SOS Children’s Villages
Ma doonaysaa Fursad aad Ganacsi ku abuurto! – Somalia
Ma doonaysaa Fursad aad Ganacsi ku abuurto!
SOS Children’s Villages in Somalia waa Hay’ad caalami ah kana shaqeysa horumarinta arrimaha bulshada – daryeelka caruurta waayey daryeelkii waalidnimo ama khatar ugu jira in ay waayaan.
SOS Children’s Villages in Somalia waxay Kobcin iyo Tababaro lagu xoojinaaya Awoodooda xagga wax soo saarka u samaysaa qoysaska aan awoodin inay caruurtooda siiyaan daryeelkii ay u baahnaayeen.
SOS Children’s Villages in Somalia waxay sare u qaadeysaa xuquuqda caruurta iyo dhalinyarta waxa ayna ku howlantahay ilaalinta xuquuqdooda. SOS Childrens’ Villages in Somalia, sidoo kale waxa ay magaalada Mogadishu ka fulisaa barnaamijka shaqo abuur oo logu macaabo “The next Economy programme” loogu tala galay dhalinyarta aan shaqeeynin ee dhameesatay heerarka wax barasho sida, Dugsiga farsamada gacanta, dugsi sare, iyo dhalinyarta dhigata ama dhammeesaty waxbarasho jaamacadda.
Haydaha SOS Children’s Villages ee Somalia, waxa ay fulinaysaa mashruuca “The next Economy programme” iyaga oo tababaro siinaya dhalinyarta caqabaduhu ka heystaan in ay bilaaban ganacsi ay gaar u leeyihiin, isla markaana ay shaqo abuur u sameeyaan dhalinyarada kale ee dalka joogta.
Hay’ada SOS Children’s Village ee Somalia, waxa ay ku wargelinaysaa dhalinyarada ku nool Magaalada Mogadishu in uu billaabanayo toobabar “The next Economy programme” oo dhalinyarta ka taageeridoona dhinacyada hal-abuurka ganacsiga iyaga oo qaadandoona tababaro kaladuwan oo muddo sedex biilood ah socon doona oo ku saabsan,
- Sida loo diyaariyo qorshayaasha ganacsi
- Sida loogu raadiyo ganacsiga maalgalin
- Sida loo maareeyo khataraha ganacisiga ka horyimaada
- Sida loo suuq-geeyo alaabta/adeega
- Sida loo Samaysto/abuurto– Ganacsi aad leedatahay
- Sida loo kobciyo ma loo balaadhiyo ganacsigaaga
Sannadkan 2022 waxaa la qaadanayaa wajigii 4aad oo kooban 30 ( gabdho iyo Wiilal).
Shuruudaha laga Rabo Dhalinyarada soo codsanaysa waa sidan hoos ku xusan:
- Dada: 20– 35 Sanno
- HeerkaWaxbarasho:
- Dugsi farsamada gacanta dhamaystay
- Jaamacadda dhamaystay ama dhigta
iii.Diyaar u ah in uu dhamaysto tababarka
- Waa in uu yahay qof u heellan in uu abuurto ganacsi u gaar ah
- Waa inuu yahay qof ka bad qaba noocyada kaladuwan ee balwadaha
- Waa in uu wakhti u helayo kana go antahay dhamaysashada mudada tobabarka
- Waa inuu la yimaado hal-abuur ganacsi oo waafaqsan sharciyada dalka
Haddii aad danaynayso fursadaan, fadlan soo dir codsiyada (CV iyo warqad codsi ah Adigoo kusoo hagaajinaya E-mail ka hoos ku xusan ka hor 3/ Feb/ 2022.Ama waxad keeni kartaa xarunta SOS children’s village KM4. Fadlan subject’ga emailka kadhig entrepreneurship training
E-mail: next.economy.sos@gmail.com
Waxii faahfaahin taasi dheer fadlan Booqo Website: www.next-economy.com
- Fadlan qofkii horey usoo codsaday dufcadihii hore yuusan dib usoo codsan.
………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
Telegram: https://t.me/qaran_jobs
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/QaranJobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs
………………………………………………………………………………………
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs
