Ma doonaysa inaad shaqo hesho! – Somalia

  • Somalia

SOS Children’s Villages

Ma doonaysa inaad shaqo hesho! – Somalia

Ma doonaysa inaad shaqo hesho!

SOS Children’s Villages Somalia waa Hay’ad caalami ah kana shaqeysa horumarinta arrimaha bulshada – daryeelka caruurta waayey daryeelkii waalidnimo ama khatar ugu jira in ay waayaan.

SOS Children’s Villages in Somalia waxay Kobcin iyo Tababaro lagu xoojinaaya Awoodooda xagga wax soo saarka u samaysaa qoysaska aan awoodin inay caruurtooda siiyaan daryeelkii ay u baahnaayeen.

SOS Children’s Villages Somalia waxay sare u qaadeysaa xuquuqda caruurta iyo dhalinyarta waxa ayna ku howlantahay ilaalinta xuquuqdooda. SOS Childrens’ Villages in Somalia, sidoo kale waxa ay magaalada Mogadishu ka fulinaysaa barnaamijka logu macaabo “The next Economy programme” oo ah barnaamij shaqo abuur iyo shaqo raadis ah oo lagu tala galay dhalinyarta aan shaqeeynin ee dhameesatay heerarka wax barasho sida, Dugsiga farsamada gacanta, dugsi sare, iyo dhalinyarta dhigata ama dhammeesatay waxbarasho jaamacadda.

Hay’ada SOS Children’s Villages in Somalia, waxa ay fulinaysaa mashruuca “The next Economy programme” iyaga oo tababaro siinaya dhalinyarta caqabaduhu ka heystaan in ay ku xidhmaan suuqyada shaqada .

 

Haydaha SOS Children’s Village in Somalia, waxa ay ku wargelinaysaa dhalinyarada ku nool Magaalada Mogadishu in uu billaabanayo mashruuca “The next Economy programme Phase-2 ” oo dhalinyarta ka taageeri doona dhinacyada shaqo abuurka, iyaga oo qaadandoona tababaro kaladuwan muddo seddex biilood ah socon doona oo ku saabsan,

  1. Barashada xirfadaha aasasiga u ah shaqo tagaha
  2. Sida loo raadiyo ee loo helo shaqo wanaagsan
  3. Helista fursado shaqo carbineed

Sannadkan 2022 waxaa la qaadanayaa Wajigii 4aad oo ka kooban 70 ( gabdho iyo Wiilal).

Shuruudaha laga Rabo Dhalinyarada soo codsanaysa waa sidan hoos ku xusan:

  1. Da’da: 15 – 35 Sanno
  2. HeerkaWaxbarasho:
  3. Dugsi sare dhamaystay & Dugsi farsamada gacanta dhamaystay
  4. Jaamacadda dhamaystay ama dhigta
  5. Waa in uu yahay qof u heellan in uu shaqo helo
  6. Waa inuu yahay qof ka bad qaba noocyada kaladuwan ee balwadaha
  7. Waa in aanu shaqaynin wakhti xaadirkan.
  8. Waa inuu yahay qof u heelan inuu shaqo helo ama uu abuurto isagu

Haddii aad danaynayso fursadaan, fadlan soo dir codsiyada (CV iyo warqad codsi ah, Adigoo kusoo hagaajinaya E-mail ka hoos ku xusan ka hor 03/Feb/ 2022.Ama waxad keeni kartaa xarunta SOS children’s village KM4.fadlan subject emailka kadhig EMPLOYABILITY TRAINING.

E-mail: next.economy.sos@gmail.com

Waxii faahfaahin taasi dheer fadlan Booqo Website: www.next-economy.com

  1. Fadlan qofkii horey usoo codsaday dufcadihii hore yuusan dib usoo codsanin tababarka.

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

Telegram: https://t.me/qaran_jobs

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/QaranJobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

………………………………………………………………………………………

error: Content is protected !!