Maamulle Degmada Yaaqshiid (1 Boos), Muqdisho, Soomaaliya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Maaliyadda

Maamulle Degmada Yaaqshiid (1 Boos), Muqdisho, Soomaaliya

Jagada: Maamulle Degmada Yaaqshiid

Hay’adda:  Wasaaradda Maaliyadda

Waaxda: Canshuuraha Berriga ee Agaasinka Dakhliga

Heerka jagada:  Heerka A

Waxuu u warbixinayaa:  Madaxa Canshuuraha Toosan

Mudada Shaqadda:  Shaqo Joogto

Goobta: Muqdisho, Soomaaliya

Jagada: Hal Shaqaale

Xaliga xayeeysiisku dhacayo: 22, Jan-11, Feb, 2024

  1. Ujeedada Jagada Shaqo

Jagadaan waa mid maamul oo laga howlgalaayo Xarumaha Dakhli ee Degmooyinka ee hoostaga Waaxda Canshuuraha Bariga ee Agaasinka Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda DFS. Maamullaha Dakhli ee Degmada waxuu masuul ka yahay maamulka xafiiska canshuuraha degmooyinka ee Wasaaradda Maaliyadda isagoo si gaar ah masuul uga sii ah korjoogteynta iyo taageeridda howlaha dakhli urrurinta ee laga qaado guryaha, ganacsiyadda iyo xaqiijinta in xogta canshuur bixiyaha lagu diiwaangeliyay nidaamyada casriga ee dakhli uruurinta sida nidaamka canshuuraha daaraha (RITMS), gadida (STMIS) iwm isagoo si maalinle ah ula soconayo howlaha canshuuraha ee degmadaasi.

Sidoo kale, waxaa looga baahanyahay inuu ka shaqeeyo u hogaansaanta ganacsiyadda ee canshuuraha kala gedisan gaara ahaan canshuurta gadidda, daaraha iwm iyo dakhliga canshuuraha aan ahayn ee lagu qaado xarumaha degmooyinka, isagoo si joogto ah ula soconaayo xaaladooda u hogaansaanta. Waxaa laga doonayaa inuu diyaariyo warbixino isbuucle, bille ama sanadle ah oo ka warbixinaya howlaha dakhliga ee degmada.

  1. Waajibaayada iyo Masuuliyadda

Maamulaha Dakhli ee Degmada waxuu ka howlgalayaa xafiisyada degmooyinka ee Dakhliga iyadoo laga doonayo inuu fuliyo waajibaadyada shaqo ee hoos ku xusan:

  • Macaamil wanaagsan oo uu la yeesho canshuur bixiyaasha isagoo ka jawaabaya su’aalahooda kuna caawinaya iney ka helaan xafiiska adeeg heerkiisu aad u sareeyo.
  • Maamulidda howlaha maalinlaha ee xafiiska canshuuraha ee degmadda iyo xaqiijinta in saraakiisha dakhli ka howlgasha xafiiska ay u gudanayaan waajibaadkooda si wanaagsan oo qancineysa canshuur bixiyaasha.
  • Taageerida howlaha maalinlaha ee uruurinta canshuuraha daaraha oo ay ku jirto diiwaangelinta guryaha iyo dhismayaasha ganacsiga ee degmadda ku yaalo iyo hubinta sax ahaanshaha xogta diiwaanka.
  • Xaqiijinta in guryaha diiwaangashan ay u hogaansanyihiin bixinta canshuuraha iyadoo lagu hagaayo kooxda uruurinta canshuuraha daaraha iyo saraakiisha ilaaladda canshuuraha iney xaqiijiyaan u hogaansaanta canshuuraha.
  • Xaqiijinta u hogaansanaanta canshuuraha kala gedisan sida gadida (sales tax) iyo kuwa kale ee loo garto in lagu qaado degmooyinka.
  • Diyaarinta warbixino joogto oo lala wadaagayo madaxa canshuuraha tooska ah iyo maamulka sare ee Dakhliga hadii loo baahdo.
  • Garabsiinta saraakiisha kale ee Dakhliga sida baarista Dakhliga iyadoo laga doonayo maamulaha inuu ka jawaabo warbixinadda lasoo weydiiyo ee ku saabsan Dakhliga degmada.
  • Garabsiinta xarumaha kale ee dakhliga si loo gaaro isku xirnaan iyo wadashaqeyn ka dhaxeysa xafiisyadda dakhliga loona xaqiijiyo u hogaansanaanta guud ahaan canshuuraha.
  • Keydinta iyo maamulida xogta dakhli ee degmada iyo diiwaanada kale ee Dakhli uruurinta si si wanaagsan loogu maareeyo Dakhliga.
  1. Aqoonta iyo Tababarada
  • Heerka 1aad/2aad ee jamacadeed gaar ahaan kuliyadaha Maamulka Ganacsiga/Xisaabaadka, Maareynta, Dhaqaalaha, Maareynta Maaliyadda iyo mid kale oo la xiriirta.
  • Xirfad sare oo maareynta maaliyadda guud- waa muhiim.
  • Tababar iyo khibrad dhanka maareynta canshuuraha iyo canshuur uruurinta – Waa muhiim.
  • Tababar iyo khibrad dhanka maareynta la macaamilka wanaagsan iyo adeeg bixinta.
  • Tababar iyo khibrad dhanka maamulka xogaha elektaroonig ah – Waa muhiim.
  • Aqoon dhanka kumbuyuutarada gaar ah Microsoft word, excel and powerpoint – waa muhiim

