Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Fursad Shaqo: Maamulaha Machadka Dacwada iyo Imaamnimada – Muqdisho
Booska: Maamulaha Machadka Dacwada iyo Imaamnimada
Tirada: 1 qof
Nooca Shaqada: Shaqo Joogto ah (Full-Time)
Goobta Shaqada: Machadka Masjidka Isbaheysiga Islaamka-Muqdisho
Mushaarka: Xuquuqda Maamulaha Machadka waxaa lagu bixin doonaa nidaamka mushaar bixinta ee Maamulayaasha Jaamacadda Ummadda.
Horudhac:
Waxbarashada Sare ee wadanka waxay soo bilaabatay xilligii daakhilayadii Talyaaniga, iyadoo u qaabeysan hab Dugsi Sare, oo ay la socdeen tababaro xirfadeed.
1950kii ayaa maamulkii xil-gaarsiinta ahaa (Transition-Afis), wuxuu furay Machadkii Siyaasadda iyo maamulka.
Balse, waxbarasho sare oo tayo leh, waxay si rasmi ah uga bilaabatay wadanka sanadkii 1954-kii, ka dib markii maamulkii xil-gaarsiinta ahaa uu furay machadka Sharciga, Dhaqaalaha, iyo Cilmiga Bulshada, machadkana wuxuu toos u hoos tagayay Jaamacadaha ROMA iyo Padova, kuwaas oo u qaabilsanaa haqabtirka dhammaan agabka tacliimeed, Barayaasha iyo maamulkaba.
Sanadkii 1964-kii machadkani wuxuu bixinayay labo sano oo daraasad ah, oo lagu qaadanayay gudaha dalka, halka dhammeystirka labada sano ee kale lagu qaadanayay wadanka talyaaniga.
1-dii Diseembar 1969-kii, waxaa machadkii loo badalay labo kulliyadood oo kala ahaa: Kulliyadda Sharciga iyo Kulliyadda Dhaqaalaha ee JUS.
1971-kii waxaa iyagana la furay kulliyadihii Beeraha iyo Kiimikada, waxaana ku xigay furitaankii Kulliyadda waxbarashada oo la furay 1972-kii.
1973-kii waxaa la furay kulliyaddaha Caafimaadka, Jiyoolijadda, Xanaaanada & Daawada Xoolaha iyo Injineeriyadda.
Ugu dambeyn Jaamacadda Ummadda, waxaa saameeyey burburkii wadanka ka dhacay 1991.
waxaana Golaha Sare ee JUS ay go’aamiyeen in jaamacadda dib loo furo 16/8/2014.
Jaamacadda Ummadda , Waxay hadda bixisaa 12 kulliyadood, waxaana dhigata arday ka badan 9,500 arday. Waxayna ku shaqaysaa 5 xarumood oo ku kala yaal gobolada Benaadir, Galmudug iyo Puntland.
—————————————
Booska: Maamulaha Machadka Dacwada iyo Imaamnimada
Tirada: 1 qof
Nooca Shaqada: Shaqo Joogto ah (Full-Time)
Goobta Shaqada: Machadka Masjidka Isbaheysiga Islaamka-Muqdisho
Mushaarka: Xuquuqda Maamulaha Machadka waxaa lagu bixin doonaa nidaamka mushaar bixinta ee Maamulayaasha Jaamacadda Ummadda.
Aqoonta, Xirfadda Iyo Dukumintisyada looga baahan yahay Codsadaha:
- Waa inuu Codsadaha haystaa Shahaadada heerka 3aad ee Jaamacadda(PhD)
- Waa inuu Codsadaha ku takhasusay mid ah takhasusyadan: Shareecada Islaamka, Usuuluddiin, Daraasaadka Islaamka, Luqadda Carabiga, Iyo wixii la xiriira takhasusyadaas.
- Waa inuu leeyahay khibrad barrenimo oo heer jaamacadeed ugu yaraan Shan sanno.
- Waa inuu leeyahay khibrad Maamul iyo Hogaamin ugu yaraan saddex sanno.
- Waa in dhammaan Shahaadooyinka codsadaha ay tasdiiqsanyihiin.
- Waa inuu Codsahaha Aqoon & xirfad u leeyahay Adeegsiga kumbiyuutarka
- Waa inuu Codsaha ku fiican yahay ku hadalka & Qoraalka luqada Carabiga
- Waa inuu codsaha heystaa soona gudbiyaa ugu yaraan laba warqad oo hufnaan & taskiyo ah (recommendation letters).
- Waa inuu codsaha heystaa soona gudbiyaa Shahaado Caddeynayso Khibradda barrenimo & Maamul (Experience Certificate).
Arji qabashadu waxey ku egtahay Nov 8, 2023.
Dhammaan daneeyayaasha jagadaan waxay soo buuxin karaan foomka hoose.
https://forms.gle/BfFFR4k92KLeowH36

QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
Telegram: https://t.me/qaran_jobs
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group 1: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Facebook Group 2: https://www.facebook.com/groups/qaranjobs
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/qaran_jobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs
Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs
To apply for this job please visit forms.gle.
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs