Ma doonaysa inaad shaqo hesho ama ganacsi abuurto! – Hargeisa, Somaliland

SOS Children’s Villages Somaliland

Ma doonaysa inaad shaqo hesho ama ganacsi abuurto! – Hargeisa, Somaliland

 

Ma doonaysa inaad shaqo hesho ama ganacsi abuurto!

SOS Children’s Villages Somaliland waa Hay’ad caalami ah kana shaqeysa horumarinta arrimaha bulshada

– daryeelka caruurta waayey daryeelkii waalidnimo ama khatar ugu jira in ay waayaan.

SOS CV waxay Kobcin iyo Tababaro lagu xoojinaaya Awoodooda xagga wax soo saarka u samaysaa qoysaska aan awoodin inay caruurtooda siiyaan daryeelkii ay u baahnaayeen.

SOS CV waxay sare u qaadeysaa xuquuqda caruurta iyo dhalinyarta waxa ayna ku howlantahay ilaalinta xuquuqdooda. SOS Childrens’ Villages Somaliland, sidoo kale waxa ay magaalada Hargeisa ka fulinaysaa barnaamijka loogu magac daray  The next Economy” oo ah barnaamij shaqo abuur iyo shaqo raadis ah

lagu tala galay dhalinyarta aan shaqeeynin ee dhameesatay heerarka wax barasho sida, Dugsiga farsamada gacanta, dugsi sare, iyo dhalinyarta dhigata ama dhammeesaty waxbarasho jaamacadda.

Haydaha SOS Children’s Villages Somaliland, waxa ay fulinaysaa mashruuca “The next Economy” iyaga oo tababaro siinaya dhalinyarta caqabaduhu ka heystaan in ay ku xidhmaan suuqyada shaqada ama u baahan in laga caawiyo si ay shaqo fiican u helaan ama ay u bilaaban lahaayeen ganacsigooda gaarka ah.

Haydaha SOS Children’s Village Somaliland, waxa ay ku wargelinaysaa dhalinyarada ku nool Magaalada Hargeisa in uu billaabanayo mashruuca “The next Economy” oo dhalinyarta ka taageeridoona dhinacyada shaqo abuurka iyaga oo qaadandoona tababaro kaladuwan muddo lix biilood ah socon doona oo ku saabsan,

Sida loo Samaysto/abuurto- Ganacsi

Sida loo raadiyo loona helo shaqo wanaagsan – Shirkadaha ganacisga, dawlada, hayadaha maxaliga, iyo hayadaha caalamiga.

Sannadkan 2021 waxaa la qaadanayaa  wajigii labaad oo kooban 150 ( gabdho iyo Willal).

 

Shuruudaha laga Rabo Dhalinyarada soo codsanaysa waa sidan hoos ku xusan:

Dada: 15 – 35 Sanno

HeerkaWaxbarasho:

Dugsi farsamada gacanta dhamaystay

Jaamacadda dhamaystay ama dhigta

Diyaar u ah in uu dhamaysto tababarka

Waa in uu yahay qof u heellan in uu shaqo helo ama uu abuurto isagu

Waa inuu yahay qof ka bad qaba noocyada kaladuwan ee balwadaha

5. Waa in aanu shaqaynin wakhti xaadirkan.

 

QAABKA LOO CODSANAYO:

Haddii aad danaynayso Fursadaan fadlan  soo buuxi link ka hoose ugu dambayn 07 May 2021.

BUUXI LINK-GAN

Waxii faahfaahin taasi dheer fadlan Booqo Website:  www.next-economy.com

 

 

Follow us on Social Media:

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so  

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/QaranJobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

error: Content is protected !!