Fursado Shaqo: 10 Bare/Macalin – Somalia

  • Somalia

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Fursado Shaqo: 10 Bare/Macalin – Somalia

Horudhac:

Waxbarashada Sare ee wadanka waxay soo bilaabatayxilligii daakhilayadii Talyaaniga, iyadoo u qaabeysan hab Dugsi Sare, oo ay la socdeen tababaro xirfadeed.

1950kii ayaa maamulkii xil-gaarsiinta ahaa (TransitionAfis),wuxuu furay Machadkii Siyaasadda iyo maamulka.

Waxbarasho sare oo tayo leh, waxay si rasmi ah uga bilaabatay wadanka sanadkii 1954-kii, ka dib markii maamulkii xil-gaarsiinta ahaa uu furay machadka Sharciga, Dhaqaalaha, iyo Cilmiga Bulshada, machadkana wuxuu toos u hoos tagayay Jaamacadaha ROMA iyo Padova, kuwaas oo u qaabilsanaa haqabtirka dhammaan agabka tacliimeed, Barayaasha iyo maamulkaba.

Sanadkii 1964-kii machadkani wuxuu bixinayay labosano oo daraasad ah, oo lagu qaadanayay gudaha dalka,halka dhammeystirka labada sano ee kale lagu qaadanayay wadanka talyaaniga.

1-dii Diseembar 1969-kii, waxaa machadkii loo badalay laba kulliyadood oo kala ahaa: Kulliyadda Sharciga iyo Kulliyadda Dhaqaalaha ee JUS.

1971-kii waxaa iyagana la furay kulliyadihii Beeraha iyo Kiimikada, waxaana ku xigay furitaankii Kulliyadda waxbarashada oo la furay 1972-kii.

1973-kii waxaa la furay kulliyaddaha Caafimaadka, Jiyoolijadda, Xanaaanada & Daawada Xoolaha iyo Injineeriyadda.

Ugu dambeyn Jaamacadda Ummadda, waxaa saameeyey burburkii wadanka ka dhacay 1991.

Waxaana Golaha Sare ee JUS ay go’aamiyeen in Jaamacadda dib loo furo 16/8/2014.

Jaamacadda Ummadda , Waxay hadda bixisaa 12 kulliyadood, waxaana dhigata arday ka badan 4,500 arday. Waxayna ku shaqaysaa 5 xarumood oo ku kala yaalgobolada Benaadir, Galmudug iyo Puntland.

 

Booska : Bar

Nooca Shaqada: Shaqo Joogto ah (Full-Time lecturer)

Xarunta Shaqada: Kulliyadda Saynis GaheyrMuqdisho

Waaxyaha(Departments): 3 Department

Geology: 4 Bare( mid ka mid ah wuxuu ka howlgelidoonaa JUS xarunta Badhan-Puntland )
Marine: 3 Bare
Computer: 3 Bare

Tirada Barayaasha: 10 qof

Mushaarka: xuquuqda baraha waxaa lagu bixin doonaanidaamka mushaar bixinta ee JUS.

Aqoonta,xirfadda Iyo Dukumintisyada looga baahanyahay codsadaha:

1. Waa inuu ka heystaa shahaadada heerka 1aad iyo 2aad, takhasuska uu codsanayo. ( PhD wuxuu leeyahay tixgelin gaar ah)
2. Waa in ugu yaraan celceliskiisu noqdaa darajada (B+)
3. Waa Inuu leeyahay ugu yaraan 3 Sano oo xirfad iyokhibrad wax dhigid ah, oo ku aadan maadooyinka korku xusan
4. Waa in uu sameeyey cilmi baarisyo la xiriirta takhasuskiisa.

Dhammaan Daneeyayaasha booskan waxaa looga baahan yahay

A. Sooyaalkooda nololeed (CV),
B. Codsi shaqo (Application letter)
C. Shahaadooyinka waxbarasho iyo
D. Transcripts

Waxaad ku soo hagaajin karaan Emailka xafiiska shaqada iyo shaqaalaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed hr@snu.edu.so.

Emailka ciwaan uga soo dhig Waaxda (Department): aad codsanaysid

F.G:  Araaji qabashada waxay ku ektahay 13Sep-2022.

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

Telegram: https://t.me/qaran_jobs

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/qaran_jobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs

………………………………………………………………………………………

To apply for this job email your details to hr@snu.edu.so

error: Content is protected !!