Balan Logistics
Professional Driver (2 Positions) – Mogadishu, Somalia
Ogaysiis: Kala xulista codsadayaasha shaqo maanta ayey bilaabantay. Hore usoo codso.
Company Overview:
Balan Logistics waa Shirkad gawaari oo ka howl gasha somalia, waa shirkad ganacsi oo faaiido doon ah, Hadafkayagu waa inaan dhisno oo aan kobcino ganacsi ahaan iyo deegaan ahaanba ganacsi waara anagoo kordhinayna abuurista qiimo dhaqaale iyo shaqooyin bulshooyinka ee deegaanka. Balan logistics waxa ay hiigsanaysaa in ay wax ka qabato baahida gawaarida qaada agabyada dhismaha iyo walxaha lagu dhiso guryaha, oo tayada sare leh, ganacsiga iyo kaabayaasha. Balan logistics waxay xarunteedu tahay mogadishu, Somalia.
Position Summary:
Waxaan raadineynaa darawal xirfad leh oo firfircoon, kaasoo shakhsiyad wanaagsan leh. Darawalka waxuu mas’uul ka noqon doonaa dhamaan adeegyada baabuurta ee shirkadda, waxaa looga baahan yahay darawalka inuu soo qaado carada, jaayga, iyo dhagaxa mar walba oo la dalbado asigoo geynaya dhismaha laga doonaayo iyo inoo hubiyo baabuurta iney ku jiraan xaalad wanagsan mar walba.
Job Title: Professional Driver ( 2 position )
Reports to: Logistics Officer
Job Location: Mugadishu, Somali
Contract: Fixed term
Key duties and responsibilities:
- Wadista baabuurta ay Shirkaddu leedahay sida ku cad Siyaasadda Ammaanka ee Shirkadda.
- Waa inuu qofka leeyahay qibrad shaqo oo dawista baabuurta waaweyn ee caro gadiyaha(caro qaadaha)
- Waa in uu horay uga soo shaqeeyay muqdisho iyo nawaaxigeeda yaqaanana meelaha laga soo qaado jaayga, carada, iyo dhagaxa.
- Hubi in baabuurta lagu hayo xaalad shaqo oo wanaagsan si loo hubiyo in ay si badbaado leh u socdaalaan iyada oo aan la helin burbur aan loo baahnayn.
- Ilaali baabuurta oo hubi in taayirrada firaaqadu ay had iyo jeer ku jiraan xaalad aad u wanaagsan, iyo qalabyada kale ee baabuurta inta lagu jiro safarrada shaqada
- Hubi in dhammaan dukumeentiyada sharciga ah ee loo baahan yahay (canshuurta waddooyinka, shatiga wadista iwm) ay yihiin kuwo shaqeynaya mar walba.
- Bixi warbixin ku saabsan dhammaan shilalka saacad gudaheed marka uu shilku dhaco khadka tell phone ka.
- Hubi cilladaha gaadhiga iyo burburka gaadhiga oo hubi in loo sheego kormeeraha
Skills and Qualifications
Ugu yaraan 5 sano oo waayo-aragnimo darawalnimo ah iyo ugu yaraan 1 sano oo waayo-aragnimo ah la shaqaynta shirkadaha.
Waa inuu leeyahay 8 sano waayo-aragnimo darawalnimo gawaariga qaada carada, jaayga, iyo dhagaxa.
Heysashada driving license aan dhacsaneyn
Khibrad u leh dayactirka gaadiidka aasaasiga ah.
Qof aqli leh oo daacad ah
Inuu awoodo hawlo badan asigoo ku shaqeynaya xaalad adag
Kartida ku shaqaynta kormeerka ugu yar
Qaabka Loo Codsanayo:
Booskani wuxuu u furan yahay dhammaan jinsiyadaha. Musharixiinta dumarka iyo ragga labadaba waxaa lagu dhiirigelinayaa inay codsadaan.
Dib u eegista codsiyada waxay bilaabmi doontaa isla marka la helo, oo kaliya oo dhameystiran (CV, warqadda codsiga) codsiyada ayaa dib loo eegi doonaa. Haddii ay dhacdo in codsade aad u wanaagsan la aqoonsado horraantii habka raadinta, waxaan xaq u leenahay inaan magacaabno ka hor waqtiga kama dambaysta ah. Sababtan awgeed, waxaanu ku dhiirigelinaynaa musharrixiinta xiisaynaya inay codsadaan wakhtiga ugu macquulsan.
Codsiyada oo aad u sarreeya awgeed, waxaan ka xunahay inaan awoodi doono inaan la xiriirno oo kaliya musharaxiinta liiska gaaban.
How to apply
Fadlan u soo dir macluumaadka hoos ku taxan, sida hal fayl oo PDF ah, ciwaanka email address ka ee soo socda:
ballanlogis@gmail.com Fadlan ku sheeg Codsiga Professional Driver ee line ka mawduuca.
Ogaysiis: Kala xulista codsadayaasha shaqo maanta ayey bilaabantay. Hore usoo codso.

QaranJobs.com
………………………………………………………………………………………
PLEASE JOIN US – QARAN JOBS
Follow us on our Social Media:
Telegram: https://t.me/qaran_jobs
Facebook Page: https://www.facebook.com/QaranJobs.so
Facebook Group 1: https://www.facebook.com/groups/somaliajobs
Facebook Group 2: https://www.facebook.com/groups/qaranjobs
Linkedin: https://so.linkedin.com/company/qaranjobs
Twitter: https://twitter.com/qaran_jobs
Instagram: https://www.instagram.com/qaranjobs
Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.qaran.jobs
To apply for this job email your details to ballanlogis@gmail.com
QaranJobs.com – somali jobs – somalijobs – qaranjobs – Qaran Jobs Somali Jobs