  1. Xirfadaha looga baahanyahay
  • Fahan wanaagsan inuu ka haysato maareynta canshuuraha, shuruucda dakhliga, hanaanka dakhli uruurinta iyo hababka wanaagsan ee caalamiga ah
  • Inuu awood u leeyahay qorsheynta iyo sameynta xog-uruurin dhanka canshuur bixiyaasha
  • Inuu awood u leeyahay maareynta xiriirka canshuur bixiyaasha iyo xalinta cabashooyinkooda.
  • Aqoon aasaasi ah oo dhanka howlaha xiriirka dadweynaha iyo hababka loo maareeyo.
  • Aqoon aasaasi ah oo dhanka xisaabaadka kumbuyuutarka oo ay ku jiraan nidaamyada SFMIS, STMIS iyo nidaamyada kale ee Dakhliga.
  1. Kartida looga baahanyahay
  • Fahanka bulshooyinka iyo inuu xiriir ku sameyn karo luuqadda soomaaliga
  • Awood u lahaanshaha uruurinta iyo falanqeynta macluumaadka adag
  • Awood u laahanshaha wadaagista xogta oo faahfaahnsan oo kooban.
  • isdhiiragelin
  • Xeeldheere leh xirfadaha isgaarsiinta iyo kuwa shaqsiyadeed.
  • Xirfad heer sare oo dhageysi iyo su’aal weydiin leh.
  • Awood u leh soo bandhigidda macluumaadka si cad oo macquul ah oo ay daacadnimo iyo cadaalad ku jirto.
  • Xirfad maamul oo heer sare ah, lehna awood maamul oo ku maareeyo kuna korjoogteeyo shaqaalaha.
  • Awood u leh inuu si sax ah ula shaqeeyo isagoo fiiro gaar ah u leh tafaashiisa tilaabana ka qaadaya iswaafaq la’aanta.
  • Awood u leh in si wanaagsan xiriir hadal ama qoraal u sameeyo.
  • Awood u leh qorsheynta iyo habaynta shaqadda oo si loo xaqiijiyo in shaqooyinka mudadooda lagu qabto.

  1. Khibradda looga baahanyahay

Jagadaan shaqo waxey u baahantahay ugu yaraan 3 sano oo khibrad oo xafiis dowladeed gaar ahaan canshuuraha.

  1. Waxtarka Qiimeynta

Shaqaalaha waxaa lagu qiimeynayaa hadba sida uu u guto waajibaadkiisa shaqo iyadoo la eegayo:

  • Gaaritaanka diiwaangelinta canshuur bixiyaasha daaraha, Gadida (VAT) iwm.
  • Waxqabadka maalinlaha ee maareynta howlaha xafiiska dakhliga ee loogu ageedo macaamiisha.
  • Kororka diiwaangelinta canshuur bixiyaasha iyo korjoogteynta u hogaansanaantooda.
  • In ganacsiyadda canshuurta ku waajibtay ee degmada degan laga qaado canshuurta sharciga ah.
  • Hogaaminta shaqaalaha dakhliga ee degmadda iyo ku taageridda iney gaaraan hadafyadooda.
  • Diyaarinta Warbixino sax ah oo tafatiran si joogto ahna loola wadaago xafiisyada, waaxyaha iyo maamulka guud ee Dakhliga.
  • Ka jawaab celinta codsiyadda xogta ee ka yimaada shaqaalaha iyo xafiisyadda ee dakhliga.
  • Sameynta ololle diiwaangelin oo joogto si kor loogu qaado tiradda canshuur bixiyaasha ee degmadda.
  • U hogaansamida Shuruucda, xeerarka, siyaasadaha iyo hagayaasha oo qeyb ka ah gudashadda waajibaadka.

  1. Sidee loo xareynaya                                          
  • Fadlan ku dir CV-gaaga iyo warqadda codsiga iyadoo lagu diraayo iimaylkaan: revenuedirectorate@mof.gov.so xayeeysiisku wuxuu dhacayaa 16:pm 11, Feb, 2024
  • Kaliya shaqsiyaadka buuxiya shuruudaha ayaa lala soo xiriirayaa si loo wareysto.
  • F.G: Fadlan marka aad direyso dukumintiyada cinwaanka iimaylka ku qor Jagada aad dalbanayso.

 

………………………………………………………………………………………

QaranJobs.com

………………………………………………………………………………………

PLEASE JOIN US – QARAN JOBS

Follow us on our Social Media:

   

To apply for this job email your details to revenuedirectorate@mof.gov.so

error: Content is protected !!