qiimeeyo xaalado adag oo xuquuqul insaan ah.
- Fahamka iyo dhaqanka anshaxa xirfadeed, madax-bannaanida, iyo feejignaanta xaaladaha colaadeed, iyadoo diiradda la saarayo xuquuqda dadka nugul iyo kuwa la hayb-sooco.
- Fahamka hay’add ahaan iyo u heellanaanta waajibaadka, doorka, iyo awoodaha GMXIQ lagu siiyay Sharci Lr. 16 ee 2016.
Si loo xaqiijiyo caddaalad iyo dhexdhexaadnimo:
- Qiimeynta qoraalka ah waxay noqon doontaa mid magac-la’aan ah, waxaana si madax-bannaan u saxaya ugu yaraan saddex khubaro oo aqoon leh, iyadoo dhibcaha kama dambaysta lagu go’aamin doono isku celcelis ahaan.
- Waxaa la hubin doonaa in si buuxda loo fududeeyo ka qaybgalka dadka naafada ah, iyadoo loo diyaarinayo taageerooyinka lagama maarmaanka ah sida qalabka gaarka ah, qof ka caawiya qoraalka, waqti dheeraad ah, ama habab kale oo ku habboon hadba baahiyaha gaar-gaarka ah ee markaas.
Marxaladdan ayaa xaqiijinaysa in musharixiinta oo dhan lagu qiimeeyo kartidooda iyo aqoontooda, si waafaqsan u heellanaanta GMXIQ ee aaddan xulis daahfuran oo loo siman yahay.
6.3. Habka Wareysiga
Musharixiinta ku soo baxa qiimeynta qoraalka ah waxaa lagu martiqaadi doonaa wareysiyo rasmi ah oo uu qaadayo Guddiga Kumeelgaarka ah ee Xulista (TSP).
Wareysiyada waxaa loo fulin doonaa qaab mideysan oo ujeedadiisu tahay in la hubiyo joogtaynta, caddaaladda, iyo qiimeyn dhexdhexaad ah. Wareysigu wuxuu diiradda saari doonaa dhinacyadan muhiimka ah:
- Aqoonta heshiisyada iyo qaab-dhismeedka xuquuqul insaanka ee heer qaran, gobol, iyo caalami ee khuseeya Soomaaliya.
- Fahamka waajibaadka iyo awoodaha Guddiga NIHRC sida lagu qeexay Sharci Lr. 16 ee 2016 iyo kaalinta guud ee hay’adaha xuquuqul insaanka (NHRIs) sida ku xusan Mabaa’di’da Paris.
- Muujinta u heellanaanta mabaadi’da aasaasiga ah ee xuquuqul insaanka sida madaxbannaanida, dhexdhexaadnimada, takoorka la’aanta, sinnaanta ragga iyo dumarka, iyo dhowrista xuquuqda dadka la hayb-sooco.
- Waayo-aragnimo wax-ku-ool ah oo la xiriirta horumarinta xuquuqul insaanka, kormeerka, baarista, warbixin qorista, iyo ka-qaybqaadashada siyaasadaha xuquuqul insaanka.
- Kartida hoggaamineed, anshaxa xirfadeed, fahamka xasaasiyadda colaadaha, iyo xirfadda wada-shaqeynta iyo go’aan-qaadashada wada-jirka ah, gaar ahaan ka shaqeynta hay’ad ay xubno badan wadaagaan.
Inta lagu gudo jiro wareysiga, Guddiga KMG ah ee Xulista wuxuu ku dhaqmi doonaa mabaadi’da daahfurnaanta, isla-xisaabtanka, iyo fursad siman, isagoo xaqiijinaya in dhammaan murrashaxiinta si cadaalad ah oo eex ka fog loo qiimeeyo.
6.4. Hubinta iyo Xaqiijinta Xogta Murashixiinta
- Guddiga KMG ah ee Xulista wuxuu xaq u leeyahay in uu baaritaan dhab ah ku sameeyo xogta murrashaxiinta gaara liiska hore, gaar ahaan:
- Shahaadooyinka waxbarashada iyo xirfadaha kale ee la xiriira,
- Taariikhda shaqo ee musharixiinta,
- Xogta dambiyada (criminal record),
- Qiimeynta daacadnimada, dano is-burinaya, iyo anshaxa.
