SOS Children’s Villages
Darawal (Driver) – Borama, Somaliland
FURSAD SHAQO
Boos Shaqo Banaan: Dareewal/Darawal (Driver)
Goobta Shaqo: SOS Borama
Wakhtiga Uu Xidhmayo: 28/02/2022
- HORUDHAC:
Hay’adda Tuulooyinka Caruurta ee SOS waa hay’ad ka howgalaysay Somaliland tan iyo markii wadanka laga hirgaliyey 2002dii, waxayna xubin buuxda ka tahay dalladda Caalamiga ah ee Tuulooyinka Caruurta SOS ee fadhigeedu yahay Austria. Somaliland, Hay’addu waxay gacanta ku haysaa mashaariic kala gedisan sida Tuulada Caruurt, Kobcinta qoyska, iyo Mashruuca gargaarka dagdaga ah. Hay’addaha Tuulooyinka Caruurta ee SOS waxay ku shaqeeysaan xeerka Qaramada Midoobay ee ku aadan ilaalinta xuquuqda caruurta. Qof kasta oo naga mid ah waxaa saaran masuuliyad uu ku ilaaliyo xuquuqda caruurta kana hortago xadgudubyada ka dhanka ah caruurta nooc kasta oo ay yihiin. Hay’adda Tuulooyinka Caruurta SOS Somaliland waxay soo bandhigaysaa fursad shaqo oo ah Dareewal (Driver) oo ka hawlgala mashaariicda SOS ee Borama.
- MAS’UULIYADDA SHAQO OO KOOBAN:
Dareewalku wuxuu u xilsaaranyahay daboolida baahida gaadiid wadida ee SOS ee mashruuca uu ka shaqaynayo. Waxa masuuliyad culusi ka saaran tahay caruurta, shaqaalaha iyo sumcada Hay’adda ee lagu aaminay. waa inuu ahaadaa shaqsiyad wanaagsan oo ku dayasho mudan, kana soo bixi karta hawsha loo doortay.
- WAAJIBAADKA IYO MAS’UULIYADDA SHAQADA:
- Waxaa uu qabanayaa baahida gaadiid wadida ee mashruuca FS Awdal, kolba sida uu u tilmaamo Madaxa xafiiska uu hoostagayo, kaasoo ah qofka masuulka ka ah xidhiidhinta isticmaalka iyo adeegsiga gaadiidka xafiiska. Shaqadan waxa ka mid ah inuu qaado shaqaalaha marka ay shaqo tegayaan iyo marka ay soo rawaxayaan.
- Wuxuu adeegyo safar ah ugu kala bixi doonaa magaalooyinka Hargeisa, Gabiley, Berbera iyo meelaha kale ee looga baahdo hawlaha xafiiska.
- Waxaa uu galayaa safaro isagoo had iyo jeer xulanaya jidka ugu dhaw. Waxa uu ka dheeraanayaa socodka aan muhiimka ahayn si uu u yareeyo masaafada la soconayo, shidaalka iyo wakhtigaba. Isticmaalka shakhsi ahaaneed ee baabuurta SOS waa ka mamnuuc.
- Waxa uu ku qorayaa dhamaan safarada uu galo Buuga Dhaqdhaqaaqa Gaadhiga.
- Wuxu ku dhaqmi doonaa xeerka nimaadka wado marista Somaliland iyo weliba xeerka anshaxa ee shaqaalaha Ha’yada SOS Children’s Villages ee Somaliland.
- Wuxuu qaban doonaa wixii kale ee maamulka xarunta SOS ka dalbado dareewalka.
- SHURUUDAHA LOOGA BAAHANYAHAY QOFKA
- Waa in uu haysta Shahaadada dugsiga Sare.
- In uu leeyahay khibrad dareewalnimo oo ugu yaraan 6 sanno ah. Kana soo shaqeeyey ha’ayada caalamiga ah.
- Waa in uu haystaa liisanka dareewalnimo oo aan dhacsanayn/cashuuran (oo darajada A).
- In aaany dadiisu ka waynaan 45 sanno
- In aanu wax denbi ah hore u galin
Qofka danaynaya shaqadan, buuxin karana shuruudaha kor ku xusan, waxaa uu soo dirayaa codsigiisa iyo qoraal koobayaa taariikhdiisa waxbarasho, xirfadiisa shaqo (CV).
Waxaa lagu soo hagaajin karaa emailkan: hr@sos-somaliland.org ama xarumaha ay SOS ku leedahay Hargeisa ka hor 28ka bisha labaad ee 2022 ka.
………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
Telegram: https://t.me/qaran_jobs
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/QaranJobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs
………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs
