Madoonaysaa Inaad Shaqo Wanagsan Heshid ama Adigu aad Abuuratid Ganacsi? – Mogadishu, Somalia

SOS Children’s Village Somalia

Madoonaysaa Inaad Shaqo Wanagsan Heshid ama Adigu aad Abuuratid Ganacsi? – Mogadishu, Somalia

 

Madoonaysaa Inaad Shaqo Wanagsan Heshid ama Adigu aad Abuuratid Ganacsi?

SOS Children’s Village Somalia waa Hay’ad caalami ah kana shaqeysa horumarinta arrimaha bulshada iyo daryeelka caruurta, kuwaaso waayey daryeelkii waalidnimo ama khatar ugu jira in ay waayaan.

SOS waxay Kobcin iyo Tababaro lagu xoojinaayo awoodooda xagga wax soo saarka u samaysaa qoysaska aan awoodin inay caruurtooda siiyaan daryeelkii ay u baahnaayeen. SOS waxa ay sara u qaadeysaa xuquuqda caruurta iyo dhalinyaradda waxa ayna ku howlantahay ilaalinta xuquuqdooda.

SOS Childrens’ Village Somalia, sidoo kale waxa ay magaalada Muqdisho ka fulinaysaa barnaamij loogu magac daray “Next Economy” oo ah barnaamij shaqo abuur iyo shaqo raadis oo lagu tala galay dhalinyarta aan shaqeeynin misna dhameesatay heerarka wax barasho sida, Jaamacadaha, Dugsiyadda farsamada gacanta & dugsiyadda sare.

Hay’adaha SOS Children’s Village Somalia, SOS Children’s Village Netherland waxa ay si wada jir ah u fulinayaan mashruuca The Next Economy iyaga oo tababaro siinaaya dhalinyaradda caqabaduhu ka heystaan in ay ku xirmaan suuqyada shaqada ama u baahan in laga caawiyo si ay shaqo fiican u helaan ama ay u bilaaban lahaayeen ganacsigooda gaarka ah.

Hay’adaha SOS Children’s Village Somalia, SOS Children’s Village Natherland waxa ay ku wargelinayaan dhammaan dhalinyaradda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaradda ku nool Magaalada Muqdisho in uu billaabanaayo qaadashada dufcadii 3aad sanadka 2021. Mashruuca The Next Economy oo dhalinyaradda ka taageeridoona dhinacyada shaqo abuurka iyaga oo qaadandoona tababaro kala duwan seddex biilood ah, Tababaradaas oo ku saabsan;

  1. Sida loo raadiyo loona helo shaqo wanaagsan (Shirkadaha ganacisga, dawlada, hayadaha maxaliga, iyo hayadaha caalamiga).
  2. Sida loo Samaysto/ abuurto Ganacsi

Mashuurca “The Next Economy” oo soo bilowday 2016-kii ilaa iyo Hada waxaa ka faa’idaystay dhalinyaro isugu jira Gabdho iyo Wiilal.

 

 

Shuruudaha laga rabo dhalinyarada soo codsanaysa.

  1. Da’da: 18 – 35 Sanno
  2. Heerka Waxbarasho: Dhigta ama dhameystay jaamacad
  3. Waa inuu yahay qof u heelan inuu shaqo helo ama uu abuurto isaga.

 

Si aad iskaga diwangelisid barnamijkan raac ama taabo linkiga hoose:

https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSfW5F-FFAgAzLyXIu73qy6YPQp29iyIb33WETtIHMEpVrZiHQ/viewform

Is diwangelinta waxay xirmeysa May 7, 2021.

Waxii faah faahin intaasi dheer fadlan booqo websitekan https://next-economy.com/en/

  1. Fadlan qofkii horey usoo codsaday dufcadii hore la xayaysiisyay sanadkaan 2016 ila 2020, uma baahna inuu dib usoo codsado.

 

 

____________________________________

FADLAN KU SOO BIIR BARAHA BULSHADA QARAN JOBS:

Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so  

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs

Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs

Twitter: https://twitter.com/QaranJobs

Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs

error: Content is protected !!