- Guddigu waxa kale oo uu la tashan karaa hay’adaha dowladda ee ku habboon, ururrada xirfadeed, bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaasha xuquuqul insaanka, si loo helo xog dheeraad ah oo xaqiijinaysa ku habboonaanta murrashaxiinta.
6.5. Soo-jeedinta Kama Dambaysta ah
- Marka la soo dhammeeyo wareysiyada iyo hubinta xogta murrashaxiinta, Guddiga KMG ah ee Xulista wuxuu soo saari doonaa soo-jeedin kama dambeys ah oo ku saabsan soo-jeedinta sagaalka (9) murrashax ee ku habboon in loo magacaabo xilalka xubnaha GMXIQ.
- Soo-jeedintan waxay tixgelinaysaa:
-
- Ku dhaqanka shuruudaha sharciga ee ku saabsan qaab-dhismeedka Guddiga (ugu yaraan saddex haween ah iyo hal qof oo naafo ah),
- Kala duwanaanta bulshada si loo xaqiijiyo matalaad iyo ka-mid-noqosho ballaaran,
- Heerarka ugu sarreeya ee anshaxa iyo madax-bannaanida siyaasadeed iyo dano gaar ah.
6.6. Ogeysiinta Natiijada
- Dhammaan murrashaxiinta waxaa si rasmi ah loogu wargelin doonaa natiijooyinka codsigooda marxalad kasta oo habraaca xulista ah — oo ay ku jiraan hubinta codsiyada, qiimeynta qoraalka ah, iyo wareysiyada.
- Murrashaxiinta aan ku guulaysan marxalad kasta waxaa la siin doonaa ogeysiis waqtigiisa ku habboon, iyadoo loo hoggaansamayo mabaadi’da daahfurnaanta, caddaaladda, iyo dhowrista sharafta qofka.
- Natiijooyinka ugu dambeeya ee murrashaxiinta loo soo xulay in la magacaabo waxaa lagu wargelin doonaa si rasmi ah oo shakhsi ah. Qarsoodiga xogta dhammaan murrashaxiinta waa la ilaalin doonaa inta lagu gudo jiro habraaca oo dhan.
- Ka-Qaybgalka Loo Dhanyahay, Daacadnimada, iyo Adeegga Bulshada
Guddiga KMG ah ee Xulista waxa si buuxda uga go’an:
- Ku dhaqanka mabaadi’da ka-qayb-galka loo dhanyahay iyo sinnaanta sida ku cad Qodobka 11(4) ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah iyo Sharci Lr. 16;
- Hubinta ka-qayb-galka haweenka, dadka naafada ah, iyo xubnaha ka socda beelaha laga tirada badan yahay iyo kuwa la hayb-sooco;
- Xulashada shakhsiyaad leh heerarka ugu sarreeya ee adeegga bulshada, madax-bannaanida, iyo daacadnimada anshaxa;
- Xoojinta kalsoonida bulshada iyo nidaamka dowladnimo ee dimuqraaddiga ah iyadoo la adeegsanayo geeddi-socod xuliseed oo lagu kalsoon yahay, laguna salaynayo xuquuqul insaanka;
Waxaa si gaar ah loogu dhiirrigelinayaa in ay codsiyadooda soo gudbiyaan haweenka, dadka naafada ah, iyo xubnaha ka tirsan bulshooyinka laga tirada badan yahay ama la hayb-sooco, gaar ahaan kuwa leh waayo-aragnimo, taariikh muuqata, iyo dadaal joogto ah oo ku aaddan horumarinta xuquuqul insaanka, sinnaanta iyo caddaaladda bulshada.
- Xog Dheeraad ah / Cinwaanada Xiriirka
Haddii aad qabtid wax su’aalo ah, faahfaahin dheeraad ah ama aad u baahan tahay xog kale oo ku saabsan Baahinta Codsiyada ee Xilalka Xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, codsadayaasha iyo dadweynuhuba waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay kala xiriiraan Guddiga KMG ah ee Xulista, cinwaanada hoos ku xusan.
