Somali Sudanese Specialized Hospital
Kormeere Amni – Muqdisho, Somalia
Taariikhda: 26- September-2022
Faah Faahinta Shaqada.
Taariikhda La Dhajiyay: 26 September 2022
Goobta Shaqada: Muqdisho
Jagadda: Kormeere Amni
Magaca Shirkadda: Somali Sudanese Specialized Hospital
Taariikhda Ugu danbaysa ee Codsashada: 10 October 2022
Cida uu Warbixinta Siinayo: Madaxa Waaxda Hawlaha Guud
Hordhac
Somali Sudanese Specialized Hospital, waxaa la aasaasay 2014, waa isbitaal ay aasaaseen ganacsato Somaliyeed si ay u buuxiyaan baahiyaha caafimaad ee ku gadaaman Umadda Soomaaliyeed.
Xarunta ugu weyn waxa ay ku taala Degmada Hodan ee magaala madaxda Muqdisho, iyada oo ay jiraan xarumo kale oo magalada ku kala yaala.
Somali Sudanese wuxuu buuxiyay qayb laxaad lehna ka qaatay baahiyaha caafimaad oo inbadan dibadda loo aadi jiray.
Isbitaalku isaga oo aad u ilaalinaya tayada adeega caafimaad ee uu bixiyo waxa uu shaqaaleeyaa Dhakhaatiir Soomaali iyo Ajaanib Khibrad iyo aqoon durugsan u leh adeega ay bulshada u fidinayaan.
Shaqada Banaan – Kormeere Waardiye.
Isbitaal ahaan waxaan raadinaynaa Kormeere Waardiye oo leh aqoon iyo tayo kasta oo laga rabo kormeere qaybta ilaalada.
Kormeeruhu waxa waajib ah inuu leeyahay aqoon xeel dheer isla markaana uu ku kasban karo indhaha dadka soo booqanaya isbitaalka iyo Isbitaalkaba isla markaana uu leeyay awood xeel dheer dhanka xalinta khilaafaadka iyo wax kasta oo liddi ku ah amaanka.
Shuruudaha laga rabo kormeeraha amniga.
- Ugu yaraan 2 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan amniga ama door la mid ah.
- Xirfadaha wada xiriirka wanaagsan.
- Dabeecad shaqo adag iyo karti isuduwidda wanaagsan
- Qof Firfircoon oo xamaasad leh
- Muujinta dhiirigelinta dareen xooggan oo hindise ah Kalsooni ku dheehantahay.
Waajibaadka kormeeraha amniga:
- Kormeeridda iyo hagidd shaqaalaha amniga;
Kormeere amni ahaan, waa inaad la socotaa Howl Maal meedka kooxdaada Waardiyayaasha ee shaqadda ku jira oo aad ku tababartaa inay si habboon ula falgalaan booqdayaasha, bukaanada, iyo shaqaalaha.
- Soogudbinta Warbixinta maalinlaha ah;
Maalin kasta, waxaa laga yaabaa in lagaga baahdo inaad ku diyaariso warbixino kala duwan goobtaada shaqada, oo ay ku jiraan kuwa ku saabsan shilalka, dhacdooyinka dhaca, iyo xadgudubyada amniga. Waa inaad si sax ah u qortaa warbixinta oo aad ku qortaa buugga dhacdada ama ugud bisaa madaxa qaybta hawlaha guud.
- Si joogto ah u gaaf-wareega ama u kormeerida dug.
Waa inaad samaysaa roondo joogto ah dhammaan qaybaha Isbitaalka.
- Caawinta Madaxa Hawalaha Guud.
Kormeeraha amnigu waa gacanta midig ee maareeyaha amniga; waa inaad siisaa macluumaadka iyo fikradda aad ku maaraynayso dhacdada maamulaha amniga, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaad uga aqoon badan tahay maareeyaha dhacdada gaarka ah ee dhacday.
- Baaritaanadda dhacdooyinka la Xiriira Amniga;
Haddii ay dhacdo dhacdo, waa inaad baartaa; Markaad baaraso, waa inaad ka warqabtaa siyaasadaha shirkadda iyo xuquuqda shakhsiyaadka adigoo dhawraya tixgalinayana shuruucda dalka.
- Ka hortaga iyo Ilaalinta badqabka Isbitaalka.
Maalin kasta, waa inaad hubisaa khataraha iyo amniga; Haddii aad aragto wax qalab ah
- khatar gelinaya amniga, waa inaad u sheegtaa waaxda ku habboon si ay u hagaajiso. Kormeeraha amnigu waa inuu yaqaan nidaamyadda amniga, sida CCTV IWM.
Sidoo kale waa inuu la socodo nidaamka si uu u hubiyo inuu si sax ah u shaqeeyo oo aad ogaato wax qabad kasta oo aan la ogolayn.
- Uruurinta macluumaadka iyo warbixino dhameystiran, iyo ilaalinta sirta amni ee Isbitalka.
Waxaad xog ururin kartaa adigoo la kaashanaya shaqaalaha kale ee amniga iyo shaqaalaha guudba; waa inaad qortaa warbixin marka aad hesho dhaqan aan sharci ahayn.
Heerka Waxbarasho.
Waa in uu haystaa:
- Shahaado Dugsi Sare
- Waa in uu leeyay Aqoon Computer.
Inuu akhrin karo, qori karo luuqada soomaliga isla markaana si hufan ugu gudbin karo warbixin joogto ah Madaxa qaybta Ilaalada.
Qaabka Loo Soo Codsanayo:
CV’ga waxaa la keenayaa Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha ugu dambeyn 10 Oct 2022.
………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
Telegram: https://t.me/qaran_jobs
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group 1: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Facebook Group 2: https://www.facebook.com/groups/qaranjobs
Facebook Group 3: https://www.facebook.com/groups/shaqo
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/qaran_jobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs
Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs
………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs