Bare 1 qof, Kulliyadda Waxbarshada – Caabudwaaq, Galmudug State of Somalia

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Bare 1 qof, Kulliyadda Waxbarshada – Caabudwaaq, Galmudug State of Somalia

Hordhac:

Waxbarashada Sare ee wadanka waxay soo bilaabatay xilligii daakhilayadii Talyaaniga, iyadoo u qaabeysan hab Dugsi Sare, oo ay la socdeen tababaro xirfadeed.

1950kii ayaa maamulkii xil-gaarsiinta ahaa (Transition-Afis),wuxuu furay Machadkii Siyaasadda iyo maamulka. Balse, waxbarasho sare oo tayo leh, waxay si rasmi ah uga bilaabatay wadanka sanadkii 1954-kii, ka dib markii maamulkii xil-gaarsiinta ahaa uu furay machadka Sharciga, Dhaqaalaha, iyo Cilmiga Bulshada, machadkana wuxuu toos u hoos tagayay Jaamacadaha ROMA iyo Padova, kuwaas oo u qaabilsanaa haqabtirka dhammaan agabka tacliimeed, Barayaasha iyo maamulkaba.

Sanadkii 1964-kii machadkani wuxuu bixinayay labo sano oo daraasad ah, oo lagu qaadanayay gudaha dalka, halka dhammeystirka labada sano ee kale lagu qaadanayay wadanka talyaaniga.

1-dii Diseembar 1969-kii, waxaa machadkii loo badalay labo kulliyadood oo kala ahaa: Kulliyadda Sharciga iyo Kulliyadda Dhaqaalaha ee JUS.

1971-kii waxaa iyagana la furay kulliyadihii Beeraha iyo Kiimikada, waxaana ku xigay furitaankii Kulliyadda waxbarashada oo la furay 1972-kii.

1973-kii waxaa la furay kulliyaddaha Caafimaadka, Jiyoolijadda, Xanaaanada & Daawada Xoolaha iyo Injineeriyadda.

Ugu dambeyn Jaamacadda Ummadda, waxaa saameeyey burburkii wadanka ka dhacay 1991. waxaana Golaha Sare ee JUS ay go’aamiyeen in jaamacadda dib loo furo 16/8/2014.

Jaamacadda Ummadda, Waxay hadda bixisaa 12 kulliyadood, waxaana dhigata arday ka badan 7,500 arday. Waxayna ku shaqaysaa 5 xarumood oo ku kala yaal gobolada Benaadir, Galmudug iyo Puntland.

———————————————————————

Shaqo Banaan: Bare

Xarunta Shaqada: Caabudwaaq, Galmudug
Booska: Bare

Tirada: 1 qof

Kulliyadda: Waxbarshada

Nooca Shaqada: Shaqo Joogto ah (Full-Time lecturer)

Mushaarka: Xuquuqda baraha waxaa lagu bixin doonaa nidaamka mushaar bixinta ee JUS.

Gunno: baraha wuxuu heli doonaa gunno dheeri ah.

Aqoonta, Xirfadda Iyo Dukumintisyada looga baahan yahay Codsadaha:

1. Waa inuu ka heystaa Shahaadada heerka 1aad Takhasuska Math and Physics (Major in Math)

2. Waa inuu ka heystaa Shahaadada heerka 2aad Takhasuska Math and Physics (Major in Math)

3. Waa in Celceliska dhibcihiisa noqdaa Darajada (B)

4. Waa Inuu leeyahay ugu yaraan 3 Sano oo xirfad iyo khibrad wax dhigid ah, oo ku aadan Takhasuska Math and Physics

5. Waa in uu sameeyey cilmi baarisyo la xiriirta takhasuskiisa.

Dhammaan Daneeyayaasha jagadaan waxay soo buuxin karaan foomka hoose.

Dhamaad.

Apply Here

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

Telegram: https://t.me/qaran_jobs

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so

Facebook Group 1: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Facebook Group 2: https://www.facebook.com/groups/qaranjobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/qaran_jobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs

To apply for this job please visit snu.edu.so.

error: Content is protected !!