Guddigu waxaa si buuxda uga go’an xaqiijinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka, iyo fududeynta helitaanka xogta inta lagu guda jiro codsiga iyo habraaca xulista. Dhammaan su’aalaha waxaa si xirfad leh loo maareyn doonaa, iyadoo la ilaalinayo caddaaladda iyo qarsoodiga xogta.
8.1. Nagala Soo Xiriir
- Cinwaanka:
Guddiga Kumeelgaarka ah ee Xulista
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka (MoFHRD)
Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Cinwaanka Email-ka: tsp.secretariat@mfhrd.gov.so
Lambarka Taleefanka (Waqtiga shaqada oo keliya):
Bogga rasmiga ah ee lagu daabacayo xogta: www.mfhrd.gov.so
8.2. Saacadaha Shaqada ee Su’aalaha la Xiriira Codsiyada
Axadda ilaa Khamiista:
8:30 subaxnimo – 4:30 galabnimo (Waqtiga Soomaaliya)
Jimcaha iyo Maalmaha Ciidaha Qaranka:
Ma jiraan adeegyo shaqo
Guddigu wuxuu si adag ugu dhiirrigelinayaa codsadayaasha inay si taxaddar leh u akhriyaan ogeysiiskan inta aysan wax soo gudbin, si looga fogaado dib u dhac ku yimaada jawaab celinta. Jawaabaha waxaa la siin doonaa sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo lagu bixinayo waqti macquul ah inta lagu gudo jiro saacadaha shaqada.
- Xeer-ilaaliye (Disclaimer)
Guddiga Kumeelgaarka ah ee Xulista waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in ka qaybgalka habraacan codsiga aanu marnaba dammaanad qaadayn in la doorto, la gaarsiiyo liiska hore (shortlisting), ama la magacaabo xubinnimada Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (NIHRC).
Guddigu waxa uu ballanqaadayaa inuu habraaca xulista ku fuliyo heerarka ugu sarreeya ee daacadnimada, daahfurnaanta, iyo isla-xisaabtanka, si adagna uu ugu hoggaansamo Xeer Lr. 16 iyo nidaamka dastuurka iyo shuruucda dalka Soomaaliya. Guddigu wuxuu xaq u leeyahay inuu:
- Hubiyo dhammaan macluumaadka iyo dukumiintiyada ay soo gudbiyaan codsadayaashu, oo ay ka mid yihiin waxbarashada, waayo-aragnimada shaqo, tixraacyada, iyo xaqiijinta anshaxa.
- Diido codsi kasta oo aan dhammaystirnayn, been abuur ah, ama aan buuxin shuruudaha ku cad Ogeysiiskan.
- Baajiyo ama gabi ahaanba joojiyo habraaca xulista ama qayb kasta oo ka mid ah, iyadoo aan ogeysiis hore la siin haddii loo arko inay muhiim tahay danaha guud, isla markaana aysan jirin mas’uuliyad ka dhalanaysa go’aankaas oo loo qaadayo codsadayaasha ama cid kale.
Qof ama hay’ad toona looma oggola inuu u ololeeyo ama dammaanad qaado magacaabista xilalkan. Isku day kasta oo lagu saameynayo natiijada habraaca xulista iyadoo loo marayo habab aan munaasib ahayn, eex, musuqmaasuq, ama faragelin siyaasadeed waxay horseedi kartaa in qofkaas isla markiiba laga saaro habraaca, waxayna sidoo kale sababi kartaa tallaabo sharci oo laga qaado iyadoo la raacayo shuruucda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga Kumeelgaarka ah ee Xulista wuxuu leeyahay awood buuxda oo ah fasiraadda iyo fulinta qodobada ku jira Ogeysiiskan. Wixii khilaafaad ah ee ka dhasha habraaca xulista waxaa lagu xallin doonaa iyadoo la raacayo shuruucda Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya.
Attachment:
⬇️ Foomka Codsiga ee Xubnaha Danaynaya GMXIQ_SOM

………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
To apply for this job email your details to tsp.secretariat@mfhrd.gov.so